KASHEEKEE HARGEISA &HALKII AAN KU DHALANIYO HOWD IYO BANAANIYO HAREERAHA DAROORIYO HARADOO GUDGUDE

KASHEEKEE HARGEISA &HALKII AAN KU DHALANIYO HOWD IYO BANAANIYO HAREERAHA DAROORIYO HARADOO GUDGUDE

Ugu horayn inta aanan u gelin arintaan u dan leeyahay waxan qurba joogta somaliland ugu baaqaya inay xiliyada holidayga inay tagaan wadankii halkay wadamada kale ka tegayaan sababtoo ah wax badan bay ka soo fa iidayaan waxan tegay dalkii hooyo aniga oo aanan arag 14 years waa markii iigu horaysay aan tago waxa aan soo arkay wax aad ku diirsanayso iyo wax aad dhibsanayso labadaba.

Markii aan ka degay magaala madaxda somaliland waxan uga sii kicitimay burco kadib waxan joogay mudadheer waxan udhaafay howd iyo gaashaamo muda dheer ayaan halkaa joogay kadib waxan ku soo laabtay burco waxan usii dhaafay Hargeisa oo aan ilaa soo noqodki danbe aan joogay

Hadii aan taabto waxyaaba muhiimka ah ee aan ku soo arkay waxa ka mid ah dadkeenu sida umada kale ama dowlada kale malaha dabaqado dhexe hadii an sii qeexo dadka reer somaliland waa dad dayaxa tiigsaday iyo dad dhulka yaal waxay indhahaagu qabanayaan quryo aad u qurux badan oo aad la yaabayso sida loo xardhay taas oo aad ku soo xasuusanayso.

Xadiiskii labaad ee ku jiray arbiciinka ee (nebi muhammed CSW kulaa waxad arkaysaa dadkii masaakiinta ahaa oo ku tartamaaya sidaa guryaa fooqaqa ah ukala xardhan yihiin isugu faanaya riya raacdi) iyo kuwo aad u dhibaataysan oo aan hayn maalin nololeed meelay ka soo qaadan.

Waxa hadaba meesha ka maqan qoladaa dayaxa ka cawaysay iyo kuwaas dhulka yaalla qoladii sadexaad ee u dhaxayn lahayd qoladaasi ma jirto lakiiin waxa ka sii yaab badan taas waxa runtii wax aad looga naxo ah dadka inta miyirka qabta iyo inta waalan inay is le eg yihiin sababtoo ah ka waalan ee Ilaahay xuskiisa ka qaaday waxa ka sii badan inta ikhyaaliga ku nool ama wax qof miyir qaba sansaankii aadan ka dareemayn oo kuu muujinaya isla hadal ama isku buuq ama qaar kuba faanaya meela suuqyada oo saaxiibadood ku leh walahay aniga waad itaqaan inaan waalanahay ama fududahay ee waxaanan kaaga kadhsiin waxan taabanayaa waxyaabii indhahayga soo jiitay

Waxa kamid ah quruxda iyo udgoonka iyo naacowda dhulkeena taal ama ciida dahabka ah waxyaabii aan ku soo arkay howd waxaa kamid ahaa xawayaankii oo aan weli is bedelin sida xawayaanka yaryar oo qaarkood ku ugaadhsanaaya.

dhuxunkureebka , dhuudhicaso, jinacduulaan ,yaryaro qudunquuto ,cirkasoo dhac ama

roob ladhac, buulalo, mas , abeeso iyo qaar kale oo badan

waxaas oo dhan waa xawayaanka duurjoogta ah ee Ilaahay dhulkeena ku xardhay

iyo qaar badan oo aanan hada xasuusnay waxan xasuusta oo kale oo runtii wax cusub igu noqotay magaalada burco habla badan oo wata gaadiid u gaar ah ama baaabuur u gaar ah taas oo markii iigu danbaysay burco aadan arki jirin dumar babuur wata oo dadku dhaqankaasba aanay lahayn waxa kale oo ka sii yaab badan magaalada burco hadii aad 3 tihiin aad istidhaadaan ka soo qadeeya hudheelkan inaad kiraysanayso keeryoon
sababtoo ah giinbaarti somalia ayaa weli taala oo dhibaato wayn ku haysa magaalada burco.

Waxa kale oo aad arkaysaa wadooyinkii somaliland ee caanka ahaa oo dhan inay weli tacab badan u baahan yihiin sidaa hargeisa berbera iyo burco ugu danbayntii waxan mar labaad ku baraarujin lahaa qurba joogta ku baahsan dunida inay soo booqdaan halkii ay ku ababeen.

scwr wbr

Allaah baa mahadleh
MAHIIGAAN
Mustafe Omar Hussein

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: