SOCDAALKI AAN KU TEGAY CIIDI BARAKAYSNAYD EE HOOYO IYO WAAYA ARAGNIMADAYDII GAARKA AHAYD Q 2AAD
hadii aan ka sii anba qaado mudadii dheerayd aan ku maqnaa dalka hooyo waxyaabii aan ku arkay somaliland khaasatan magaalo madaxda hargeisa waxa ka mid
aha
dad ku odhanaaya waarna sii tuuur ama nasiiqaad taas oo runtii aan ku farxay sababtoo ah galadaha nimco ee ilaahay ku manaystay dadka reer somaliland waxa ka
mid ah qof adan garanayn oo ku odhanaaya isii tuur ama isiii qaad waa kalsooni buuxda oo iska qabo dadku wadamada qurba marka aad u eegto hadii aad uba
baahan lahayd qof ku siiqaada adiga ayaaba naftaada ugabaqaaya sababtoo ah baahida aad u qabto waxa ka wayn amaankaaga iyo naftaada sidaa darteet
ayaaba laysugu halayn karin waxanse ku soo arkay somaliland waa maansha allaah iyo dadka islaamka ah caadooyinka ugaarka ah
takale waxad arkaysa wakhtiyada salaaduhu sooggalaan afarta qalbadood eedaamo ama adimaad lays dhaafsanaayo waxad arkaysaa marka aad timaado
masaajidada dadkoo isbuuxiyay calaashaan jacaylka ay u qabaan gudashada waajibaadka alle meela istaanada ee dadka masaakiintu joogto kuwii masaakiinta ahaa laftoodii oo salaadii ku xidhanaaya dariiqi
hadii aan u laabto xagii howd iyo banaano waxad arkaysaa caruur yaryar oo la joogta maqal ama xoolo sidaa kuwa laa le eg halkan wadamada qurba guryaa loogu
ilaaliyo markay ka soo baxaan schoolka taas oo laga baqaayo ina laxado haday debedba ubaxaan runtiina caruura aad loogu xado sidaa wadamada reer galbeedka
sikastaba ha ahaatee waxan odhan karaa waxaas oo dhan waa galadaa eebe ugu deeqay kuwa jidka mustaqiimka ah iskuhaga
waxan marlabaad runtii ku baraarujin lahaa qurba joogtu inay ku soo damaashaadaan quruxda dalka hooyo
ugu danbayntii waxa iigu waayo aragnimo badnayd intii aan ku maqna howd
waxan gaadhi wayn oo kuwa rakaabka qaada ka soo raacay tuulada la yidhaaho dhegadheere kadibna waxan ku imi goor galab ah tuulada la yidhaaho
riyaxidho oo ku taal xuduudka somaliland ee howdiyo togdheer markii aan nimi riyaxidho gaadhigaan la socday adhi ayaa saarnaa adhigii ayaa laga rogay kadibna
adhigii qaar ahaan ayaa naga baxsaday waxa baadidoon tegay ninkii gaadhiga laha iyo nin kale oo kamid ahaa ragii rakaabka ahaa kadibna waxan doorbiday inaan
la baadi doontago waxan ka soo baxnay goor qoraxdu liiqa dhigayso tuuladii aan qariibka ku ahayn ee riyaxidho oo gaadhigii iyo rakaabkii kale joogaan kadibna
waxan ku soo dhacnay raadkii adhiga naga soo lumay waxan soo anba qaadnaba waxan soo soconay socod dheer taas oo aanu ordayno ama socod degdeg ah ku
jirno sababtoo ah waxa aad werer wayn naga hayaa in adhiga bahal helo kadibna waxan ku soo baxnay waxan soo orodnaba balwayn oo la yidhaaho boocleoo
dhanka howdka kaga aadan riyaxidho qiyaastiina ujira ilaa5mile halki ayuu adhiga raadkiisii nalasoogalay baligii markaan ka sooo soconay ilaa 20minds kale ayaan
aragnay adhigii oo sii siigaynaya ama sii yaacaya kadib waan helay waanan soo gaadhnay isku soo wada duub oo adhigi soo helay goor habeen badh ahna waxan
nimi magaaladii riyaxidho kadibna tuuladii oo meel ku urursan aad moodu inay dhiilo dhacday waan waydiiinay maxaa dhacay waxay yidhaaheen maswayn oo abris
ah ayaa halkan naga galay werwer iyo walbahaar ayaaba nooobilowday siiba aniga waayo aniga oo aanan arag wadankii hooyo 14 sano ayaa markii iigu horaysay
aan waxan oo howl ah igu wada noqdeen wax cusub kadib maskii waan baadigoobnay waxba waan waynay waan u hoyaney habeenkii tuuladii riyaxidho kadib
waxa iga sii baqdin badnaa niman badan oo rakaab ah oo lasocday gaadhiga igana badiya noloshii miyiga sida adarteet allaah ayana iska talo saaranay waxanan
ka soo kicitinay markii alaah nabariyay subaxii habeen labaadkii ayaan usoo hoyanay magaaladii burco
isku soo wada duub oo suaasha iswaydiinta leh waxay tahay
maxa aiigu jiray waxasa oo rafaad ah
waxan odhan karaa waan ubaahnaa waana waaya aragnimo qaali ah sida adarteet aad ayaan uxiisaynayay
socdaaladaas
asc wr wb
mustafe omar hussein
MAHIIGAAN
Leave a Reply