HADALKAAGA MIISAAN XORRIYOOY

HADALKAAGA MIISAAN XORRIYOOY

HADALKAAGA MIISAAN XORRIYOOY

Mahad waxa iska leh ALLAH, ammaan iyo nabad gelyo nebbi Muxammed korkiis ha ahaato.

waxa erayadan igu kalifay dooda ka socota hadhwanaagnews ee ay Xorriyo soo bandhigtay.

Doodaas oo cinwaankeedu yahay Israel ayaa inoo dhaanta Somaliweyn.

lama yaabin xorriyo oo qof walba inta itaalkiisu yahay ama caqligiisu ayuu hadlaa, xorriyana wuxuunbay Qeexday aqoonta gaaban ee ay u leedahay Dalka Israel.

Xorriyo inta aanan hadalkaaga si kooban wax uga odhan, hadaan maanta is leeyahay xorriyo diin ayay arrinteedu ku qotontaa, waxaan soo aroorin lahaa quraan iyo axaadiis,.,

laakiin waxaan arkay in aanad wax diin ah aqoonteeda lahayn, aniga oo u adeegsana laba qodob oo kala ah.

1. carab oo nebbi muxammed scw ka dhashay oo aad tidhi waxba maaha ama waa cadaw

adiga oo dhanka adduunyada ka fikiraya.iyo siday Somali land wax u heli

lahayd(Recognition)

2. Israel oo aad tidhi way noo dhaami lahaayeen carab, adiga oo aan si dhab ah u baadhin waxa ay xaqiiq ahaan Israel tahay!.

Haddii aan hadalkaagaa qiimeeyay, mar waxaan is idhi malaha waa ka dhab oo waxan way aaminsan tahay!, mar kalena waxaan is idhi malaha waa ka ogaan oo maanta xorriyo may garan waayin waxay tahay Israel!, si kale waxaan is idhi waa aqoon la’aan ka haysata xagga mabda’a ay aaminsan tahay Xorriyo oo ah Islamic Ideology.

Dee may ahayn haddii arrintu siyaasad tahay in ay kaa dhex gasho mabda’aaga, si aanay kuugu horseedin cadho alle, marnaba afka ha soo marin qof allah u aaminsan kalinimo, Muxammedna SCW nebbinimo ayaa ka hooseeya nin aan kaadida iska tirtiran oo Allahna cadaw u ah, Rabbina uu ka marakacay!

Ugu horreyn Xorriyooy Israel waa cadawgii ilaahay(The enemy of Allah),.

Maadaama Israel ay ilaahay cadaw u tahay Malaga yaabaa innaga oo Muslim ah oo ilaahay sokeeye u ah (The slaves of Allah) in ay inala yeelato xidhiidh sokeeye ama uu ina dhex maro in yar oo kalgacal ah ama saaxiibtinimo? Jawaabta adiga ayaan kuu dhaafay!.

Nin ragga loo sheegi maayo waxa ay run ahaan tahay Israel, oo Allahii na abuurtay ayaa si dhab ah noogaga waramay xaqiiqda yuhuud iyo waxa ay tahay, iska daa nin muslim ahe waxa ay cadaw u yihiin oo aanay arki Karin walaalahooda kale ee nasaarada ah(Christians)

Xorriyo intee in leeg ayaad akhriday taariikhda soo kala dhex martay iyaga iyo dadyawga aaminsan mab’da’a aynu aaminsanahay ee Islamic religion?

Xorriyo taariikhda bal eeg oo dib u jaleec waxaad ka heli Israel iyo sida ay dhab ahaan tahay, iyo waxa aad adigu ka hadlayso.

Xorriyo imisa mar ayay nebbiga scw ballan la galeen oo ay kaga baxeen?.

Bal eeg oo dhugo dalka masar la yidhaahdo, waa dal xidhiidh adag la leh Israel sidoo kale Jordan, laakiin ma aragtay Israel sida ay maalin walba u layso ciidamadooda oo ay u tidhaahdo waxay ka soo gudbeen xuduuda? Xorriyo ha riyoon marka arrintu tahay mab’da, hana dhaafin xaqiiqda jirta.

Waxa aad sidoo kale soo qaaday carabtu in ay yihiin dad xun oo cadaw ah oo aan sokeeye ahayn, taas lafteeda xorriyo maaha mid aad adigu ka hadli karto ama aad qeexi karto!, waayo waa arrin uu fahmi karo qof caqli iyo xikmad adeegsanaya, dadka qaar ayaa ku doodaya adhigii ayay naga xidheen!kkkkkkk, ma ogtahay kuwa adhiga xidhay in ay yihiin kuwa ina maamula?… mise xaqiiqda ayaanad si dhab ah u baadhin?

Garan maayo meesha aad ka keentay fikradan gaabiska ah, mar kale waxa aan ku weydiinayaa carab inta maanta ay Somali land ku bixiyaan waligeed reer yurub iyo maraykan haday wadaan ku bixin maayaan!!

Waa ta koobaade adhi ayay naga iibsadaan yaanu badnaanbee!, ta labaad waxay noo qabtaan barnaamijyo dadban coz dunida maanta waad ogtahay oo haddii direct wax loo bixiyo waxa la odhanayaa waa argagixso, dee mar kalena waaba dad aynu isku mabaadi a nahay.

Xorriyooy hadalku inta afkaaga uu ku jiro ayuu sir yahay, mar hadduu soo baxo oo uu afkaaga soo dhaafo baxsay oo orod, dee waakaa maanta aniga oo South Africa jooga iyo adiga oo UK jooga isu keen keenay.

Xorriyooy mabda’aagu yaanu kaa khaldamin, aakhirona meel la tago lehe naar iska ilaali, eray gaf ah ayaa ku geyn kara meel aan sahlanayn.

Xassan Cismaan Muxummed

South Africa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: