MUCAARIDKA OO MAALIN FARXADEED MAALIN MURUGO KA DHIGTAY!!!!!!!

MUCAARIDKA OO MAALIN FARXADEED MAALIN MURUGO KA DHIGTAY!!!!!!!

La ogaayoo gorayo haad bay noqotay.

Ugu horeyn waxaan hambalyo ku wajahan 18-guurada maalinta madaxbanaanida Soomaaliland u dirayaa dhamaan qaybaha bulshada ee JSL dibad iyo gudaba.

Maanta waa maalin shucuurta muwaadin kastaa kacsan tahay, waa maalin farxadeed, waa maalin heeryo qoyan oo cadaadis shacab aan waxba galabsan lagu hayey laga dulqaaday, waa maalin qofka damiir Soomaalilandnimo ku jirtaa uu riyaaqayo, qiiroonayona.

Akhristayaaloow shalay beeraha xoiyadda ee dhamaan magaalooyinka JSL waxa laga xusay 18-ka May, waxa isu soo baxay caruur iyo ciroole, rag iyo haween, shicib iyo dowladba dhamaan qaybaha bulshada soomaaliland.
Haddaba waxa wax laga naxo noqotay in hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradku aanay ilaa hadda ka qayb gelin xaflad qudha oo a dhacday dibad iyo gudetoona, maalintii farxadda maalin murugo ayay ka dhigteen.

Mar la waydiiyey gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid waxa uu uga qayb geli waayey munaasabadda lagu xusayo 18-ka May,wuxuu sheegay inaan laga soo casuumin!!!!!! Ma diblomaasiyiin dowlado shisheeye Hargeysa u fadhiyaa??Mise waa cirkasoo dhac (Alien)?

Akhristoow mudnaanta maalintan miyaa muwaadin Soomaalilander ahi cidna uga haybaysanayaa farxad la qaybsashada shacabkiisa? jawaabta qof kastaa waa garanayaa. Wasiirka arimaha gudaha ee JSL Md.Cabdilahi cirro wuxuu xaqiijiyey in lagu wargeliyey hogaanka labaa xisbi-mucaaradba inay kasoo qaybgalaan xafladda,loona qoondeeyey kuraastoodii iyo weliba qaddar minityo ah oo ay codbaahiyaha kaga hadli karaan wixii khuseeya munaasibadda 18 May.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ahee Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) oo hadda ku sugan London iska daa inuu shacabka farxadda kala qayb qaatee ama u hambalyeeyee, xafladdii shacabku qabsaday ee soo agaasinteen iyagoo is xilqaamay ayuu shir ka ag qabtay uu weliba intuu ajaanib kusoo casuumay (mudanayaasha baarlamaanka Britain ee u oloeeya qaddiyada SL) uu ka dhaadhiciyey in Soomaaliland wax dimuqraadiyad la yiraa ka jirin, oo dadka lagu cabudhiyo, musuqmaasuquna ku baahsan yahay.

Gunaanadkii shirkan uu soomaailand ku minjoxaabinayey wuxuu gudoomiye Siilaanyo ku soo gunaanaday in loo guntado sidii loogu suuro gelin lahaa inuu talada dalka qabto. Haddii uu isagu talada qabtana uu ictiraaf keeni doono, waxa meesha ka bixi doona musuqmaasuqa, dimuqraadiyaduna way shaqayn doontaa.

Su,aasha meesha taalla ayaa noqonaysa dimuqraadda, aqoonsiga iyo musuqmaasuq la dirirka muxuu gudoomiyuhu hadda ugu soo bandhigi waayey shacabkiisa fikradaha uu ka haysto mise waa qaar kusoo maaxanaya marka talada loo dhiibo,oo tahriib habeen madoow kusoo geli doona dalka.

Akhristoow hadalada gudoomiyaha ka soo yeedhay waxay niyadjab ku rideen mudanayaashii barlamaanka Britain ee u ololeeya qaddiyadda Soomaaliland,iyagoo isu arka nimanhaan gun la’ dhaaminaya. Waxa kale oy la yaabeen ninkan raba inuu masuuliyad qaran tuurta u rito ee haddaa xabaasheedii qodaya, waa shaqsi laantii uu saarna gunta ka goynaya.

Gorayo haad bay noqotay oo mucaaradku maanta waxay caddeeyeen inaanay wax dan ah ka lahayn dalka iyo dadka.
Waxase ayaandarane ah inta weli aaminsan ee ugu sacabotumaya qarandumisnimada mucaaradka say rabaanba ha ku raceene.

Hadafka ug weyn ee mucaradku waa maruun maamulku gacanta ha ii soo galo, laakin talo kale iyo qorshe kale ma hayaan.

Doonistaas bilaa qorshaha ah shacabka intii aan hore u arki jirini wiigagii ugu dambeeyey ayay muraayadaha indhaha u xidheen oo khaladaad kasta iyo dhinacuu ka imanayo si fiican bay u arkaan.

Beer kasta oo inta wanaagga jeceli shacabka u beerto, ka habeenkii gooyaa waa shaqsiga ama shaqsiyaadka mucaaradnimada si khaldan u fahmay,halka uu beerta dhinaciisa ka waraabin lahaa oo cayayaanka curdan dhadhinaya iyo falaadhaha kulul ee cadceedda ka ilaalin lahaa.

Ugu dambeyn shacabku wuu tashaday ee mucaaradoow sanqadh tirasho iyo saamo jiidis kala daa.

Wabilaahi tawfiiq.

Guul iyo gobanimo Soomaaliland.
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: