GAADMADII JABHADA ONLF MAXAY U DHALEECAYN WAAYEEN MUXAAFIDKA IYO MUCAARIDKUBA

GAADMADII JABHADA ONLF MAXAY U DHALEECAYN WAAYEEN MUXAAFIDKA IYO MUCAARIDKUBA

sida aynu ka warqabno waxa todobaadkan duulaan ku soo qaaday degmooyinka habaaswayn iyo kamarooyaan jabhada onlf oo ka hawlgasha kilnka shanaad .
waxa habeen saqdhaxe weerer gaadmo ah lagu qaaday shacbiga ku dhaqan degaanka kamarooyaan iyo habaaswayn.
sida wararku shaaciyay laba qof ayaa ku shahiiday weerarkaa aan ujeedada lahayn.
sidoo kalana waxa la qafaashay 11 qof oo kale oo degaanka ah.

degaanka beesha ayaa iska caabin wayn sameeyay una jilib dhigay jabhada onlf
waxaanay ku guulaysteen inay dilaan hal nin oo kuwa soo duulay ka mida iyo mid kale oo dhaawaca.
waxa kaloo ay degaanka beesha ciidagale qabteen ilaa 13 ka mida taageerayaashii jabhada onlf.
waxa xaqiiqa in shacbiga ogaadeen iyo ciidagale yahay laba wada dega meelo badan oo klinka shanaad ka mida.
runtiina ma jirto wax colaada oo u dhaxeeya labada beelood.
waxay kuwada noolyihiin nabad galyo iyo ixtiraam iyo wada noolaansho.
balse argagaxisada weererka qaaday ilaa hada la garan maayo hadafka iyo ujeedada ay ka lahaayeen weererkan gaadmada ah.

hadaba waxa is waydiin mudan hadii la weeraro shacbiga somaliland meel kasta oo uu joogo.
maxaa waajib ah ee ka saaran xukuumadooda?
waxa hubaal in hadii colaadani sii fido ay samayn ku yeelan karto guud ahaan somaliland oo dhan,
waa hubaal in gurmadku ka bixi doono hargaysa caasimada somaliland iyo magaalooyinka kale ee dalka .

ilaa hada dhinaca xuukuumada iyo xisbiya mucaaradka ma jiro mid arintan dhaleeceeyay.
maynaan maqal salaadiin iyo cuqaal ama wax garad kale oo weererkan dhaleeceeyay.
hadaba aamuska laga aamusay weererkan onlf soo qaaday muxuu yahay?

shalay markii argagaxisadu soo qaaday weererka gudaha somaliland gaar ahaan caasimada hargaysa , waxaa si wayn ay u saamaysay dhamaan umada soomaliland.
mucaarid iyo muxaafid iyo dhamaan shacbiga somaliland waxay ahaayeen mid ka midaysan iskaashiga weererkii argagaxisadu ka fulisay magaalada hargaysa

hadaba waxa is waydiin mudan ma kaliya waxa la difaacaya dhulka dawladu fadhido iyo meelaha danaha maamulku ka socdo.
miyaan shacbiga somaliland meel kasta oo uu joogo lahayn mudnaanta iyo qadarinta ay leeyhiin.

shalay markii diiwaangalintu socotay waxa gawaadhi lagu soo guraayay dhamaan shacbiga kilinka shanaad ee asal ahaan ka soo jeeda somaliland
waxa beel kasta oo somaliland degtaa ay ku dadaalayeen inay diiwaanagalinta ku kordhistaan tirada shacbiga kilinka shanaad.
hadaba marka loo baahan yahay waxaa loo huraa aduun iyo maalba
balse waxaad mooda marka ay dhibaato ku timaado,
sidaa abaaraha iyo colaada .
si fudud ayaa loo ilaabaa tiradana laguma daro ,cid iswaydiisaana ma jirto
taasina waa mid aan caqliga wanaagsanayni marnaba qaadin karin .

xorayntii somaliland iyo halgankii adkaa waxa si wayn u taageeray shacabka klilnka shanaad.
ayagay ahaayeen kuwii la martiyay ee geelooda iyo xoolahooda ku marsuufi jiray mujaahidiinta .
dadka kilinka shanaad waa kuwii ugu horeeyay ee ciidan laga qoro aasaaskii jabhadii snm.
aakhirkina ayagay ahaayeen kuwii weererka balaadhan la soo galay jabhadii snm.
la,aantood halgankii xoraynta somaliland marna ma suuro galeen
isku soo wada duubo maaha maanta maalintii laga amusi lahaa ama la hagran mujaahidiintii dalka xoreeyyay
gabagabdii
weererka onlf waxaa ka qayb qaatay ciidan aad u hubaysan ,
oo ah jabhada in badan la dagaalamayasay xabashida, sidaa daraadeed maaha in shacbiga lagu daawado jabhadan argagaxisada ah.
waxa waajiba in ciidanka somaliland si dhaqso ah loogu diro aagaa ay joogto onlf.
waayo ciidan milatariya waxa laga horgeeya ciidan milatariya.
siciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com
london uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: