ADEER ADIGAA EUROPE KA YIMIYE MA TAQAANAA DOOLARKA MADAW BLACK DOLLAR

ADEER ADIGAA EUROPE KA YIMIYE MA TAQAANAA DOOLARKA MADAW BLACK DOLLAR

Adeer, adigaa Europel ka yimiye ma taqaanaa doolarka madaw “Black Dollar”,sidaa waxa i waydiiyay muwaadin bakhaar haysta oo aan alaab ka iibsanayay.

Muddo gaaban ayaa laga joogaa mashruucii lagu xaalufiyay danyarta reer Somaliland ee ay u badnaayeen haweenku,loona baxshay dhawr magac oo ay ka mid ahaayeen Fadhi-ku-dhereg,Jiif-ku-jaq iyo kuwo kale.

Fadhi-ku-dhereg waa xirfad ay ka danbeeyeen dad aan ilaa maanta dawladda Somaliland ka warqabin waxay ahaayeen iyo halkay ku danbeeyeen,balse dumar badan loo qaqabtay,kuna kala xidhanyihiin jeelasha Gabiley iyo Hargeysa.Wasiirada arrimaha qoyska Marwo Fadumo Suudi ayaan arkay cid arrinkaa xil iska saarta oo weli ku hawlan,wasiiraduna waxay ku dhex muquuratay baadhitaan dumarka xidhan dhexdooda uun ah.Waxa cadaan ah dawlada uu hogaamiyo Riyaale inaanay ka muuqan wax xil ah oo ay iska saartay sidii loo soo qaban lahaa maafiyada ummada xaalufisay iyo inay taakulayn dhaqaale u fidiyaan muwaadiniyiinta xoolahoodii lagu dhacay calankooda iyo dawladooda hoostooda.

Maantana waxa Hargeysa ka socda mashruuc kale oo la mid ah kaa hore,kana muuqato shilinkii ugu danbeeyay in laga urursanaayo shacabka dhibtu dhinac walba ka hayso.Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado habka loo fulinayo mashruucan cusub ee “Black Dollar” lagu magacaabo.Muwaadinkii bakhaarka haystay ayaan ku waydiiyay waxuu ugala jeedo.Waxuu igu yidhi “waxa jira wax laygu sheegay doolarka madaw,waa layga iibiyay,waxaana laygu yidhi,waa laguu cadaynayaa! Waxan sii waydiiyay intee lacag lagaa qaaday waxuu yidhi “dhawr boqol oo dollar”.Maxaad adigu bedelkooda helaysaa ayaan ku idhi.Waxuu ii sheegay inuu hayo doolarka madaw oo marka loo sifeeyo uu helayo $10,000 waayo waraaqaha uu haysto ayaa tiradoodu 10 xaashiyood tahay.

Ma i tusi kartaa ayaan ku idhi.Waxuu soo saaray 10 waraaqood oo gaagaaban,midabkooduna yahay “copy-ga” waraaqaha loo dhaxaysiiyo marka qalinka wax lagu qoraayo.Waan yaabay,waxaanan u sheegay inuu dhacanyahay,waxanina aanay caqliga gelin ee uu raadiyo cidii ka iibisay.Waxuu iigu jawaabay “adeer adiga ayaa aqoon u lahayne waa wax jira,dhowaana waa lay soo safaynayaa ee waad arki doontaa”.

Magaalada Hargeysa ayaan subax walba suuqa hoose iyo shacabka tegi jiray,si aan u raadiyo cid kale oo doolarka madaw haysata.Waxan la kulmay ugu yaraan 40 qof oo aan is ogayn,wada haystana copy-gaa loogu sheegay doolarka madaw.Dhamaantoodna way wada rumaysanyihiin in loo safayn doono.Lacagtoodiina way dhacantay,iyagana ballamo been ah ayaa maalin walba loo sheegaa.Qaarkood badh ayaa laga qaaday,waxaanay weli kaga maqantahay safayntii aan waxba ka jirin.

Intaa kadib waxaan ogaysiiyay niman aanu isbaranay oo sirdoonka,boliska iyo wasiiraba leh.Waar mashruucaa ummada lagu dhacaayo ayaa magaalada ka socdee ma maqasheen ayaan dhamaantood waydiiyay.Waxaanay iskaga mid ahaayeen aragti xilkas darro ka muuqato.Umanayna dhaqaaqin sidii wax looga qaban lahaa ama looga hortagi lahaa intaanay sii baahin.

Hadaba waxan bulshada Somaliland,gaar ahaan bulshada Hargeysa uga digayaa inay indhaha kala furaan oo caqli yeeshaan kana foojignaadaan mashruucan lagu xaalufinaayo ee lagu dhacaayo maalkoodii iyagoo soo jeeda.

Waa inay dadweynahu iska qabtaan ciday ku arkaan waraaqahaa copy-ga ah ee yaryar ee xataa aan dherarkoodu leekayn dollarka dhabta ah,raadiyaana halka ayka soo burqamayaan mashruucan jeebkooda lagu xaalufinaayo,mar hadii aanay jirin dawlad xil iska saaraysa.

Waa waydiintii iigu cajaaibka badnayd intaan wadankii hooyo joogay:”Adeer adigaa europe ka yimiye ma taqaanaa doolarka madaw “Black Dollar”.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: