HOOYO ALEENOW HA TAHRIIBINE D/HOOSE EE CASHUURTII UMADA XALAASHATAY U SHAQO TAG AAKHIRO DANTEEDE

HOOYO ALEENOW HA TAHRIIBINE D/HOOSE EE CASHUURTII UMADA XALAASHATAY U SHAQO TAG AAKHIRO DANTEEDE
ALEEN..(Waa Koor Yar oo Geela lagu xidho), Balse islaan baa wiilkeeda curad u bixisay ALEEN.Quman baa la yidhaa hooyadaa dhashay ALEEN, Gooni isu taaga Somaliland ayaa ah mudo ilmahii dhashay qaan gaadho,Waxa ka soo wareegay ALEEN dhalashadiisii mudo uu tahriib holado talo ruux ku meel marana gaar uu u gaadho. Intaas uu jirayna hooyo Qamar, waxa ay maqlaysey oo ay arkeys doorashooyin iyo dawlado hoose oo cashuur uruurinaya oo xataa dadka qaar markay waayaan ay kala baxaan albaabada meheradaha iyo guryahaba si loo bixiyo cashuurtaas.

Hooyo Qamar, waxa ay aqoon ku filan ka haysataa in cashuurta umada laga qaadaa aanay meeshii loogu talo galay marin kadibna ay cid aan dan ka lahayni umada iyo qarankaba ay iska xalaashadeen siday doonaana ay ugu tagri faleen,Hooyo qamar oo itaalkeeda aqooneed aanu markaa ahayn mid ku salaysan School ay wax ka baratay ayaa waxay waano u soo jeedisay wiilkeeda ALeen oo hiyi kacasanaa intii RIYAALE dawladiisu maamulka haysayba ee cashuuraha qaranka la laba gacmoodinayey.Hooyo Qamar oo Aleen,waano iyo wacyi gelin ugu hagar baxdaa tidhi.

Hooyo Aleenow.. Horaa loo yidhi waaya aduun waa hadhkaa labadiisa gelin ee marba dhan kaa jira,Hooyo waxaad fadhi ku weydey dhababaco kuma heshid baa la yidhi,si ay noqon Rabaa og ee horta habaar iyo duco miduun maanta kala miyo oo waxaan ahay hooyadaaye waanadayda qaadoo aad yar dalkaaga joog anaba intaasaanu ku leegaanee.

ALEEN..Hooyo marna waanadaada diidimaayo balse waxaan jeclay in aad ana wacyigeyga iyo waleecaadkaan qabo aad hoos u eegto kuna darto talada duruufahan soo kogaya een marna rajada ii lahayn miyaanad ogeeyn in qayrkay dhoofeen oo lay dhaafay.

HOOYO QAMAR..Istaakh furulaa dheh hooyo, laga wanaagsan ereyada xun oo afkaaga ayaa laguu qaadi waxaad ka dalbatee istaakhfurulaah dheh hooyo.Oo kuwaad leeday way idhaafeen sawtan hooyooyinkood baroorta miciin sadeen ee xataa aanay raqdoodii aanay arag,Miyaanad arag hooyo waxa islaan kumuuterka dul tuban ee indhaha ku biidhiiqinaya meydka wadhan meeluu yaalana garan la.

ALEEN..Istaakh furulaah, Hooyo waxa maanta dalka yaala waad ogtahay nolol taalaa ma jirto waad ogtahay in xataa in dadkii waaweynaa hada tahriinbayaan oo ay dalka ka baxayaan goormaa kugu danbeysey islaanti CANBARO FAASACO.

HOOYO QAMAR- Waar maxaad tidhi?CANBARO FAASACO

ALEEN- Canbaro Faasaco waxay joogtaa SWEEDEN oo waxa ay dhawaan soo xawishay lacag

HOOYO QAMAR–Bal kadantadaa eega waxay caruurta u hor seedayso, Hooyo Aleenow,SWADHAN waxa lageeyaa dadka waalan oo horta miyaanad ogeyn in sidaynu ugu soo noqonay dalkaba ay waalayd oo aanay calaac qabin,laguma daydo dadka waalan een xiskoodu joogin hooyo fariid baan kuu haystey ee mar hadaad Canbaro Faasacaba higsanayso iga dhimatay…..yaa.. iga dhimatay.Illahow ii soo hadee.

ALEEN..Ee hooyo sawtii kuu iman jirtay ee aad shaadaliga wada cabayseen

HOOYO QAMAR…kaasaan leeyey nin ku anfaca ha noqdo.waar shaadaliga ma shaah aanu iska karsanaad moodaysey iyadaanu ku dejineyney oo bukhuur buu ahaa loo sameeyo markay kacsantay ee ay wareersantaye xaafaday tagtaaba waa wax loga sameeyee.

ALEEN…Hooyo iisoo ducee aan tahriibee amaahna ii raadi bal.

HOOYO QAMAR.. Hooyo Aleenow waanu kugu duximayso habaar baan kuu miisayaa hadaad mar danbi tidhaa waan tah rii bayaa oo aanad waanadayda qaadan,waar ma habarta waalan ee lahga yaabo in jaarka laga mustaafuriyaad leeday wax bay soo dirtay cajiib kuguma ogi tahriib iyo in aad magalada dhaafto, waar miaay ku xidhaa mise waad i maqli.

ALEEN..Hooyo habaarna doonimaayo in lay xidhanaa ma rabo ee xageen u kacaa, Bal maxaanu yeelaa hadaba belo degtaydani malaha meel loo shaqo tago lacagna ma haynee sideed i leeday yeel.idaa aan tahriibee

HOOYO QAMAR…Hooyo nacas ma tihid waan ogay inaanad iga taagayn,miyaanad arag kuwan guryaha ka distay tigidhada ay islaamaha u jaraan, Hooyo dawlada hoose xaaraan kasta ha daldalshaane waa camal ee halkaa u kaxayso caaqilkeenii ina cantuuga weyne.

Cajiib iyo amakaag waxa ah in nidaamkii dawlada hoose uu ku caan baxo mid ku tagri fala cashuurta umada iyo hantida dadka guud,Waa dhaxal xumo aad u weyn oo ilaa mudo aan yaray soo taxnayd balse maanta soo shaac baxday oo ay caruurtii ogaatay.

Waxaan umada reer somaaliland aan uga tacsiyadaynayaa maamul xumada ina wada haysata ee kaliftay xataa in ay saamayn ku yeelato waalidkii caruurtooda ay siinayeen,Waana ta maanta ka taagani dalkeenii hooyo.Arinta argagixisada ahi waxay tahay bal eega biyo mareenada badhtamaha magaalada Hargeisa ee maalinba guri duminaya ay cashuurta ka qaadaan,Bal u fiirsada deegaanka ay maraan miyo mareenadaafi, Bal eega biriijyadii dayaca ka muuqda inta aan dumin meeday dawladii hoose?Meeday Dawladii hawlaha guud?Meeday cashuurtii umadan laga qaaday? Imisaa aagoon hore u dayacnaa daadku ka dunshay buulkii.

Dawlada hoose waxay u baahantay in ay cashuurta qaramayso oo ay hooyooyin iyo muwaadiniin dan ka leh umada ay ilaha cashuuraha iyo dhaqaalaha ay u diraan,halkaasna ay ku suurto galiyaan in ay si daacada wax ugu qabtaan umadooda iyo dalkooda,Waa arin u baahan xaqiiqo ee maaha arin u baahan xeel iyo macangagnimo lagu xalaashado umada cashuurteeda.

Aad baan ugu mahad celinayaa hooyo qamar wacyi galinteeda dhan wal ba ah

Amiin Dahir
Columbus,Oh

Leave a comment