WAA HEES CUSUB HEES HALGAN 18 MAY

WAA HEES CUSUB HEES HALGAN 18 MAY

By Abwaan Axmed Cabdlaahi Fartaag
Hees Halgan 18 May Doha Qadar

halaagiyo qixii dhacay
halgankiyo dagaalkii
holac iyo rasaas kulul
hubka kiisa waawayn
hoobiyaa higtaa guray
kumanaan halyeybaa
naftoodii u hurayoo
hoga lagu daboolo
hooy aakhiro ukacay
dawladnimada aan helay
hawlyari kumay iman
haragwaafi kood buur
lixlaa ciida hoosmaray
hobolkeena caanka ah
heesta maxmed moogiyo
hiiliyaa inoo baxay
hadhcad bay ka yaaceen
faqash iyo hunguri nacas
gaani hadaladiisii iyo
han jabaadii laga baxay
hurdo waxay ka quusteen
markii hawdka loo xulay
hanyar iyo hanfade been
haduun baan hubsadayoo
dadku haa kah wada yidhi
waa hodan dalkeenuye
hadhuub caano geel iyo
heemaarka subaga
haama inoo lula
hawadeena oo qudha
caalamkuba ma heli karo
18 my na hadal iyo
hawl yari kumay iman
dimuqraadi haamaa
heenseenay awrkii
hoodaale weeyoo
daahirbaa hogaanshoo
hakinmaayo socodkee
way hurumartoo nabad
ayey ka haqab beshoo
citiraaf inaan heloo
haday ii banaan tahay

waxaan hambalyo u dirayaa bulshada reer soomaaliand
meel kasta oo ay joogaanba ciida ciid barwaaqo

waa hees kooban
laakiin macno badan sida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: