HELLO, WASAARADA WAXBARASHADA MANHAJKA WARAB AYAA KU JIRA…

HELLO, WASAARADA WAXBARASHADA MANHAJKA WARAB AYAA KU JIRA…

Wali waxa aan wadaa qormooyin dhawr ah oo aan rabo ku saxo wasaarada waxbarashada Somaliland, aniga oo tilmaamaya meel kale oo aanan maalintii hore taabanin.

Markii aanu ku jirnay fasalka koowaad ee dugsiga sare sanadihii 2001-2002, waxa naloo dhigay cashar ku saabsanaa boqortooyo ay lahaayeen Israaiiliyiintu, intii ka horeysay taariikhda miilaadiga ah, boqortooyadaas oo xarunteeda lagu sheegay Falastiin.

Buugga laga tixraaco taariikhdani, waxa uu sheegayaa in Yuhuudu ay ka tafiirantay Abraham, oo uu ula jeedo Nabi Ibraahim calayhi salaam, laakiin buuggu Nabi Ibraahim kuma sheegayo Nabi, ee waxa uu ku sheegayaa muwaadin u dhashay tuulo yaqaanay “Ur”. Taasina waa mid milgaha ka arradan.

Buuggu waxa uu odhanayaa “Yuhuudu waxay ku noolayd Masar, oo ay addoon ahaan ugu shaqayn jirtay Faraacinada, laakiin sanadkii 1286 BC, ayuu hogaamiye yuhuudeed oo wayn lana odhan jiray Moses, uu Yuhuuda dib u dajiyay Falastiin”.Hogaamiyaha uu buugu sheegayaa waa Nabi Muuse, laakiin buugu Muuse kuma sheegayo Nabi, taasina waa nasiib darro in wax laga soo xigto buug noocan oo kale u hadlaya.

Waxa intaas sii dheer waxa uu buugu odhanayaa “Boqortooyada Israaiil waxa qabsaday boqor la odhan jiray David”. David-ka uu buugu sheegayaa waa Nabi Daa’uud, taasina waa gaf in Nabi Daa’uud uu buugu ku sheego boqor, oo uu u quudhi waayo darajadii uu Alle siiyay.

Buuggu waxa uu intaas raacinayaa in David uu boqornimadii ka dhaxlay boqor kale oo la odhan jiray “Solomon”. Boqorkan uu buuggu ku sheegayo Solomon, waa Nabi Saleebaan oo u Ilaahay siiyay awood aanu siisin cis isaga ka dambaysa. Waana deelqaaf in buug aan nabiyadeenii suubanaa siinahayn darajadooda wax laga soo xigtaa.

Inta ay wasaaradu kolba buug soo xiganayso waxa haboonayd in ay wasaarada qudheedu qorto manhaj quman kuna salaysan diinta Islaamka.

Rabanaa laa tu’aakhidnaa in nasiinaa aw akhda’naa

La soco qormooyin kale

Siciid Maxamuud Gahayr ‘Hargeysaawi”
002522 2 4428604
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: