JAMHUURIYA IYO XOGTA DAHSOON EE KHALKHALGALINTA XASILOONIDA NOLOLEED EE S/LAND

JAMHUURIYA IYO XOGTA DAHSOON EE KHALKHALGALINTA XASILOONIDA NOLOLEED EE S/LAND
JAMHURIYA MEDIA GROUP iyo Xogta dahsoon ee Khalkhalgalinta Xasiloonida nololeed ee Somaliland Maxaa ka sal ah ee u qarsoon!!!

Qoritaanka wararkii aan salka &raadka toona lahayn ee Xanuunkii Rift-valey ee Xoolaha Somaliland,Sirahii Ciidanka qaranka Somaliland Ee iska caabinayay cadowgii xuduudaheeda kusoo duuley,Isku dhufashadii ay ku guuldareysatey Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia Aflagaado aan geedna loogu gabanin oo ay joogteysatey madaxda qaranka somaliland

Tan iyo Wakhtigii ay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotey waxa dadka iyo dalku ay soo mareen marxalado nololeed oo kaladuwan, kawaasi oo lagaga soo gudbey idilkoodba dulqaad,damiir dadnimo iyo dedaal si wada jir ah ay isaga kaashanayeen shicibka feejigan iyo dowladahii madaxda kala duwan lahaa laga bilaabo Allah naxaristii jano ha ka waraabiyee Marxuum Abdirahman tuur & ku xigeenkiisii ugu Mujahid Hassan Ciise Jamac.

Waxa laga soo gudbey waa Allah mahadiiye marxalado adag oo dadku ay xitaa aad ugu adkeyd nolosha Caadiga ah ee maalinlaha ahi,waxa jiray goorkasta cadow ka xun jiritaaanka ,xasiloonida,horumarka iyo talaabooyinkii ka marag kacay Dimoqraadiyada Somaliland, cadowgaasi waxay isugu jireen dad kasoo jeeda dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ka xun ,madaxbanaanida iyo Amniga Somaliland samaysatey.

Iyo dad farokutiris ah oo waxmagarato ah oo iyagu nasiibdaro ka soo jeedo Somaliland mansab ahaan, maskax ahaan se aan marnaba diyaar u ahayn ka qaybqaadashada jiritaanka dalnimo iyo horumarka Somaliland nkaalintooda.

Waxay ahayd jariirada Jamhuuriya jariirad wadani ah oo ay ahayd in qurbo iyo gudaba lagu faano oo mahadhooyinka kaalinta kaga aadan suuqgeynta dalka kaalinta ka qaadata, waxay se wakhtiyo isku xiga ku kacdey falal aan somalilandersku marnaba liqi Karin oo dhaawac weyn ugeystey jiritaankii iyo xoriyadii dalnimo ee ay ahayd in muwaadin weliba ku faano,

Waxay sababtay falal aan jecleystey in talaabo waxku ool ah ay waajib ku tahay dowlada Somaliland ee loo igmadey ilaalinta qaranka iila’hiisa dhaqaale, iyo siraha qarankaba

In loo xifdiye si feejigni dheeraad ahi ku dheehantahay.

Waxay jariiradu ahayd cadowgii ugu weynaa ee dal yeelan karo, Markii ugu horeysey ee dalalka carabuhu mamnuuceen dhoofsashada xoolaha Somaliland oo ay sabab u ahayd kadib markii cinwaan weyn oo aad usoo jiidasho badan ay jariiradu ku daabacdey in Somaliland xoolaheedu qabaan xanuunka Rift -valley ga oo cadowguna uga faaideysteen inay ku ololeeyaan hor istaagida suuqa xoolaha Somaliland ee jaraaidkeedu sheegey in ay xanuunsanayaan oo bukaan yihiin, arintaasi oo aan sal iyo raad toona lahayn waxay ku kaliftey dalalkii cashuurtu uga soo geli jirtey dowlada, ganacsatada xoola dhaqatada ahina ay suuq ugu helijireen tabacooda, inay qoraalkaasi jamhuuriya uu shaki geliyo cadowguna balag ugu luley isagoo ku dedaalay inay xoolaha dhoofintoooda mamnuucaan, ciriqaasi ayaa qaatey wakhti dheer,, kuna kalifey dowlada Somaliland inay dib ugu baryoonto arin aan waxba ka jirn ku qancinta dowladihii dhoofsan jirey.

2. wakhtiyada xasaasiga ah koleyba waxaa dowladaha awooda lihi ay si adag u xadeeyaan saxaafadeeda madaama ay si fudud oon ka fiirsasho lahayn u gali karaan khaladaad aan la sixi Karin, Jariiradu waxay si sahlan u soo bandhigtey ciidamadii iyo qalabkii halgamayayaashii ku howlanaa sugida xuduudaha Somaliland iyo iska caabinta cadowga ay is horfadhiyeen ee ku soo gardaroodey xuduudka taariikhiga ah ee Somaliland,taasi oo sahli karaysey in cadowgu ka tusaale qaato oo ka duulo ilaha jamhuuriya soo bandhigtey wakhtigaasi, taasi oo dhabarjab lama ilaawaan ah ku noqon karaysay dedaalkii dowlad iyo shicibkuba dhiisha guntiga isaga dhigeen ee ay u guntadeen sugidda xuduudkeeda la boobey.

3. Waxa ah wax la la yaabo oo ku adag qurbo jooga aqoonyahaynka ah ee sida weyn ula socda xaalada dalku marayo inay fahmaan ujeedada dhabta ah ee jariiradu ka turjumayso, maadaama ay tahay jariirad wadani ah, waxay ahayd todobaadyo kahor markii ay ku tilmaantey Dibloomaasiyiinta safaarada kaliya ee ilaa hada sida rasmiga ah uga howl gasha Somaliland(Ethiopia) inay falal tuuganimo kula kaceen Somaliland!!,

Waxay ka sii naxdin badneyd markuu safiirka Ethiopia oo aad ula yaabey waxat jariiradu ku tilmaantey beeniyay arintaasi ,ee u ugu baaqey inay ilo wareedyadooda hubin ku sameeyaan oo wax u cuntama bulshada u qoraan, isagoo ka murugeysan tacadiga bini aadanimoda ka baxsan tan dibloomaasiyada marka laga tego ee jariirada jamhuuriya kula kacdey.

Su aasha an jecelahay in muwaadin wel oo lexojeclo dalka ka leh aan weydiiyo ayaa ah Jamhuriya ma institution siyaasadeed oo Somaliland ka soo horjeeda jiritaankeda, horumarkeeda, iyo hanaqaadida dhaqaaleheeda ayaa?

Waxaan marnaba ka suurto gal ahayn dowladaha aduunku inay ogolaadaan jariirad ku mucaarid ah danaha qaranka ee ay hadh iyo habeen ku howlanyahiin oo laf jab ku ah talaabo wel oo horumar ah oo ay hore u talaabsato!

Somaliland xukuumadeeda waxaan si xishmad iyo ixtiraamleh uga codsanayaa in dalka ay ka qabato jariirada jamhuuriya oo maxkamad lagu soo taago khaladaadka ay ka galeen qaranka ee naafeynkara, baadhisna ha ku sameyso dowladu cida sida rasmiga ah lugta ugu leh!

Afhayeenka MadaxtooyadaJ/SL. Siciid Cadaani Moogena waxaan leenahay hadii aanu nahay qurbo jooga sida weyn u daneeya dalka, Waxaanu kaa xaal siinay tacadiga aan geedna loogu soo gabanin ee ay jariirada jamhuuriya kugu la kacdey, qormadeedii (Deymada Wergeyska Jamhuriya), inkastoo tixgalintii qaranka loogala quustey jariirada hadana waxaan runtii usoo jeedin lahaa in ay xishmada iyo ixtiraamka masuuliyiinta dhowrto oo Ethicks ka Mihnada suxufinimo ay ilaaliso hadii kale dowladu waxaa la gudboon talaabo ka qaadista falalka noocaasi ah ee lagula kaco qaranka iyo masuuliyiintiisa,Xoriyatul qowlku maaha in sidii la rabo lagu cabiro rayiga qofka Fayow iyo kan kaleba, waa in xarago aan laga tagin…

Somaliland Guul, Masuuliyeenteedana weyku mahadsanyahiin dulqaadka iyo degenaanshaha ay kula macaamilaan bulshada wanaag ku dirirka ah iyo kuwa lagu shaqeystayaasha ahba.

Wabilahi towfiiq

Yousuf Abdilahi Yasin.

Toronto-Canada

University of Miami

Faculty of Social affairs &International relations.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: