GABAY ALLE BARI AH IN ALLE SWT DHIBAATADA KA KOR QAADO DHIBAATADA

GABAY ALLE BARI AH IN ALLE SWT DHIBAATADA KA KOR QAADO DHIBAATADA

Da,da gabaay wayadan waanigaan daayine
danbaa igu tidhi daa si kale umaba doneene
Imikana waxbaa igu diriqiyee hadaan daacada ka abaaro
Sadaam waa tii lagu dal dalaay dagaladiisiye
waay ku diirsadeen carabi inaay diirnaxaan daaye
isagaa daraayga is dhigaay ayaay ugu daraayeene
farax iyo damashaad baay kala dul edameene,
Dacayadbaa dunida loo dhig dhigaay iyo waliba deelqaafe,
Doqonba walaalkeed ku diir sato xumahiisa doonte
waxaay la damacmadaba iyaduu kuba danbeyaaye
mardhaaw baay dareenta,waxaay daraja modayseey
Dalaqbaay tidhaa wixii looga digayee loo dar dardar wariyey
dugaaguna markaasu ku cunaa duurka gudihiisa.
Da ma jirin ninkii Akhirsbanka dood ka galaayaaye.
Dulaanka dunida ka dhacaay waa mid soo jiraay
Falastiin duudsibaay ku jireen, qarni dabadiiye
dagaalkoodiiba loogu tagaay oo lagu dana sheegtaay,
daan daansi ba loogu daraay iyo dakharo waaweyne
Diriir hadaay damceen dayac baa la badaay iyo darxuma weyne,
kuwii damqan lahaaye daafac ku lahaanla waay ku diirsadaan dabar godaase.
Dabka ka baxaay Afghanistan, iyo qiiqa kor uduulaay
mataadooda la qaxiyeey ee la badaay diifta,
dalalkaa shiisheye cidamada ka yimide baabiyeey dagalkooda
waxaay ku dilayaan, diintaay darajadeeyeen
dacadnimada inaay ka baydhaan shareecada, islaamka.
ayaa danbas looga dhigaay, sikale loma doonteene
Dabaabadaha kuwaa la dhacaa waa duuda ugu dhaawe
Dinaar baay ka doorsadeen iyo dolar lacageede
maxaan kubaba daala aduun dabadi weyaane
Dadka kale dadbaay is haayaan iyo gaalo dalableey
balse somalidan is dabar jaraysee daacada ka fogaatay
ee diin qudha wada haystee hadana is wada dooxdaay
waxaay is isku dilayaan miyaay diirka ka cadeeyaan
Caruuraha dib jiraay een daryeel haysan
mataada qaxaysee, guryahoodii laga qaadaay
dumarka sayidkoodii laga dilaay qataay duub caskiyo weerka,
waa mid aay idin la qabaan dunida qaarkeede.
qadar kastoo yimaadaba waa midaan cidi daboolayne
alaaha dayina awoodiisu laga danbeyaaye,
Ruxii ducaystee dayin tala saarta,
naxariistisa inuu heli waa midaan la dafirahayne
ALahaayaaw adaa daa,ine cidi ku diidayne
dadka dagalkoodii guubtaay Biyo ugu daadi
qalbigood naxariis isu gali waa duul walaalo ahe
Diir qudhaay wadagaane iblaysbaa daasadaw utumaye,
alahayaaw, naxariistaada, noogu deeq duul qudha nahaaye .

daafac ciidan qaran

daafac_qaran@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: