HEES CUSUB OO LA YIDHAA CALANKEENA CAWAALE MIDHIHII ABWAAN SICIID CABDI DHEEN

HEES CUSUB OO LA YIDHAA CALANKEENA CAWAALE MIDHIHII ABWAAN SICIID CABDI DHEEN

heestan waxa la yidhaa [CALANKEENA CAWAALE] waa hees cusub oo curatay 14.5.2009
waa hanbalayo gaara xuska sanadguurda 18 may ee ka dhacaysa cidhifyada aduunyada
waxaan leeyahay shacabka somaliland ciid wanaagsan sanad guuro wacan

waa ayaan culusoo
cisi sharaf mudanoo
calankeena cawaale
ciidiisi weeyaan
cariga somaliland
cawo lagu dabaaldago

ciideenu waa hodan
waa cari barwaaqo
waa cudud midahoo
loogu faano caalamka
casiis lagu mahadshaa

calankeenan midabada
casaanku waa kifaaxii
curadadu usara kacay
cagta mariyay cadawgii
caradeena xoreeyay
cagaarkuna waa barwaaqda
caadilkay na siiyay
caqli mida shacabkuna
camiray somaliland
cadaankuna waa nabad
cawo aan ku noolnahay
cisi sharaf dhaxdeena
caawaba ku hurudno
nina caad ka saarnayn
calaamadiisa gaarka ah
calanweeye tawxiidka
lagu sharfay casiiskeen[swt]
caro weeye islaam
xidigtuna waa caqli
caynadeedu gaar tahay
cabiray horseed

caasimadii hargaysa
ceerigaabo daawada
caynabo wacdaraha
damaashaadka cadaadlay
ceelafwayn dabaaldaga
curadadii rabaso
codka shacabka wadajiree
babinaaya calanka
ciidaaya maantaba

cirooliyo caruurba
caawaynu ciidnee
codkarnimo dhamaantiin
aan salaano calankee
caashaqa cawaale
cirka gacanta wada lula
calanyahow ha dheeliyin
cimrigaa ha raago
cadawkuma dhantaalo
codka maqashiiya caalamka

saciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com
london

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: