DOWRKA SAXAAFADA IYO DAMACA MILKIILAHA W/Q :YUSUF AMIIN SICIID

DOWRKA SAXAAFADA IYO DAMACA MILKIILAHA W/Q :YUSUF AMIIN SICIID

Dowrka saxaafada iyo damaca Milkiilaha W/Q: Yuusuf Amiin Saciid

Marka aynu ka hadleyno warbaahin ayaa dadka qaar waxaa maskaxdooda ku soo deg dega in ay warbaahintu ay tahay mid bulshadeeda u adeegto, lakin xaqiiqdu maanta taa ka fog.
Haddaan u soo daadago dulucda maqaalkayaga oo aan ugu magacdaray Dowrka warbaahinta iyo damacaha milkiilaha ayaa waxaa igu dhaliyay in aan qalinka u qaato kadib markii aan daraaseeyay qaar ka mid ah milkiilayaasha warfidiyeenada ku hadla afka Soomaaliga ha noqoto Idaacad, Wargeys, ama barta internet-ka iyo wixii la hal maala, in ay ka siman yihiin meel marinta maslaxadooda gaarka ah, dhif iyo naadirna ay noqotay mid si daacad ah bulshadiisa ugu shaqeeyo.

Markaad isku daydo in aad booqato barta internet/yada ee Soomaalida ay leeyihiin anigoon aan jecleyn in aan si gooni ah u carabaabo qolo gaar ah, ayaa dareemeysaa in ay yihiin wax laga yaqyaqsado wararka salka iyo raadka toona lahayn oo ay bulshadooda usoo bandhigayaan, iyadoo qaar kalana aanba is leeyahay waxay si toos ah ay ugu soo meenguuriyeen waxa ay maskaxdooda ay kula talisay, waxay qormooyinkooda si aan leexleexad lahayn ay ugu jaa’ifeeyaan qaarka ay ka waayaan danahooda gaarka ah, iyagoo dhinac isaga tuuraya shuruucda saxaafada oo aanan ogoleyn in qof sharafkiisa lagu xad gudbo.

Tani waa marag madoontadii sheeko aan maqli jiray haba noqotee mid si hoose loogu sheekeysan jiray , in qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka howl gala ay midba ay khandaraas gooni ah ah ay la lahayd, dagaal oogaha ay isku jufada ay ka soo jeedaan iyagoo qeybtooda ka qaadan jiray hantida shacabka ee dhiiga badan loo soo daadiyo, iyagoo halkaasina ay ammaan iyo buunbuunin aan loo meel dayin dacal ay u qaban jireen dagaal oogaha ay afhayeenka u yihiin.

Anigoo doonaya in aan u kuurgalo waxna aan ka ogaado sheekadan in badan dhageyheyga ku soo laablaabatay ayaa waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo mid ka mid ah howlwadeenada warfidiyeenada Soomaalida, wuxuu ii sheegay in qofka wariyaha ah aysan suurta gal ay u ahayn in uu soo tabiyo sida ay wax u dhaceen, maadaama laga yaabo in warka qaarkiis in uusan u cuntameyn milkiilaha goobta uu ka howl galo ama shaqadiisa ku weyn karo, Taasina ay qasbeyso in warkii uu qaar ka qaato qaar kalana uu isaga tago. wuxuuna sidoo kale uu igu maahmaahay isaga oo afka ku maceysanaya , maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysay “af wax cunoo Xishoow”.

Lakin su’aasha ay maskaxdeydu ay isweydiineysi waxa ay tahay Qeyb intee la eg ayay ka qaadatay warbaahinta burburka wadanka Soomaaliya?!. sidaan waxa ogsoonnahay saxaafada ayaa lagu tilmaamaa seef laba afle ah, oo haddii dhanka wanaaga loo jeediyana ay tahay mid dhaxalkeedu uu noqonayo nabad iyo naruuro, halka qeybteeda xumaantana laga dhexli karo cawaaqib xumo hadeesha bulshada gobolkaasi ku nool, iyo musiibo la’eg tan Soomaalida ku habsatay.

Guntii iyo gabagabadii anigoo halkaan aan ku soo koobi karin dhibaatooyinka heysata saxaafada Soomaalida, ayaa haddana waxaa udub dhexaadkeeda lagu tiriyaa in ay jirto liidanaan xagga aqoonta taasoo heysata saxafiyiinta, ayaa waxaan ku dheero gelin lahaa in ay dadaalkoodii ay sii laba jibaaraan, halka milkiilayaasha warfidiyeenaduna ay ka digtoonaadaan natiijo xumida ugu imaan karta damaca fog ay ka leeyihiin Qalab warbaahineedka ay sameysteen, iyagoo dadkana ugu warama in ay yihiin kuwa ka madax bannaan siyaasada iyo qabiilka ayna yihiin shirkado ganacsi.

W/Q: Yuusuf Amiin Saciid
Email: yuusufamiin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: