GUDIDA DOORASHOOYINKA AYAA HESHIISKA LALA SAXEEXAN KARAA EE MA AHA MADAXWEYNAHA

GUDIDA DOORASHOOYINKA AYAA HESHIISKA LALA SAXEEXAN KARAA EE MA AHA MADAXWEYNAHA

G. Doorashooyinka ayaa heshiiska lala saxeexan karaa ee ma aha Madaxweynaha

07.05.2009

(haddii runta la sheegayo ,sheekadani waxay u egtahay,duruus laga korodhsaday murankii Doorashooyinkii Kenya iyo Zimbabwe.)

Mar ugu horeysa waxaa haboon in laysla fahmo sababaha Doorashooyinku dib ugu dheceen iyo cida masuul ka ah howlaha Doorashooyinka,waxaa sidoo kale haboon in aynu isla fahano waxa aynu ula jeedno G.dhexdhexaadinta.

Sida ay aniga ila tahay:-
Horta ILLAAHAY ayuun baa og waxa beri dhici kara,G.dhexdhexaadintuna ma si saadalin karaan waxa dhici doonaa,haaddii ILLAHAY ma keenee ay dhibaato timaado Doorashooyinku dib way u dhici karaan.

Howsha Doorashooyinka waxaa ka masuul ah oo loo dhaariyey G.Doorashooyinka Qaranka, iyagaa ka masuul ah,kordhinta iyo soo dedejintaba mana howl ay leeyihiin saddexda Xisbi Qaran,cida ay haboon tahay in heshiis lala saxeexdaana waa G.Doorashooyinka.
G.dhexdhexaadintu waxba kama bedeli karaan Dastuurka Qaranka,ee awooda u siiyey Golaha Guurtida mudo kordhinta Doorashooyinka,haddii taasi dhacdana waxaa meesha ka baxaya gebi ahaanba Dastuurka dalka,hadda wixii ka dambeeyana waxaynu ku wada shaqaynaynaa DHEXDHEXAADIN.

G.Doorashooyinku way shegeen xilliga ay Doorashadu dhacayso,ee ha lala wada shaqeeyo si aan markale dib u dhac ugu imanin Doorashooyinka ,saddexda Xisbi Qaran-na si buuxda ha ula wada shaqeeyeen G.Doorashooyinka.

Dhamaan qodobada ay soo saareen G.dhexdhexaadintu waa faro gelin shaqada ay qabtaan,Wasaarada Warfaafinta, Maxkamadaha Dalka, iyo faro gelin Dastuurka dalka,mana aha in uu saxeexo Madaxweynuhu.

Haddii ay Mucaaridku sii wadaan muranka ay hadda wadaan,waxaa iman karta in mar kale Doorashooyinku dib u dhacaan,waxaana masuuliyada qaadi doona Xisbiyada Mucaaridka ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu aanu saxeexi Karin waxaa ka mid:-.

1- Muddo-kordhinta:
1.2- In doorashadu haddii ay ku qabsoomi waydo 27/9/2009 in aan Golaha Guurtidu u kordhin Karin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa; waana in arrinkaas laga ansixiyo golaha sharci-dejinta (Baarlamanka).

( BAL SI FIICAN U EEGAA QODOBKAN 1.2,BAARLAMAANKU MEELNA KAGAMA JIRO MUDO KORDHINTA DOORASHOOYINKA)

2.4- Qaddiyadda Komishanka waxay guddigani adkaynaysaa in Madaxweynaha, labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaradka iyo Golaha Guurtida [oo ah cidda soo wada xusha] ay go’aan ka gaadhaan in la daayo, in la kordhiyo iyo in la beddelo.

(2.4 BAL QODONKAN-NA SI FIICAN U EEG,MA XILLIGAN HADDII AYEYNU KALA DIRNAA G.DOORASHOOYINKA,HADDII G.CUSUB LA SOO DHISO , MUDO INTEE LEEG AYAA HADDANA DOORASHOOYINKU DIB U DHICI KARAAN?,)

4.3- In la sii daayo dhammaanba dadkii loo xidhay xiisadda siyaasadeed intii ay ka aloosnayd dalka.
( 4.3 MAXAA KEENAY IN G.DHEXDHEXAADINTU AY GAADHAAN IN AY YIDHAAHDAAN HA LA SII DAAYO,CIDII SHARCI KU XIDHAN.G. DHEXDHEXAADINTU WAXAY XAQ U LEEYIHIIN IN AY MADAXWEYNAHA KA CODSADAAN CAFIS,BALSE XAQ UMA LAHA IN AY AMAR SIIYAAN .)

hadal iyo dhamaan waxaan qabaa in ay G.dhexdhexaadintu xadkii ay lahaayeen ay dhaafeen,mana aaminsani in go,aamada G.dhexdhexaadinta Madaxweynahu saxeex kuma Leeyahay .
Haddii mar kale Doorashooyinku dib u dhacaan,waxaa masuul ka noqonaya labada Xisbi ee Mucaaridka ah,haddii la doonayo in heshiiska cid lala saxeexdona ,waa G.Doorashooyinka ee ma aha Madaxweynaha

Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: