GOORMAYNU KHALDANAY( QAYBTII KOWAAD

GOORMAYNU KHALDANAY( QAYBTII KOWAAD

GOORMAYNU KHALDANAY( QAYBTII KOWAAD

Goormaynu Khaldanay ?

Qaybtii 1aad

26.05.2009

(Goormaynu khaldanay waa suaal aan jawaabteeda mudo dheer raadinayey welina aanan gunteedii gaadhin balse aan malayn karo ,marna waa dood u furan cid kasta oo jawaab sax u haysa suaasha ah Goomaynu khaldanay ?)

Marar badan waxaan isweydiiyey khaladaadka Siyaasadeed-dhaqaale iyo dhaqan ee ka jira Somaliland sida ay ku yimaadeen iyo sida loo xalin karo , marar badan ayaan isweydiiyey waxa inaga khaldan shicib – Siyaasi iyo aqoon yahanba.Waxaan wax badan la sheekaystay noocyada bulshada qaar ahaan Siyaasiyiinta-aqoon yahan-bulshada rayidka ah iyo qurba joogaba,ilaa haddana waxaad moodaa in lagu kala qaybsan yahay jawaabta sax ah ee suaasha Goormaynu Khaldanay?

Mudadaa dheer ee aan raadinayey jawaabta ,suaasha ah goormaynu khaldanay,ayaa waxaan helayey jawaabo kala duwan ,kuwaas oo aan filayo in ay qayb ka noqon karaan jawaabaha ku haboon suaashaas,waana laga yaabaa in ay jiraan jawaabo kale oo kaga haboon ,balse waxaad mar kasta ogaataa in dadka badankiisu jawaabaha ay bixinayaan ay yihiin sida ay iyaga la tahay.Waase dood idiin furan.!!.

Jawaabta ay bixiyeen Siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ay,ayaa waxay ahayd sidan:-

waxaynu khaldanay 1960 bishii June 26dii markii dhulkii Somaliland ee ingriisku Gumaysan jiray ay xoriyadoodii ka qaateen Gumaysigii Ingiriiska, ee ay si shuruud la,aana ula midoobeen bishii July 1dii 1960 walaalihii Soomaaliya ee iyana ka xoroobay Gumaysigii Talyaaniga.

Ma jirin wax shuruudo ah oo Somaliland ku xidhay midowgii ay la midowday walaalaha Soomaliya ,marka laga reebo in la wada raadiyo shanta(5) Soomaaliyeed amase Soomali weyn.

Dhinaca kale Soomaliya waxaa u diyaarsanaa shuruudo fara badan oo runtii la odhan karo waxay ahaayeen shuruudo aad iyo aad u adag,kana fogaa wixii ay shacabka iyo Siyaasiyiinta reer Somaliland ka fekerayeen amase aan odhan xataa waxay ka fogayd wixii maskaxdooda ku jiray.

Hadaba haddii khalad jiray 26 Juun 1960,khaladkaa ma waxaa lahaa shacabka mise Siyaasiyiintii xilligaa jiray ?mise waxaa khaladka lahaa wadaniyadii waalida ahayd ee ku beerneyd wadnaha shacabka reer Somaliland? Waa suaalo iyana u baahan in loo helo jawaabo sax ah si aan mar kale loo gelin khaladaadkii hore.

Haddii ay sax tahay jawaabta ay Bixiyeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland,oo weliba ay ka mid yihiin ragg caan ku ahaa Siyaasada guud ahaan soomaaliya,bal aynu eegno qayb ka mid ah, Gabaygan uu tiriyey Awaankii caanka ahaa Ibrahim Gadhle-ILLAAHAY NAXARIISTII JANO HA SIIYEE.

“Taariikh da’ weynoo,
Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee,
Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii,
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee,
Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine,
Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen,
Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen,
Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,
Sida loogu deyduu,
Geesina u diriraa,
Anna laba-daryaalii,
Waxaan Daacad uga baxay,
Dhulku yaanu Daaliyo,
Dooloow u kala go’in,
Siday labada daamood,
Dab u wada kulaalaan,
Dibi keliday lay qalay,
Qoys qudh ah dibbiradii,
Waxa aan ka door-biday,
Duubiga shan lagu cuno.

Waxaa tiriyey Ibraahin-gadhle, Jabuuti, 30/3/1980kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaalle.

Hadal iyo dhamaan abwaanku wuxuu gabaygiisa ku cadeeyey in uu jiray deg deg ay sabab u ahayd wadaniyadii Soomaliweyn oo shacabka reer Somalilan dhiiga iyo lafaha ka gashay balse aanay Soomalida kale la qabin xilligaa.

—-la soco qaybta 2aad—

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: