YEYNAAN KU SIFOOBIN ABAAL-LAAWAYAAL.

YEYNAAN KU SIFOOBIN ABAAL-LAAWAYAAL.

YEYNAAN KU SIFOOBIN ABAAL-LAAWAYAAL.

DAHIR RIYAALE WUU U QALMAA
SHACABKA ILAAWAY DADKII USOO
HALGAMAY WAAR KA JOOGGA YEYNAAN
KU SIFOOBIN (QOWMIYADDII BILLAA ABBAALKA AHAYD).
BY ISMAIL ABDI JIIR.

Dhamaan shacabka S/lanad waa salaamanyahay waxaanan u rajaynaa guull iyo gobonimo, Salaan
kadib waxa maalinba maalinta ka denbaysa soo if baxaysa fashilaadda khiyaamadda ina riyaale
iyo dowladiisu ku hayso Shacabkan u igmaday dowladnimadda oo aad moodo inay ka faa’ideystahay Dhibaatadii dalkan iyo dadkani soo maray oo Shacabkii S/lanad ka dhigey shacab nugul oo dulqaad badan oo deganaan jecel oo dagaal neceb oo dowladnimo iyo kala denbeyn jecel oo yeeshay Madax Miskiin.

Waxay shacabku dowladan u doorteen inay horumar-dhaqaale, mid siyaasadeed mid nabad gelyo ay usoo hoyso laakiinse waxay iloowbeen ama ay u ill-duufeen horta dowladan iyo madaxweyneheedu ma doonayaan waxa aad doonaysaan ma yihiin kuwa u qalma hogaanka
ma ka dhabtahay S/landnimadu waddankana daacad ma u yihiin ?

Su’aashaasi waxa inooga jawaabay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer geelle, Markii 18kii may
2009, uu ka hor joogsaday dalkiisa in lagau qabto Dabaal-degii 18/may oo ka dhacay dacalada
adduunka Australia ilaa China. Maaha markii 1aad Ee uu ku badhi-furo Ismail Somalilad iyo
daahir riyaale Ee horena waa kii u yidhi Somalilad iyo Somalia waxba isma dhamaan oo waa
argagaxiso, Waa markii Lamaanaha Macalimiinta ah lagu dillay Sheekh.

Haddaba waxa isku kay qaban la Ninkan amaantiisii iyo dabaal degiisii ka socdo gobol kasta
oo S/lanad ah illaa Madaxtooyadda habeenkasta looga heesayo ee isaguna leh S/land ma jirto.
waa tii aynu ogeyn Sida S/lanad iyo Daahir riyaaleba aynu isu barbartaagnay hiill iyo hooba
dagaalkii Dhowaan dhexmaray Eleteria iyo Jabuuti.

Haddaba isku soo wada duuboo Daahir riyaale iyo Ismail omer geelle kuma ah Saaxiib qadiyad
u addeegaysa S/land, Ee Saaxiibtinimadoodu waa Mid shaqsi oo kulminaysa nacaybka ay u
qabaan S/lanad iyo lugooyadda ama majara-habaabinta shacabkii wanaagsanaa ee war ma
qabtadda ahaa ee soo doortay. (Sir Ma qabe Allaa u Sahan ah, Daacadi ma humgowdo).

Waxa taa kuu caddeynaysa Ninka Jiritaanka S/lanad iyo shackeeda jeceli kama ay suurtowdeen oo umay cuntanteen inuu Kheyraadkii Badda Ee S/lanad kusii Daayo Maraakiib
adduunka laga Mamnuucay oo Xaalufineysa Badda. (nin aan kuu Farayni yaanu kuu rarin)

Ma uu xaraasheen Dhulkii Danta-Guud EE berri kamaalin marka waddankani cagaha isku taago
u noqon lahaa kaydka lagana dhisi lahaa wax anfaca bulshada ku nooll Hargeisa, muu dhaafsisteen Shillimaad yar oo aan macno ku fadhiyin.( Waxba haka tegin dhulkaba waaraad ku iibso, Yaa kugu haysta Madaxweyne La doortay).

Ma uu Ogolaadeen In Shackiisa loo Gacan-dhaafo oo Qallin shubato hesho kana xayuubsato
gundhigii yara ee Dumarka Faraqooda ku laabnaa, waa arxandaro iyo cadaawad gabasho
aan lahayn oo weliba lagu andacoonayo in dadkaasi xidhiidh- dhow la lahaayeen madaxtooyada, Cajiib Cajiib. (Anagu ma dad lacagtooda ku khamaarayaanu Eed ku leenahay Hayska Hadlaan Casino Khamaar Oo sharci lehba waan furri haye
maxay odhan).

Ma uu Ogaaladeen In Mujaahidiintii Dalkan soo xoreeyey ay Baahi iyo Macaluul ugu dhintaan
S/lanad halka ay Madaxtooyaddana ka socoto Jaas iyo qoob ka ciyaar habeen wallba
dadkana lacagta lagu siiyo Udub ma tahay, Ma haysaa dad udub soo gelaya, oo sidda
illo lagu kalsoon yahay laga hellay ay xitaa jirto Lacagtaa lunsiga lagu cuno iyo udubaynta
xitaa inay soo gaadho Qurbaha Oo lagu budliyo Qaad iyo sheeko Berelay iyo udub waa sax.
Halka looga baaheenayo Hooyaddii Dhashay Mujaahidka Mujaahidiinta Alla ha u naxiirtee
Marxuun Lixlle Hooyadii Ardo Diiriye, iyo Mujaahid Maxamuud Haybeba, iyo Qaar kaloo badan. (Wagger Kuwaa Wabaan laynayaa Dhowaan Isugg aan Xooggeystee Mujj iyo Snm loogama Baahna S/land Waaba kuwa waddanka Nabadgelyadiisa khalkhalka ku wada Ee aanu ka shaqeyn la Nahay Waar yaa Noo kala warrama).

Ma uu ogolaadeen In Waddada hor marta Madaxtooyadda iyo ilaa Garoonka Diyaarada
(Airo-portka). Ay noqoto Mid aan la mari karin oo Boqol hogg leh indhaha caalamkana ay
ku dhacdo, Jawaabteeduna ay noqoto Oo ninka leh Na ictiraafa Wax baanu qabsanay
muxuu qabtay sow kan jidkii madaxtooyada hor marayeyba siddan yahay, Somaalidu waxay
tidhaahdaa haddii riyuhu Dib leeyihiin Dabadooda ayey ku qarin lahaayeen, Sakaarana Saallo
la arkayo ayey aassaastaa, Waa kaas waxqabadkii ina riyaalle uu sheegtay 18/may/2009
Qudabaddii dheerayad ee Sheeko xariirka ahayd, iyo Keligay ayaa Qudbadaynaya yaa
Salaam Waxaasaa layiraahdaa keli-talisnimo iyo Aftahanimoma. Anaguna waxaanu ku leenahay Welligaa hay, Doorashana waxba ha qaban, Ileyn waxaynu haysanaa Cuddurdaar wanaagsane Waa kaa Saverkii Shaqayn waayey Lagu bixiyey 18milyan Ee Doollar, iyo Eesh Callaa Guddoomiye Qaaye Leh Jaamac Swedan iyo Kaaliyihiisa Farsamada Saverka iyo Masmasixidda Faraha iyo Kaadhahka Dadka aan la rabin Si fiican ugu takhasusay Kusoo dhowow Ismail nuure, Severka Fududee wuu cusladaye.

Dhaliilaha dowladan iyo waxqabadkeeda shacabyahaw waad ka dheregsantihiin oo halkan kuma
soo koobi karo Ee isku soo wadda Duuboo Quraanba Qulwalaa isku Fuuqsaday Waa kaa
Dhallintii S/lanad Hablo iyo Inamama ay Isu bedeleen Midho Xareerraadka Baddaha Caalamka
Dull Sabeeya Oo maydkooda lagga Soo gurayo, Illaahow Naxiriistii janno Gee, Inta hadhayna
nooga Badbaadi, Oo Dowlad dadkan iyo dalkan dib u Eegta Nassii AAmiin.

Haddaba Shacabyahow Yeynaan ku sifoobin Duull Abaallaawayaal Ah oo aan kala Garan Cadawgoodda iyo Nasteexooda Kuna wiirsada oo ku qosla kii ku naafoobay Nabadan maanta
aynu haysano, Hooyaddii Ubadkeeddii ku wayday SNM, Iyo Ragaynu Naqaanay EE Lixlle iyo
Qayrkii In ay Maanta Hargeisa Dhexdeeda Ku Tabaaloobaan Waa Xaarraan maqdaca iddinkuna
inta aydin wax Cuntaan aadd iska Seexataan, Madaxtooyaddana habeenkii Muusiga ugu kala
Dheeraysaan, Tijaariintuna Marba Markab hayska Keenaan Oo macaashka hayska gurtaan,
Guurtiduna Xeeladdaas hadba Kooxi Koox ha hirdido, Baarlamankuna Maddluunkaas haku jiro.
Waxaan iddin leeyahay Yaynaan Mujaahidiintii Shahiidey iyo Kuwa noollba Inkaar ka galabsanin
Oo ay naan ku sifoobin Qowmiyaddii Billaa Abaalka ahayd, Ee siddan si aynu isagu dhaano.

Illaahh Xaqqa ha ina garansiiyo.
Soomaalilaad Ha Noolaato Ha jirto ha Waarto Hana Guulaysato.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: