SADDEXDA CUMAAMADOOD EE MUQDISHO KA TALIYA BY:-MINGISTE

SADDEXDA CUMAAMADOOD EE MUQDISHO KA TALIYA BY:-MINGISTE

“ Haddii Caamo is qabsato waxaa lagu kala saaraa camal rag,haddiise culumo is qabsato waxaa lagu kala saaraa CADAABTA—waa hadal aad u culus”

click to comment

Berigii hore marka aad aragto nin Cumaamad madaxa ku duubaan midabkay doontaba ha lahaatee waxaa markiiba kugu soo dhaci jirtay in ninkaasi uu yahay nin camalkiisu u badan yahay dhinaca Diinta,amase aqoon fiican u leh xaqa iyo baadilka,salad sax ah,balse manta waxaad moodaa in arintu sidaa ka fogtahay.

Muqdisho oo mar ahaan jirtay mid ka mid Caasimadaha ugu quruxda badan qaarada Afrika ,ayaa mudo dheer la baaxadegaysay dagaalo sokeeye oo wejiyo kala duwan lahaa ,balse aad moodo in ay xilligan gashay mid ka duwan dhamaanba noocyadii dagaal ee hore uga jiri jiray Muqdisho.

Waxaan si fiican u xasuustaa dhamaan dagaaladaas kala duwan ee Muqdisho soo martay marka laga soo bilaabo 1990,kuwii ugu muhiimsanaa ee aan si fiican u xasuustana waxaa ka mid ahaa :-
-Dagaalkii lagu ridayey keli taliyihii Kacaankii Siyaad Barre
-Dagaalkii Cali Mahdi iyo Maxamed Farax Caydiid.
-Dagaalkii Beelaha
-Dagaalkii Kooxaha
-Dagaalkii Kooxaha iyo Maxaakiimta
-Dagaalkii Maxaakiimta iyo Itoobiyaanka
-Dagaalkii Cabdillahi yusuf iyo reer Muqdisho

Haddii aan u soo noqdo dagaalka maanta Muqdisho ka jira ,dadka qaarkiis waxay rumaysan yihiin in uu yahay mid ku salaysan Diin,dadka qaarna waxay rumaysan yihiin in uu yahay dagaal ku salaysan xukun kala jiidasho ka dhaxaysa kooxo isku Qabiil ah,balse ku kala duwan xaga mabaadida.

Sida ay aniga ila tahay dagaalka maanta Muqdisho ka socdaa wuu ka gudbay,dagaal ay kooxo awooda ku kala jiidanayaan ,welina ma gaadhin in la yidhaahdo waa dagaal Diimeed balse wuu ku sii socdaa in noqdo dagaal Diimeed.

Haddii aan si kale kuu fahan siiyo maanta Muqdisho waxaa ka taliya saddexda Cumaamadood, waa Cumaamado isku midab ah,waa Cumaamad u badan midabka casaanka ah,balse leh dhibco cad cad.Cumaamadani asal ahan waxay ka soo jeedaa oo aad loogu isticmaalaa wadamada Muslimka ah,gaar ahaan wadamada Carabta.

Inkastoo Cumaamada maanta Muqdisho ay casaan iyo cadaan isugu jirto balse waxaa loo kala qaybin karaa saddexdan qaybood oo aan filayo in ay ku kala duwan yihiin sida madax loogu xidho oo keliya,wxaana ka mid ah:-

1. Cumaamada 1aad:- Waa Cumaamad saddex gees laysugu laabo , oo madax la soo saaro,labadeeda dacal ay si toos ah uga laalaadaan,laabta shaqsiga sita,waxaana loo yaqaanaa (Cumaamada Maxaakiimta).

2. Cumaamada 2aad:- Waa Cumaamad saddex gees laysugu laabo oo inta madaxa la soo saaro ,labadeeda dacal dib qoorta loogu laabo amase labada garab dib loogu celiyo,waxaana loo yaqaan (Cumaamada Ahlu-Suna wa jamaaca)

3. Cumaamada 3aad:- Waa Cumaamad lagu duubto madaxa oo dhan,waxaa gebi ahaanba lagu qariyaa madaxa iyo wegija oo dhan, Indhaha oo keliya ayaana la baneeyaa amase muuqda ,waxaana loo yaqaanaa (Cumaamada Al-shabaab).

Hadal iyo dhamaan maanta waxaa Muqdisho ku dagaalamaya saddex Cumaamadood oo kala ah,Cumaamada Maxaakiimta,Cumaamada Ahlu-Suna Wajamaaca iyo cumaamada Al-shabaab.Cumaamadahaas oo mid walba si gooni ah madaxa loo saaro amase loogu xidho,mana garanayo tan xoog roonaan doonta xilliyada soo socda.

nabarkaad u dagan tahay
eegmo kuma dawooboo
boog hadal ma deeqee
ha ka daato mililkuye
ka dillaaci qoloftoo
kula daal wixii dana.
(erayadii Abwaanka -Qoraaga -Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd)

Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: