SIYAASADDA MUCAARIDKA S/LAND OO MARAYSA ISTABCEEN IYO SHACBKII OO KA QANCAY

SIYAASADDA MUCAARIDKA S/LAND OO MARAYSA ISTABCEEN IYO SHACBKII OO KA QANCAY

SIYAASADDA MUCAARIDKA S/LAND OO MARAYSA ISTABCEEN IYO SHACBKII OO KA QANCAY

Maqaalkan Waxaynu si weyn ugu Lafo Guri Doonaa Arrimaha Siyaasadeed ee Wakhtigan Xaadirka ah Taagan Xadgudubyada khadka cas Dhaafay ee Mucaaridku iyagoo u Kasaya Ku Talaabsadeen Maahana wax Ku Cusub Bulsho weynta Somaliland inay Maqlaan Kulmiye ayaa Dalka Dibbaddiisa ka Neefsaday Waana Wax Laga Yaayaqsoodo .

Kulmiye waxaynu Odhan Karnaa waa Xisbi aan Siyaasad lahayn oo ay Ka Buuxaan Niman Xilka Laga Eryay oo Xukuumadda ka tirsanaa oo lagu Magacaabo Cadho Ururtay Kuwaasaa ka Taliya Kulmiye ee Malaha Siilaanyo wixii Nimankaasi uun soo Jeediyaan Xisbiga Gudihiisa ayuu isna Ku Dhaqaaqaa .

Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Kulmiye wuxuu isku dayayaa Siduu u tabceen Lahaa oo Macnaheedu yahay Dalku inuu Ictiraaf helo wuu kasoo Horjeedaa waayahay iyadoo Sidaasi ay u Fasirteen Shacbiga Somaliland Qoraalkii ku soo baxay Wargeys ka mid ah Kuwa Dalalka Reer Galbeedka Kasoo baxa Kulmiye wuxuu intaa Ku daray inuu Dagaalami Doono haddii uu Tartanka Ku Guulaysan waayo .

Horena wuxuu Afkiisa ay ka sheegeen Reer Kulmiye inay Si weyn ugu Kalsoon yihiin inay Doorashada Madaxtinimadda Ku Guulaysan Doonaan Maxaa Looga Maqli Waayay Madaxweyne Rayaale ?

Haddii aan Si Fudud Kuugu sheego Jawaabta Su,ashaasi Daahir Rayaale Waa Siyaasi Og Maanta inuu ka Taageero badan yahay Shalay Waxaana La Ogyahay Kulmiye Doorkan inaanu soo Haybsan Doonin ayuu ogyahay waana Astaamaha Lagu Yaqaano Siyaasiga dhabta ah .

Faan badan waxba Tari Maayo Laga Soo Bilaabo Shirweynihii Kulmiye oo aan dhex Joogay ee Ambassador Huteel Lagu qabtay wakhtigaasi ilaa maanta Kulmiye wax ka dhaca Mooyaane wax Ku Kordhay lama arag .

Lama Odhan Karo Siilaanyo Xaq uma Laha inuu Xil qabto laakiin Xisbigii Waxaa ka Dhex Muuqda Kuwo Xukuumadda Laga Caydhiyay Xilal ay kasoo qabteen oo Xasarad ka dhex Wadda ummadda Shacbiguna maaha kii Shalay ee waa mid Ninkastoo Somaliland Dalka Jooga wuxuu gallo iyo wuxuu Guddaba la socda .

Xisbiga Udub inuu Talladda Sii Haysto waxaa Ku Saacidaya Mujaahid Siilaanyo waayo iyadoo Laba Bilood ay Cayimeen Komishanku ayuu diiday Kulmiye oo weliba uu yidhi Guurtida ayaa ku xaq lahayd inay cayinto markii Muddo ka badan meesha ay kasoo Baxdayna Komishankii ayuu yidhi ayaa u xaq lahaa .

Taageerayaashii Kulmiye waxay ka qanceen intoodii badnayd Markii Siyaasaddii Xisbiga Kulmiye Noqotay Mid Sxb Dadban La ah Xisbiga Udub oo Ku sii Saacidaysa Udub Muddadii Xilkeegu sii dheeraado Doorashadana Markay Gaadhana Calaf ayaa lakala qaadi lahaa Markay Taageerayaashii Sidaasi Ogaadeen way ka Qanceen Taasina waxaa Kuu Caddaynaysa Markii ugu danbaysay Kulmiye Wuxuu Watay Qorshe ah in Xubnaha Komishanka in la kala Tafniido ama la kala dirro taasina wakhti badan ayay qaadan lahayd oo Dib udhigta Markaa Miyaanu Kulmiye ahayn Sxbka Ugu dhaw ee Udub .

La Soco Qormadda Danbe

Qalinkii Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: