MAADAMA UU RAYALE SHEGAY INUU OGOL YAHAY GOAMADI MAXAY TAHAY UJEEDADA UU KU DIIDAN YAHAY SAXEEXA

MAADAMA UU RAYALE SHEGAY INUU OGOL YAHAY GOAMADI MAXAY TAHAY UJEEDADA UU KU DIIDAN YAHAY SAXEEXA

Madaama uu Madaxweyne Rayaale Sheegay inuu ogolyahay Go’aamadii(gudida dhexdhexaadinta) Maxay tahay ujeedada uu ku diidanyahay Saxeexa ?

Waana Taariikh Siyaasadeed oo cusub horena loo maqal Hogaamiye heshiis la gaadhay Aqbalay hadana Saxeexiisa diidan oo leh waan ogolahay oo waan qaatay , lakiin ma ………

Madaxweyne Rayaale ayaa weli ka war-wareegaya saxeexa iyo fulinta qodobada Go,aankii Gudida dhexdhexaadintu ay ka gadheen murankii siyaasadeed dalka ka jirey, Iyadoo iminka Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucidna ay safaro kadis ah oo aan hore loo sii shaacin ay ku jogaan Debadda, ayna ka jirto Somaliland Xaalada Siyaasadeed oo meel xasaasiya taagan , ka dib markii uu Riyaale ka cudur daartay saxeexa heshiiska Go,aankii Gudida dhexdhexaadinta, ilaa hada diidanyahay inuu saxeexo heshiiskaa ay soo gudbiyeen Guddida

Dhexdhexadintu ee heshiisiinaysay axsaabta qaranka iyo madaxweynaha hawshaasi oo meel fiican ay dhigeen oo ay isu soo dhaweeyeen dhinacyadii khilaafku ka dhexeeyay, ka dib hawshaasi waxay ka soo saareen guddidii Go,aamo.

Waxaa loo baahanyahay in shacbiga Somaliland la xisaabtamaan cidii fulin weyday qodobadii gudida dhexdhexaadintu ka soo saareen xalinta khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan oo ay waajib tahay ku dhaqanka fulinta qodobada ergadu soo saartay., iyadoo uu madaxweyne Rayaale heshiisyo badan ka baxay oo ay wada galeen xisbiyada Mucaaridka.

Madaama uu Daahir Rayaale sheegay inuu ogolyahay go’aamadaa Maxa tahay ujeedada uu ku diidanyahay saxeexa ? waan aqbalay iyo ma saxeexayo waxa dhexdooda ku jira waa wax Madaxweyne Riyaale ogyahay oo aan Umaddana loo sheegin , Diidmadaasina waxa ay daarantahay inay ka soo horjeedo Rabitaanka dadweynaha, Hab-dhaqanka Siyaasada iyo Hogaamintiisa waana cahdi la’aan , waana taariikhda siyaasadeed oo cusub horena loo maqal hogaamiye heshiis la gaadhay aqbalay hadana saxeexiisa diidan oo leh waan ogolahay oo waan qaatay , lakiin ma doonaayo inaan saxeexo.

Calaamadaha Hogaanka Qaranka ee wanaagsan Waxaa Aasaas iyo bud-dhigid u ah marka khilaafaad Siyasadeed yimaado, inuu hogaamiyaha qaranku iska xil saaro sidii xal loo gaadhi lahaa oo wada tashina loo yeelan lahaa, Lakiin waa Hogaamiye isku kalsoon kuna shaqeeya wada tashiga, waxaana fiicnaan lahayd in sifahaasi ka muuqdaan Madaxweyne Rayaale oo iminka aad uga fog astaamaha hogaaminta fiican.

Waxaana loo baahanyahay in la dhamaystiro ka hor intaan doorashada la gaadhin qodobadii guddida dhexdhexaadinta oo ay go,aanka ku soo saareen si doorashadu u Qabsoonto , oo u dhacdo 27/09/2009 oo aanay ka dambayn iyo in server-ku haddii uu liiska kama dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha soo saari waayo ugu dambayn Bishu June2009, inay xisbiyadu isaga yimadaan, talo wada jir ah ka gaadhaan.

Iyadoo weli Madaxweynaha looga fadhiyo hirgelinta qodobadii heshiiskaa, ka Gudoomiye Xisbi ahaan iyo Madax Xukuumad ahaanba inuu fuliyo wixii ku aadan dhinaciisa, loogana baahan yahay inuu dhaqangeliyo go’aamadii guddiga dhexdhexaadintu ka soo saartay khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka jiray kadibna Golaha Wakiillada loo gudbiyo

Xaqiiqda markaan indhaha layska tireyn mar walba khilaafka dhasha cida tanaasula dadka u tudha ,jaceylna u muujiya waa la ogyahay, iyaga oo dalka iyo dadka u tudhaya lexejeclo weyna u haya , Ummadu way daalantahay, maaha Madaxweyne Rayaale mar walba in difaac uun ku jiro, ummadu nolosha ay ku sugan tahay waa la ogyahay mana noqonayso in Riyadu sii socoto.

Waxa aynu ognahay inta sanadood ee Xukuumada Joogtaa talada haysay ee aan wax la taaban karo jirin dalka iyo inta hanti ee qaab aan sharci ahayn loo urursanayo, Iyadoo ay dhamaan Dadka Somaliland ay ka walaacsanyihiin sababta weli ka war-wareegaya saxeexa iyo fulinta qodobada ee Rayaale, taas oo ay ku tilmaameen inuu dalka dib u dhigayo, islamarkaana uu masuul ka yahay xaaladan cakiran ee dalku waajahay, arrintan oo niyad jab ku ridaysa dadyowga dalalka caalamka ee ka mid ah kuwa Somaliland Arimahooda aadka u daneeya.

Go’aankaa waxa haboon in si wada jir ah loo wada qaato, oo haduu go’aan yahay oo in taladaa wadaageeda la fahmo oo wixii turxaan ah la iska saaro wixii lagu wada kalsoon yahayna cilad ma yeeshaan, oo wixii wax tar leh ayuun baa ummadana wanaag u leh laakiin khilaafku ummada dan uma aha.

Go’aamada guddida dhexdhexaadintu waxa ay dhamaystir noqon karaan marka Dhinacyadii khilaafku dhexmaray ay dhamaantood si rasmi ah u wada saxeexaan, isla markaana Qodobada uu ka koobanyahay go’aanka guddidu qodob qodob looga wada hadlo farsamo ahaan, sidii loona dhaqan gelin lahaa .

Madaxweyne Rayaale waxaan ugu baaqayaa inuu saxeexo go’aamada ay ergadu soo bandhigtay, Waxaan ku leeyahay waa inaad go’aamada la gaadhay saxeexdaa oo aad fulisaa waa haddii ay kaa dhab tahay inaad qaadatay loona baahanyahay inaan tixgeliso danta guud ee qaranka, oo aad saxeexdo Go,aamadaa ka soo baxay guddida dhexdhexaadinta .

By Adan Yusuf Elmi /B,ham /UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: