MUCAARIDKU MA DHALO, XUKUUMAD DHALAYSANA MA OGOLA………

MUCAARIDKU MA DHALO, XUKUUMAD DHALAYSANA MA OGOLA………

Salaan dhamaan saxaafadda Soomaaliland.
Dadweynoow sida aan la wada socono dhaqaalaha dalkeenu wuxuu ku xidhnaa xoolaha nool, xilliyada xoolaha iibkoodu socdo sida bisha carafo waxa dalka guud ahaan dhex wareegi jirtey lacag, waxa wejiyadooda farxad siyaada ahi ka muuqan jirtey guud ahaan qaybaha bulshada, gaar ahaana dadka reer guuraaga ah oo maxsuulkii tacabkooda dhadhamiyey.

Waxa si fiican u kobci jirey baayacmushtarka soo koraya,taajiriintuna taajir bay sii noqon jireen.Laakiin nasiib darro, faxadaasi waxay si tartiib tartiib ah uga gudhay wejiyada shacabka, kadib markii shaqsiyaad xaasid ah oon garaneyn cawaaqibxumada(Consequence) ama raadka ay ku yeelan karto mustaqbalka dhaqaalaha guud ahaan soomaalida gaar ahaan reer guuraaga ay carabta ka dhaadhiciyeen in xoolaha soomaalidu qabaan xanuuno halis ah oo xiligaas loogu yeedhi jirey xumadda Rift Valley.

Si kastaba ha ahaatee cunaqabatayntaas iyo lugooyooyin kaloo badan ayay kasoo badbaadeen mujtamaceenu. Sannadkii 2008 horraantiisii ayaa xukuumadda talada haysaa suuf iyo xanjo isku soo xidheen,wax kastana sameeyeen oo suurtogal ka dhigi kara in xooleheenu mar labaad suuq ka helaan seyladaha xoolaha ee dalalka carabta.

Iyagoo fikradaas ka duulayana waxay soo xodxodeen oo ka dhaadhiciyeen in xooleheenu caafimaad qabaan maalqabeen u dhashay dalka sucuudiga. Shiikhaas waxa contract lagu siiyey inuu xooleheenna duuduubka ku qaato qiimo dhan $45 neefkiiba. Isaguna uu isu qabo dhoofinta iyo wixii jidka ku sii xanuunsada ama dhinta.

Heshiiskaas oo ahaa jaanis mar kale soo maray qowmiyaddan ayaanka(nasiibka) badan balse aan jaanisyada ama fursadaha soo mara ka faaiideysan ayaa koox maalqabeeno ah oo kaashanaya xisbiyada mucaaradka oo haragii adhiga shaadh siyaasadeed ka soo toshay is hortaageen ganafkana ku dhufteen meel marinta heshiiskaas.

Waxay dadka xoolalayda ah ka dhaadhiciyeen in xoolohooda xukuumaddu u xidhay nin carab ah oo qiime raqiis ah oo aad uga hooseeya qiimaha suuqyada caalamka ku iibsanaya, markaa aanay arritaas ogolaan oo xoolahood haystan, taas bedelkeedana ay ugu balan qaadeen in ganacsato reer Soomaaliland ahi xoolaha iib geyn doonaan.

Fikradaas xoolaleydu way ku taageereen xisbiyada mucaaradka xoolahoodiina waxay deyn ahaan u siiyeen ganacsato reer Soomaaliland ah oo xoolihii ay deynta kusoo qaateen u tahriibiyey Yemen, iyagana laga sii deynsaday oo la baqsay ilaa haddana aan qaarkood lacagohoodii helin.

Dadka reer guuraaga ah oo xilligan ku jira marxalad nololeed aad u adag iyo duruufo dhaqaale xumo oo neefkooda maanta $20 xataa ku qanacsan ciddii ka siisanaysa, ayaa u muuqda kuwo farta dhexda ka qaniinsan oo leh “Talo waa maraad garan weydo iyo maraad gaadhi weydo”, ileen talo isuma kaa sheegto.

Maanta ninka ama gabadha reer guuraaga ah haddii la weydiiyo su,aalo ku saabsan xisbiyada mucaaradka waxaan u malaynayaa inay ku jawaabayaan: ‘Mar i dage alla ha dago, laba goor i dagase anaa is dagay’

Haddaad shaqsi ama xisbi ama maamul jira fikradiisa ama qaab dhaqankiisa diido waxa fiican inaad la timaado mid lagu bedeli karo oo ka fiican taad diideysey. Bil xaqiiqa mucaaradku midho gunti ugu jira xoolo dhaqatadeenna ayay uga qubeen midho geed saaran. Balse waan eegi doonaa waxa kala qabsada xoolaleyda iyo mucaaradka xilliga kubadda doorashadu bilaabato.

Markaa akhristoow miyaan la odhan karin mucaaradku waa BAQAL. “Baqashu ma dhasho ,wax dhalana majecla”.

Iska daa xoolo iyo dhaqaalee, haddii maanta la weydiiyo in la ictiraafo JSL? jawaabtoodu waxay noqonaysaa maya inta UDUB meesha haysato. Udub iyo shaqsi ku xumee maaha in mustaqbalka malaayiin muwaadin oon mutaysan mugdi loo geliyo.

Wabilaahi tawfiiq
Rabbiga raxmaanka ahoow reer miyiga roob iyo raxmaad u shub.
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: