WASIIR CALI QOORSEEFOW MARKA LA KORDHABO AYAY HOOS DHABANTAA OO HANBEBER BURQATAA

WASIIR CALI QOORSEEFOW MARKA LA KORDHABO AYAY HOOS DHABANTAA OO HANBEBER BURQATAA
Wasaaradu Ma Qoraalbay ku toostay…Cajiib.!!!

Wasiir Cali Maxamed Qoorseef, Waa wasiirka kaluumaysiga JSL sida aynu ognahay waana wasaarad mihiima,Hadaba wasiirku war bixintan filiqsan ee uu soo bandhigay maaha mid salka ku haysa xaqiiqada iyo daacadnimada iyo xilkan uu hayo masuuliyadii ka saarayd muu gudan mana aha fadhi daldalan hawshii loo diray ee umada gaajada iyo baahidu xeryaha ku oodatay ay ka rabtay.

Hadaba marka aynu caqliga saliimka ah ku miisaano dalka iyo baahiyaha joogtada ah ee umadeenu la sirirsantay waa mid ay naan soo koobi karin. Balse wasiirku wasaaradan uu joogaa waa tii baahida dadkaa haysata hadii loo hagar baxo wax ka badali leyd hadii sida uu sheeganayaa dhabtahay, waana arin aan laga fiirsan ku dhawaaqeeda iyo sheega shadeedu.Sida aynu la wada socono badeena waxa si aan xad lahayn looga gurtaa kaluunka iyo khayraadka kale ee ay badeenu leeday,Waxa taas ka marag kacay wasiirka kaluumaysiga Mudane Cali M.Qoorseef,Warbixintiisu waa mid tibaaxaysa labada cadaw ee badeena gacanta kula jira cadawka koobaad waa maamulka Riyaale iyo Ajaanibka ay ku fasaxeen iyo kuwa aanay ogeynee gurta khayraadka bada.

Badeenu waxa ay mudo dheer gacanta ugu jirtay umad aan u tudhayn una liseynin kii xaqa ku lahaa ee mudada dheer ku gaafo wareegayey ee baahida gaajo iyo xirfad la’aantu bogiisa isku dhejisay een lahayn cid qabaal u qorta uu bada qoorigeeda kaga soo calaf qaado.Balse bisadi ma joogto dahabadeenii berbera ee khayraadka badan lahayd.Waa ayaan daro wasiirka aan xirfada u lahayn bada iyo maamulka loo dhiibay warbixintiisa iyo difaaca aan loo baahnayn.

Hadaba wasiirkan walaalkeeni waxa uu inoo sheegay uu maraakiib 12-ah uu gacan hoorsi qadaar yar oo lacaga kaga soo qaataan bada inta uu qirayo kuwaas oo ah talyaani iyo ajaanib kaleba,Waxa kale oo uu inoo sheegay in uu 367 ay u diyaariyeen sidii ay uga faa’iidaysan lahayeen bada si ay baahiyahooda ugu daboolaan tirada dadka ay taba bareena tahay 1123 qof, Tasina waa wax ba kama iraan iyo ceeryaamo aan meela biyo dhigin.Arinta kale ee uu waraysiga hambabarki ka keenay marka bulshadu farta ku fiiqdo wax qabad la’aantooda waxa uu sheegtay in uu saaray 830 box oo aanu sheegin waxay qabanayaan uu saaray 367..Laash, balse waa arin ka weyn caqliga inta xirfada bada taqaan iyo inta aan aqoonba tirada Laashashka iyo waxa uu ku tilmaamay box-yadu isma leega laskuna waa 7-8 feet waa sida aan ogaa.

Waxaan umada u sheegayaa in aanay waxba ka jirin warka lagu shaaciyey website-da ee sheeganaya guulaha iuo horu marinta umada waa arin aan xaqiiqada raad iyo saltoona ku lahayn.Waxa kale oo iyana aan ahayn wax la qaato ama ruux dhego iyo indha la’a loo sheego 12-markab ee cashuurta laga qaadaa ku dhacdo khasnada misaakiinta JSL-ka.Arimaha qoraalka dheer ee war bixinta wasiirku waa hal bacaad lagu lisay, Ajaanibka badeena gurtaa waxay lacagta ku shubaan ACCOUNT-yo dibada ah oo shakhsiyaad u furan iee waxaan wasiirka ugu bushaaraynayaa in lala xisaabtamayo maamulka uu u xuluulaynayaan aanu ahaan doonin mid umada dusha ka saraan doona.

NIMAAD BOOBTAY BEEN KUMA GAMO

Amiin D.Caynaanshe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: