SHACABKA SOMALILAND UFF AYUU YIDHI DAGAAL, DAYMADA XAMAR-NA HADALKEEDAA TUUR

SHACABKA SOMALILAND UFF AYUU YIDHI DAGAAL, DAYMADA XAMAR-NA HADALKEEDAA TUUR

click to comment
Muran kama taagna Shacabka Somaliland inuu dulqaad badanyahay,imisa jeer ayaa loo qoday booraan hadimo oo ay ka bad-baadeen,imisa jeer ayaa dibin-daabyo lagu hurgufay oo ay ka soo gudbeen,taariikhdu ayadaa is-qorta,alle aamina ma iisho.

Hadaan hoos ugu dhaadhaco dulucda qormadan kooban,shacabka Somaliland wax ka qarsooni ma jiro.Hadana way sahlantay sida laysugu dhufto ee loo kala qoqobo.Waa ayo se cida ku hawlan kala kaxaynta iyo iska horkeenka,arrimahaa ragga ku hawlani miyaanay hab kale aqoon,maxaa se ku kelifaaya ee ugu jira.

Xisbiga UDUB ee dalkan Somaliland taladiisa hayaa,lama mahadin,hagardaamo ayuu dalka ku hayaa,waxuu u xuub siibtay habkii hore haadaanta uga tuuray keli-taliyaashii qaarada Afrika soo maray,kala qaybi oo xukun,hadana UDUB intay shacabka qaniinto ayay qaylisaa,falalka ay shacabka ku kicinayso iyo dabinaday xidhay ayay tidhaa: “Mucaaridka ayaa dalka khalkhal gelinaaya,dagaal ayay oogayaan”,intay afar calooshooda u shaqaystayaal ah waxoogaa u laabto ayay soo fadhiisisaa TV-qaranka ee ay afduubka ku haysato,markaasay fariintii xagashada qaylo afka kala qaadaan oo ay hanjabaad qayaxan shacabka dhegahooda la dhacaan,balse yaa ka hoos qaadaya. Shacabku dagaal wuu ka daalay,haba-ka-yaabin.

Xisbiga UDUB taa ha ogaado,maahmaah Somalilander ah ayaa tidhaa “Sakaaro saalo muuqata ayay aas-aastaa.” Shacabku ma indho la´a,mana dhego la´a balse xisbiga uma qudh-qudhsana dareenka shacabka ay u taliyaan,bal dib u jaleec dalkan yar ee kooban una qaybiyeen 13 gobol,waa maxay ula jeedada laga leeyahay,aan kuu saafo ee waa beelaha isku dhufo,bal xasuuso deegaanada galbeedka iyo bariga ee la kala xadayn waayay,ula jeedaduna ay tahay dagaal haka oogmo.Waxa se ay u badheedhaysa oo ay si walba isugu dayday shacabkan adkaysiga badan inay hadba dhinac kaga timaado.

Habka kale ee uu xisbiga UDUB adeegsanayaa waa dhinaca curyaaminta dhaqaalaha dalka,meel walba,il kasta oo dhaqaale ka soo baxo waxna UDUB ayaa leexsada,waxna Jabuuti ayay ku wareejisay.Taa ula jeedada uu ka leeyahay waa shacabku ha gaajoodo,kadibna ku qasab ama u jiid dhinacaad doonayso inaad u afduubtid.Mase dhacayso oo shacabka Somaliland waxa uu goosto dhalaal iyo dhallaan habaabis kagama tago,dhiig,naf iyo maal ayuu u soo huray inuu ka xoroobo hababkaa UDUB uu adeegsanayo ee duugga ah.Dhibta UDUB ay dalka ku hagaysana shacabku wuu arkaa waxaanu kaga jawaabi doonaa codkiisa,insha allaah.

Xaal abuuridaas oo dhan waxuu UDUB uga dan leeyahay shacabku inuu isku dhaco,gaajoodo,dabeetana la gaadho xaalad adag oo ku kelifta dalka in dib loogu celiyo midnimada Somaliya,maaha mid innaga qarsoon xisbiga UDUB talaabooyinka aan u adeegayn dalka ee hadba shacabka ku karbaashayo.Bal u fiirso,xidhiidhkan cidla ka tooska ah ee cadaawada abuuray lana yeeshay Jabuuti oo ah hooyga midaynta Somalia oo aynu ku jirno siday iyagu u arkaan iyadii oo aan weli wax aqoonsi ah ka haysan aduunka.Markii Eriteria iyo Jabuuti isku dhaceen UDUB ayaa ugu horaysay wax canbaareeya oo yidhaa hiil iyo hooba waxaanu la garab taaganahay Jabuuti,markaasay weliba ku boobeen 2000 kun oo adhi ah iyadoo Madaxweynaha laga hayo “Maxaa la cunaa meesha wax-baba ma yaaliine.” Talaabadaasi waxay cadaawad inoo gelisay dalka uu ka hiiliyay,waxaanay abuurtay jiitin afka laga saaro aqoonsiga shacabku u harraadanyahay.

Shacabka Somaliland waxuu si cad u ogyahay cidda xaalad-abuurka hurinaysa ee hadana cabaadaysaa inay tahay UDUB. Shacabku waxuu ogaaday UDUB inay xoog saartay sidii ay isugu dhici lahaayeen xisbiyada mucaaridka ah iyo shacabku,maanta innagama qarsoona xoolaheenii in loo wareejiyay jabuuti oo xuduudka loo fasaxay inay ka gudbaan,waynu ognahay UDUB inay baddeenii khayraadkii ku jiray loo fasaxay qawlaysato kuus yar laga qaato,waynu ognahay dhaqaalihii dalka in shacabka laga xaaraantimeeyay,waynu ognahay inaanay jirin wadanigu waxuu kaga duwanyahay ajnabiga dalka ka ganacsada,shacabku se uff ayuu yidhi dagaal,daymada xamar-na hadalkeedaba tuur. UDUB-na waxaan leeyahay waad ku fashilantay midnimadii Soomaaliya ee aad dalka u afduubtaye ma laguugu taag heliyaa inaad hagardaamada ka waantoowdid.

Qarannimada Somaliland Allaah ayaa qoray.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: