DOOD BAARCADDE AH OO DHEX MARAYSA SIILANYO FAYSAL IYO DAAHIR!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

DOOD BAARCADDE AH OO DHEX MARAYSA SIILANYO FAYSAL IYO DAAHIR!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Dadaal kale baan wadaa
Dablaan magacaabayaa
Inaan darajooyin furo
Haddeer baan damacsanahay

Anaa dalandool u galay
Inaan ictiraaf dagdaga
Dalkeena u keeno oo
Dubaay iyo Biritan maray
Maraykan docdiisa tagay
Afrika dhex dawaafayoo
Badiba waan la dooday Yurub

Dadweynuhu way ogyiin
Inaan danab qaran ahoo
Mar kale aan doorashada
Gushii dacal joogabee
Bal orod Boorama Dalxiis
Barbara soo yara dawaaf
Odweynana duhur yar gaadh
Burcana daanteeda qabo
Lascaanood daawo oo
Sanaagtana dayr yar gaadh

Xisbiga dibadaha ka yimi
Dalkaba wuu moogan yahay
Dabayl fudud baa sidoo
Waxaa hoday daacadnimo
Dawgii ololuhu lahaa
Dahaadh baa kaga qufulan

Siilaanyo damaacigiyo
Wuxuu ololahan darbuu
Kursigan doon doon is yidhi
Markii duqi uu dhintee
Cigaalna la duugaybee
Darraad UDUB buu ahaa

Ninkaa dabka igu shidee
Dacaayada faafiyaa
Danbuu iga weecanoo
Bahdaydaa dooh ku odhan !!
Wasiiro darnaan leh iyo
Guurtida aan duub u xidhay
Komiishan an doortay iyo
Distoor aan iga hor iman
Difaac bir ah baan wataa

Markuu sanad kale dawakho
Da’duba way liicinoo
Anaa doorr kale ku jiri
Daraha madaxtooya
Toloow doodaas Maxay kaga jawaabi doonaan Faysal Iyo Siilaanyo. La soco qaybta 2aad.

Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: