CODKAAGA KU CIIL BAX- 9. WARBIXINTA XUQUUQDA AADMIGA EE DAWLADDA MARYAKAN EE SOMALILAND

CODKAAGA KU CIIL BAX- 9. WARBIXINTA XUQUUQDA AADMIGA EE DAWLADDA MARYAKAN EE SOMALILAND

CODKAAGA KU CIIL BAX- 9.
WARBIXINTA XUQUUQDA AADMIGA EE DAWLADDA MARYAKAN EE SOMALILAND

Haddba anigoo dabasocoda maqaalkii hore ee. CODKAAGA KU CIIL BAX -8 : XUQUUQDA MUWAADINKA. Waxa aan manta idiin soo koobi doonaa warbixinta Dawladda Maraykan oo afka Ingiriiska ku qoran aadna u qotodheer. Warbixinta oo ah tu ay dal kasta oo dunida ah ku qiimeeyaan, waxay saldhig u tahay oo laga dareemaa cilaaqadka ay la leedahay iyo halka Maraykan ka joogo dalkaas. Haddaba sida ay u qorantay warbixintu waa mid magaca guud ee Soomaliya ku salaysan, iyadoo taabanaysa Somaliya iyo Somalilandba, oon la kala soocin. Waxaan idiin soo qaatay qaybaha ay si gaar ah iyadoo warbinta guud ka tirsan uga taabatay Soomaliland. Waxayna kuligeed ku fadhidaa xuquuqda muwaadinka ee dawladdu ku tumatay, ha noqoto mid xoriyad fikir ah, mid xisbi ah, mid warbaahin ah, mid banaanbax ah.

Sidoo kale waxay durtay murankii kal hore iyo dib-u-dhaca doorasho oo salka ku haya kordhintii sida sharci darrada ah Madaxweyne ugu kordhiyey Guurtida, iyo sida Guurtidu ugu kordhisay ooy u aragto… AAN KUU XOQEE II XOQ… Hadda waa dhacdooyinkii 2008, kumana jiraan kuwa manta taagan ee milixda ku sii daray nabarkii ilaa kal hore qoomanaa… Aan toos idiinku dhaafo warbixinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykan iyo aragtidooda Soomaliland:

Freedom of Speech and Press

Xorriyad qawlka iyo xorriyadda jaraa’idka

Dastuurka Somaliland waxuu balanqaaday xoriyadda qawlka iyo qoraalka, hase yeeshee waxaa jira in marar badan, hididaad, xadhig, xabsi ayaa lala beegsadaa suxufiyiinta gobal kasta. Hay’adda Freedom House iyo Reporters Without Borders waxay marwalba ka qoreen ku tagrifalka xorriyadda afka iyo qoraalkaba.

Inkasta oo ay jiraan ugu yaraan lix jariidadood oo xor ah, waxa iyana jira laba wargeys oo toddobaadle ah kuna soo baxa afka Ingiriiska iyo jariidad maalinle ah oo dawladdu leedahay, TV dawladdu leedahay iyo laba shacbigu leeyahay, Haddana iyadoo dastuurku si dhab ah u damaanad qaadaayo madaxbanaanida warbaahinta. Dawladda Soomaliland waxay si joogta ah u diiday in la sameeyo idaacad xor ah. Idaacadda keliya ee jirtaa waa mid FM ah oo dawladdu leedahay oo Hargeysa ka dhisan. Maqalkeeduna dhaafin duleedka Hargeysa.

September 17, Abdiqani Ismail Goh ayaa lagu xidhay Laascaanood kolkii sida la sheegay uu dacweeyeey madaxa Somali Red Crescent (SRC) ee Laas canood Dakir Ali Nur isgoo ka booday warbixin lagu qoray mareegaha Internetka kuna saabsan sida loo qaybiyey raashin ay gacanta ku haysay SRC. Waxaa Goh la sii daayey September 22 ayadoon la maxkamadeen tafaasiilna laga bixin.

Freedom of Peaceful Assembly and Association
Xorriyadda Banaanbax Nabadgelyo iyo Urur Samaynta

Warbixintu waxay soo qaadatay sida dastuurku u banaynaayo mudaharaadka iyo isa-soo baxa , iyo sida ay dawladdu u hortaagantay xaqaas dastuuriga ah. Waxayna xustay sida ciidamada loogu adegsado in xoog lagu baajiyo mudaharaadada, taas oo dil iyo dhawacba keentay. Waxay matal u soo qaadatay banaanbaixii April 27ooy ku dhinteen seddex qof iyo July 18, ooy ku dhinteen laba rayid ah dhaawac ilaa 7 qof ah, kolkii rasaas lagaga hortagay dhalinyaro mudaharaadaysay

Freedom of Association

Xoriyadda Urur samaynta

Sidoo kale ayuu dastuurka Soomaliland ballanqaadayaa urur samynta iyo is-abaabulka siyaasadeed. Taas oo jirta ayaa July 2007 waxa xabsiga la dhigay seddex siyaasi oo doonaayey inay urur siyaasi sameeyaan. Waxa la soo daayey December 2007. Waxa Mad. Riyaale sheegay inuu cafis rasmi ah u fidiyey, inkasta ooy ka qayb qaateen diiwaangelinta, lagama tirtirin dembigii hore ee lagu oogay , taasina waxay tuurtay xaqooda siyaasadeed, iyagoon sinnaba siyaasdda uga qayb qaadan doonin oon xisbina isu soo sharixi karin. Waana mid lid ku ah dastuurka.

Prison and Detention Center Conditions

Xabsiyadda iyo xaalkooda

Xaaladda xabsiyadu waa qaar adag oo xataa khatar ku ah nafta maxaabiista. Jeelka Hargeysa oo loo dhisay inuu qaado ugu badnaan 150 qof, ayaa lagu xareeyaa ilaa 700. Cidhiidhi, xaalad xun oo fayo-dhowr , daryeel caafimaad oon jirin, cunto la’aan iyo xumaanba, biyo yaraan iyo xaalad aad u daran dhinaca musqusha iyo maydhashada. Xanuunada TBga, HIVAIDS iyo oof-wareeenku aad ayey ugu baahsan yihiin. Waxa u raacda hab-dhaqan xun ooy kala kulmaan askarta iyo shaqaalaha xabsiyada. Meelo badan waxa raashinka maxaabiistu ka hilaan ehelkooda iyo ururo samofal ah, ee ma siiso xukuumaddu.

Dhinaca ciidamada.

Soomalilaand waxay ku bixisaa miisaaniyadda boqolkiiba 60 waxay ku bixiyaan ciidanka (Militia) iyo booliiska. Inta badan gabood-falka ay ku kacaan booliska iyo ciidanku ma noqdaan qaar la baadho lana xukumo. Waxayna ka dhigtay qaar sharciga ka sareeya . Bolisku waxay guud ahaan ku fashilmeen inay baajiyaan amba ay si nidaamsan uga jawaabaan qaska marar badan ka dhacay bulshada.

GARSOORKA IYO MAXKAMADAHA

Dastuurka Somaliland waxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida Garsoorka, dhab ahaan se ma aha mid wax ka jiraan. Inkasata oo dastuurku mabda’ ahaan ku salaysan yahay mabaa’dida dimuquraadiyadda, haddana waxa lagu shaqeeya qawaaniin duug ah oo mararka qaar si toos ah uga soo horjeeda dimuquraadiyadda.

Waxa jira maxkamado shaqeeya bal se waxa ka jira aqoon darro qotodheer dinaca xukaamta iyo gaabis dhinaca documentiga sharciga si loo helo nidaam garsoor oo caadil ah. Waxa xukaam ka ah boliis aan tababarnayn iyo shaqaale aan aqoon sharci lahayn. Waxa raacda farogelin ka timaada maamulka oo marar badan isticmaala xukunka degdega ah (Public Order Law), taas oo lagu xidho muwaadiniinta iyagoon maxkamad marin

Hay’adaha xuquuqul insaanku waxay ku eedaynayaan in xukuumaddu ay farogelin ku hayso hawl maalmoodkooda iyo inay ka dhex abuurto khilaaf gudahooda ah.

ARRIMAHA SIYAASADDA

2006dii Mad. Riyaale waxuu dib u dhigay doorashada Guriga Guurtida waxuu u kordhiyey mudadii xilka ay hayeen muddo afar sano ah oo kale. Sanadkan (2008) 10 April ayaa haddana dib loo dhigay doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo Madaxtooyada , kuwaas oo kala dhici lahaa July iyo August, markan waxa muddo kordhinta samyey Golaha Guurtida ee hore Madaxweynahu muddada u kordhiyey. Guurtidu waxay muddada xilka ugu kordhisay Madaxweynaha muddo hal sano ah.

Culays iyo farogelin kaga timid bulshada caalamka dabadeed, waxay danwadaagayashu (Stakeholders), isla garteen jadwalka doorashooyinka iyo kan diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo muwaadiniinta Soomaliland ku heliyaan ID. Dhammaadkii sanadka(2008) waxaa si wacan gobolada badankood ku soo dhammaaday diiwaangelinta. Waxaana leysla gartay in doorashada madaxweynahu ku dhacdo 6 April 2009. Ka dibna ay xigto ta Dawladaha Hoose.

December 2007 Waxa la sii daayey seddex siyaasi oo kala ah Mohamed Abdi Gaboose, Mohamed Hashi Elmi, iyo Jamal Aideed Ibrahim kolkay xabsiga ku jireen muddo seddex bilood ah, laguna eedeeyey inay abuureen urur aan sharci ahayn iyo inay abaabuleen nabad darro. Ilaa hadda looma soo celin xaqooda siyaasadeed. Waxay ku guuleysteen inay is-diiwaangeliyaan, bal se looma oggola inay is sharaxaan.

Waxa warbixintu xustay Sanaag Bari iyo Sool ooy ku tilmaantay meel laba maamul isku haystaan, iyo maxaabiis ay Soomaliland sii daysay. Laascaanood oo xarunta gobalka ihi waxay gacanta ugu jirtaa Soomaliland, waxaa jira sida Hay’adaha samafalku sheegeen in ay jiraan ilaa 900 qoys oo ka soo qaxay.

Musuq-maasuqa iyo fur-fur la’aan

Government Corruption and Transparency

Musuqu wuu dhammeeyey laan kasta iyo goob kasta oo dawladda ah, mana jiro sharci xakameeya shaqaalaha ku shaqaysta aafadan hortaagan horu-kaca dhaqaale iyo bulsho meel kasta oo dalka ah. Waxaaba loo arkaa inaan sharciba qaban cidda ku kacda musuqqa. Warbixinta World Bank ee 2008, waxay si cad u tilmaameen sida musuqu ugu fiday nidaamka dawladeed iyo sida uu u ragaadiyey dhaqaalaha, horumarka bulsho iyo sharciba.

Ma jiro sharci waajibinaayaa in wax-qabadka dawladeed ahaado mid ku fadhiya sir la,aan iyo furfurnaan, dadweynaha loo soo bandhigo wax kasta oo magacooda lagu fuliyo, iyo in si caam ah loo helo warbixinta qayb kasta oo dawladeed. Waana mid ka maqan dalka, kana dhigtay la-xisaabtanka dimuquraadiyaddu u baahantay mid aan suurtagal ahayn.

Waxaa warbiixntu taabatay sida ay u cabanayaan ururada aan dawliga ahayn oo xukuumadda ku eedeeya farogelin arrimahooda gudaha sida doorashada hoggaankooda iyo inay isku-dir iyo iska- horkeen ka dhex abuurto ururada iyo maamulkooda.

Waxa kale oo ay xustay inay af-ahaan jiraan Ururada Sahaqaalaha SOLTUO oo la sameeyey 2004, laguna sheego inuu ka kooban yahay 26,000 xubnood , ooy ku jiraan 21 Urur Shaqqle mihniyeed. SOLTUO waxay sheegataa madaxbanaani iyo dimuquraadiyadda, bal se ma jiraan wax dhaqdhaqaaq ah ooy sameysay.

Warbixinta oo aad u dheer ciddii doonaysa inay akhrisato waxay ka helaysaa halkan iyadoo ku qoran af-ingiriis: 2008 Human Rights Reports: Somalia and Somaliland….Part A, 2008 Human Rights Reports: Somalia and Somaliland…Part B, 2008 Human Rights Reports: Somalia and Somaliland…Part C Turjumadda kuma dhama waxii Soomaliland laga qoray, waxaan se u arkaa intani inta ugu muhiimsan. Waxaana kuu cad sida xukuumaddu ay u dilayso sumcadda dalka Soomaliland ooy ku riixayso inay ku biiriso dalalka keliteliska iyo cadaalad darrada ku sifooba. Kuwaasna dabcan waa qaar ka dheer inay xaydaanka bulshada caalamka ku biiraan.

Waxaad ogaataa haddaan dan dhaqaale laga helayn dal, tan keliya ee lagu qiimeeyaa waa kaalinta dalkaasi kaga jiro xuquuqda dadkiisa. Waxa dhammaaday xiligii shuuciyadda iyo reer Galbeed u kala dheereen jireen ictiraafka dalalka oon loo eegi jirin nidaamka ka taliya. Haddaba weynu ognay inaan Soomaliland dhaqaale loo xiganayn, ee ay tahay inaynu iibino nidaam dawladeed oo ku dhisan hab-maamul-wanaag. Maanta xukuumadeenu waa u cadow nidaamkaas. Muwaadin waxa kula gudboon inaad u darbanaato sidii aad codkaaga ku ridi lahayd taliskan nabarka ku noqday himmilada shacbiga halganka dheer soo galay. Waxa se ka horreysa sidii aad u oggolaysiin lahayd in doorasho xor ah oo xalaal ah xilligeeda lagu qabto.

U KAC XAQAAGA MUWAADIN OO NOQO RUUX U HALGAMA INUU HELO FURSAD AAD SILSILADDA NIDAAM-XUMMO EE DALKA KU HABSADAY KA FURTO. FURSAD AAD CODKAAGA KU CIIL BAX. OO FURSAD AAD XAQQA UGU HIILISO, FURSAD AAD MUSUQQA KU DABAR JARTO, FIKRAD KIBIRKA MADAXMARAY HOGGAANKA DALKA SUULISO….WAA XAQQAAGA MUWAADIN XISBI KASTA OOD TAHAY.

WAA ASTAANTA WADANNIMO AHOW UDUB, UCID AMBA KULMIYE…XAQAAGA U TOOS, U HALGAM IDINKOO GACMAHA IS-HAYSTA. HA KU NOQON DALKAAGA MARTI…HOW DHAQMIN SIDAAD TAHAY AJANEBI…YAAN CIDI KAA XIGTEYSAN…LOYACADDA ILAA CEELAAYO WAA DALKAAGA MUWAADIN…

MEEL AAD JOOGTANA WAAD U SIMAN TIHIIN…REER GAAR UMA LEH…GOBAL MA LEH…DEMANA MA LEH…WADAJIR AAN UGU GURMANO XAQQA..SI AAN U GAADHNO HORUMAR BULSHO, DHAQAN IYO DHAQAALE. XAQIIJI XAQQA CODBIXINTA SI AAD CODKAAGA UGU CIIL BAXDO…

Gargaar Soomalilaand

Ahmed Arwo

Cardiff

Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: