GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO NOQDAY GOLE MA DHALAYS AH.

GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO NOQDAY GOLE MA DHALAYS AH.

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta soomaaliland iyo macaamiishoodaba.
Akhristayaal waxaan wada ognahay in golaha wakiiladu yahay gole muhiim ah oo ku yimid doonista dadweynaha,metelayana shucuubtii soo dooratay. Golahani sharciyan waa awoodda ugu sareysa dalka,maadaama oo ay metelayaan iskana dhex arkaan dhamaan qaybaha bulshadu.
Goluhu intii la aasaasay ilaa maanta muu soo bandhigin qorshihiisa wax qabad, yacnii wixii u qabsoomay intuu jirey,waxa ay ku gudo jiraan iyo waxay rajaynayaan inay qabtaan mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Mararka qaar baynu maqallaa waxa la sameeyey guddi hoosaadyo, balse waxay qabanayaan iyo waxay qabteentoona lama arag.
Intii golahani jirey waxa dalku soo maray marxalado kala duwan,mararka qaarkoodna isjiijiidad siyaasadeed dhaliyey. Dhacdooyinkan goluhu marnaba dhexdhexaad kamuu noqon oo mar walba waxaad moodaa in golaha ay sameysteen xisbiyada mucaaradku ama uu u xagliyo dhinac.
Dhacdadii ugu xumeyd waxay dhacday maalintii golaha guurtidu u codeynayeen muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa,waxa mudane ka tirsan golaha wakiiladu dagaal gacan ka hadal ah u geystay mudane ka tirsan golaha guurtida.”geela duqaydiisii durdurisay aarankiisana maxaad u malayn?”, meesha mudane baarlamaan oo ah kii shuruucda samaynayey isagu wax feedho ama dhirbaaxo,kii suuqa joogay dariiq soo looma furin uu wuxuu doono samayn karo?

Miisaanka goluhu leeyahay mudanayaasha intooda badani ma fahansana,waxa loo igmaday qaarkood ma garanayaan,waxay u taagan yihiina xataa qaar aan fahansanayn baa laga yaabaa inay jiraan.
Goluhu si uu sharaftiisa iyo sumcaddiisa u ilaashado waxay ahayd inay mudanahaas xilka uu hayo ka xayuubiyaan, si xataa kuwa kale ugu waayo arkaan, oo uga digtoonaadaan inay mustaqbalka falkan oo kale ku kacaan.

Mudanayaal waxaad tihiin muraayaddii mujtamaca idin soo doortay iska dhex arkayey ee fadhiga ka kaca oo waxqabad muuqda isku daya inaad ku talaabsataan,dalkana aad uga samatobixin lahaydeen aafooyinka soo food saara.

Saacadihiina shaqada oo isku celceliskoodu yahay 3 saacadood maalintii, fadlan kordhiya oo gaadhsiiya 8-saacadood maalintii. Xataa wax shaqo aad qabataan hadaanay jirin magaalada dhexdeeda isu qaybiya oo intaad shacabka kaxaysataan qashinka magaalada ka dhex ururiya,waa haddii waxqabadku idinka daacad yahay.

Nin la sugayoow adna yaad sugi. Bulshadii idin soo dooratay indhahooda weli waxba idinkamay arag, ee ma diinkii dabka loo diray baad tihiin?? Mideeya waxqabadkiina,fikradihiina iyo himiladiina si loo hanto hadafka mujtamaceena. Iskana ilaaliya wax kasta oo idiin horseedi kara kala tafaraaruq.
“A house divided against itself cannot stand” Abraham Lincoln.

Wabilaahi tawfiiq.
Soomaaliland guul iyo gobanimo.
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: