Xaflad laga Been Abuuray iyo Khilaafkii u Xooganaa oo Soo kala Dhex Galay Qaban Qabiyashii

Doha -Qatar , 23/5/2009 Qaranews
Waxa Shalay Mucjiso ku Noqotay Jaaliyada Wadanka Qatar ee Reer Somaliland Markii ay ku kaceen koox odayaal ah Fal Xun oo Sumcad Xumo u soo Jiidatay Jaaliyada Wadanka Qatar ee reer somaliland , Markii Odayashii Shalay Diiday Xaflada ay Arkeen Maqaladii ku Soo Baxay beegagka Somaliland iyo Fadeexadii ay geesteen in ay dhalin yaro iyo dhalin basabooro Qatariya Hesata ku uruuriyeen Makhayadaha oo ay Tageen meel lagu Magacabo korniishka Doha oo ay ka agan Tahay in xaflado lagu Qabto looguna Tala Galay in Lagu Tamashleeyo in ay Sawiro iskaga soo Qadaan oo yidhaahdaan Xaflad ayaa lagu Qabtay , Anigu Waxaan garan Wayey Cida Beenta Loo sheegayo iyaga oo Markii hore Diiday in xaflad Baladhan oo loo Siman Yahay ha La Qabto .oo waliba in caruur dhalin yara laga uruuriyo suuqa sawiro laga soo qado begagka loo Qeebiyo oo la yira Xafladii 18may ayaa lagu Qabtay Qatar waxaan umada Reer Somalilland u SHeegaynaa iyo kuwa Reer Qatar in Layska Qabto Arimaha Noocan oo kale ee Sumcad Xumida u keenasa Mujtamaca Somaliland iyada oo looga Ficnaa in ay mideyaan oo xaflad waqtigii la doono waa la Qaban Karaa lakiin in Calamadana hoos loo soo Qato sawiro aan jirin layska qaado oo la yiraa xaflad baanu Qabanay Dadkuna way Arkaan iyo magacyada layska sheeganayo ee sheekh hebeli iyo sheekh Habel waxa ka fican in laysku Yimaado oo laga Tashado ayaha umadan somaliland . waxa kale oo aan u shegaynaa dhamaan Axsaabta Qaranka iyo Madaxda Dawlada in arinkan ay degdeg uga gadhaan ee Sumcad xumida u keenaya bulshawaynta somaliland maanta soomaliland uma bahna in Sumcadeeda iyo Qaranimadeeda been laga sheego waxa kale oo Qoloyin kalena ku jiraan Abaabul iyaguna ay ku donayaan in ay ku sameyaan tan oo kale waa in si dhaqso ay xukumadu u soo fara galiso oo aan sumcada iyo Sharafta jaaliiyada meelna looga dhicin. Jaaliyada wadanka Qatar ayaa waxay si xoogan uga soo qadatay halgankii ay Somaliland kula soo noqotay Xorinamdeeda waxa kale oo jira odayaal iyo wax garad fara badan oo ku dhaqan wadanka oo inta badan laga soo qadi jiray waxii Qarasha Ee ku Baxa Xafladaha waxaan u sheegaya mujtamaca in dad badan mid ba magac sheegto Abwaano iyo Kooxo la yiraa Qarniband Ay Dadka lacag ka soo uruuriyaan halkay martana la aqoon iyo Qaar kale oo badan oo aan u lahayn hawlaha Maamulka in dhamaan inta layskaga Yimaado ooo meel Qudha Wax Layskugu keeno oo aan nina nin ku Xumee aanu u samayn Xaflad waxa mujtamaca u shegaynaa Reer Somaliland ee Qatar in Anay dhag u dhigin Arimahan imika ka socda Magalada ee La wada Sheganayo Gudoomiye Jaliyadeed iyo mid Sheekhba .Magaladuna uma bahna Khilaafka Siyasadeed ee wadanka ka jira siiba Axsaabta Mucaradka in la keeno Magalada Gudaheeda oo loo midnaado Qaranimda Somaliland. Guul iyo Midnimo ku Wara Reer Somaliland

Gudoomiyaha Dhalinta Somaliland
Maxamed Cabdi Farax
naasir7171@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: