HAMBALYO 18 MAY WAA MAALINTEENII!!!!!!!

HAMBALYO 18 MAY WAA MAALINTEENII!!!!!!!

Hambalyo

18 May waa maalinteenii !!

(18 May ha la caawiyo AGOONTA-CISBITAALADA iyo DADKA WAALAN dhamaan Qurba jooga reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa in ay isu taagaan sidii ay u caawin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda)

Marka hore waxaan halkan salaam iyo hambalyo ku beegan 18 May uga dirayaa dhamaan Shacabka,Xukuumada iyo Golayaasha Somaliland,waxaanan leeyhay,ku waara NABAD GELIYO-BARWAAQO IYO BASH- BASH.

18 May waa maalintii aynu dib ula soo noqotay,xoriyadii aynu 1960 inta aynu helnay,hadana aynu jarka ka tuurnay ,waa maalintii ay kala garanay wada saxa ah iyo wadada khaladka ah.

Haddaba waxaan kula talinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland in ay ilaashadaan nabada iyo horumarka ay maanta haystaan,kana digtoonaadan DABKA ka baxaya gobolka aynu ku nool nahay.

Tallo gaar ah:-

Dhamaan shacabka reer Somaliland ee Qurbaha ku nool waxaa kula talin lahaa dhowr arimaad oo ay ka mid yihiin:-

1. In sida ugu dhaqsaha badan ay kulun isugu yimaadaan dhamaanba Ururada Qurba jooga Somaliland ee ka shaqeeya howlaha SAMAFALKA,si loo mideeyo xooga howlaha Samafalka, si marba halka ay baahidu ka jirto loogu wada guntado.

2. In 18 May ay noqoto maalin ay Qurba jooga Somaliland u aqoonsadaan maalinta SAMAFALKA dadka dhibaataysan.

3. In xooga la saaro sidii wax loo caawin lahaa AGOONTA-CUSBITAALADA DADKA MADAXA WAX UGU DHIMAN YIHIIN oo ah meelaha maanta ay ka jirto baahida ugu weyni,runtiina laga helayo ajar aad u fara badan.

Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: