MAANSO XIISO BADAN: 18 MAY IYO XORNIMADA SOMALILAND

MAANSO XIISO BADAN: 18 MAY IYO XORNIMADA SOMALILAND

Gabaygan waxaa tiriyey abwaanka caanka ah ee reer sanaag abwaan xuseen maxamed cali “xuseen-farjar”

Gabaygan waxaa tiriyey abwaanka caanka ah ee reer sanaag abwaan xuseen maxamed cali “xuseen-farjar”

Xuseen Farjar oo ka mid ah abwaannada reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa qiyaastii toban sano ka hor wuxuu tiriyey maansadan la magac baxday 18 May iyo Xornimada Somaliland, maansadan oo aad mooddo inaanay tan iyo xilligaa duugoobin oo ay markasta la jaanqaadayso wakhtiga jira ayuu si qoto dheer abwaanku ugaga hadlayaa Xornimadan iyo sidii lagu keenay iyo himilada ay dadkani hiigsanayaan, yaanan ararta iyo hordhaca waxba ku dheeraan ee aan idiin soo bandhigo maansadii “18 May iyo Xornimada Somaliland”

Umad dhegale baa lala hadlaa ama wax dhaaday eh

Dhiig nimuu ku jiro baa inuun ceeb ka dhiidhiya eh

Siyaasiga ku dheeliyo shacbigu wax isma dhaamaane

Dhibtan iyo wax somalilayn dhaawaca u geystey

Xilkeedii dhammaa iyo raggii talada loo dhiibay

Yaan lagula dhocoon ahayn kii dhabta ahaaye

Ninkastoo danaa dhugan lahaa dhagax la raacsiiye

Isaguna dhufayskuu galoo cadho la dheeraaye

Dhangaagaalihii baysu hadhay dumarku dhaameene

Aan dhudhumin xaajoba intay dherer ka gaadhay eh

Berri waxaa dhacaayiyo dhitiyo dhaxal ma eegaane

Dharaartaas waxa taagan bay dhab u yaqaanaane

Adduunyoba waxay ugu dhan tahay labada dhaayoode

Dhalashadatan somalilayn ma aha dheeldheele

Dhudhun iyo awood bay ku timi dhuumbir iyo xoogeh

Waatii la dhiibaye rag baa dhiciyey maandeeqe

Dhugta calanka waxaad dheehan ee ka casi waa dhiigeh

Dhuxdhux baa baxaysiyo waray dheguhu diideene

Dhayal iyo cayaar laguma helin sidigta dhoor wiileh

Hashii aan dhufayskiyo u galay dhamacda baaruudda

Hashii aan libaax dhiigbartiyo aar ka soo dhiciyey

Hashii aan abguri dhaansatiyo halaq u dheegseexday

Hashii aan gantaalaha dhiciyo dhuuncastaw jiidhay\

Hashii aan dhibaatadii kastaba dhinaca saaraayey

Hashii aan dhaqaaliyo u huray nolol dhammaanteedba

Hashii aan naftaba dhaafsadayee eebbe igu dhawray

Rag hashaan isugu dhaaraneen libin ku soo dheelmay

Waxaan soo dhadhaanshaba markaan dhuuxa herer keenay

Markaan dhagax lamaasiyo xadeed dhooddi ku ekeeyey

Markaan dhawr galbood oo isxiga nabad ku soo dheelmay

Markii aan dhukaankiyo ka muday cudur dhamaantiiba

Dhuunyaale kay tahay markaan bahal ka dheereeyey

Maalintay dhanaanayd raggii dhoofka iga aaday

Cudud iyo dhaqaaleba kuwii igala dheeraaday

Fulii dhuumanaayiyo daruu dhabarku ii muuqday

Ayuunbaa dhankaygii ka maray sidigta dhoorwiileh

Dhabbadaan u jeexiyo ma marin dhaqantii toosnaaye

Saakaba wax sahankeed dhunbihii taniyo dhoobayeh

Haddaanse nirigta geedkaw dhigee gaawe laga dhoorshay

Ma dhadhamin dhanaan iyo macaan wax ay dhiiqayeh

Dhexda aniga oo xidhan waxaan doobiga u dhiibay

Agoomaha dhammaan iyo intii dhibi ka soo gaadhay

Maatadii ha dheregto baan lahaa dhaxanta taagnayde

Dhoobiga ilaashiyo markuu dhaawacu afqaado

Ninba wuxuu dhitaystaan lahaa dhaxal ahaan siiye

Abaalkii u dhamay baan lahaa iyo weliba dheeraade

Laakiin umay dhicin sidaan maansadaw dhigaye

Dhexda waxaa u joogsaday daraan cidina dhaadayne

Dhaqso ugu dhaqaaq baan lahaa hawl wixii dhimaneh

Dhaqaalihii burburay baan lahaa dhaqankii noolayeh

Dhudhunkiina maalaan lahaa waad ku dheregtaane

Dheemantiyo batroolkaan lahaa dhididoo soo saar

Geediga dhaqaajaan lahaa duhurka dheemaalsha

Qayrkiin dhex dega baan lahaa dheg isu nooleeya

Iska dhiga dar dhiiglaan lahaa ceeb ka dhiidhiya

Dadku hays dhexmaro baan lahaa dhaqan wadaagtiiye

Dhaawacii bogsii baan lahaa boogihii dhaya eh

Casharkeed dhansii baan lahaa culimo dhawrsoone

Nabaddii dhamay baan lahaa dhidibadaw aas

Laakiin umay dhicin sidaan maansadaw dhigay

Dhexda waxaa u joogsaday daraan cidina dhaadayneh

Sideed sano bilaa dhiman intaan saa u dhererayne

Irbad dhuub ma gelin ways ognahay daalna loo dhimayeh

Dhinacraw siyaasiya iyo waxa jira talo dhuuhayne

Xamar baa war laga dhawrayaa loo dhutinayaaye

Dhabadii haddii shalay la maro dhabarjab sow maaha

Geel dhac iyo nimaad caliyoow leedihiin dhuungooyo

Looma dhiibto dhoorwiil daraad dhabu collowdeene

Hayska dhogor xumaato eh haddaan dhoobay loo celinin

Maruun baa dhukaankiyo ka bi’I dhoy xumaantani eh

Maruun baa intii farow ku dhigo dhabarku weynaane

Maruun bay candhada dhaamin oo dhaafin lawyaha eh

Maruun bay dhallaankiyo anfici dhawrkan haysta eh

Dheef lagama helo maal haddaan lagu dhibaatoone

Dhaqsaad arag iyada oo dhashay oo geedka loo dhigiyeh

Dhaqsaad arag dhanaan iyo karuudh dhay is dhinac yaale

Dhaqsaad arag innaga oo dhanag dhigannay qaare

Dhaqsaad arag sibraar dhaansan oo dhawrto loo sudhayeh

Dhaqsaad arag dhibbane loo lisiyo deriska dhowdhoweh

Dhaqsaad arag ilaahoo ka dhigay dheehadii nebi eh

Dhaqsaad arag dhulkeenno nimcada loogu yimi dhoofe

Afartaa dhammeeyaye kolkaan hore u sii dhaafo

Haddii uu libaax neef la dhaco oo aad ka soo dhiciso

Dhulukh dhalakh hadduu kaala tago sow dharrici maaha

Haddii talo indheergarato iyo odayo loo dhiibo

Hadday dhaabadeeyaan oo halkay dhaafi kari wayday

Dhaanwade hadduu kaa bedelo sow dhegxumo maaha

Xornimada dhibteediyo ogeyn dhamacdii loo jiidhay

Dhayal iyo cayaarnimo rabow dhuunta mari mayso

Ismail Xuseen Farjar
Hargeisa – Somaliland
E-mail: ismailhm@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: