CARUURTA RIYAALE SANADKII KUBARTA JAAMACAD 25000£ QOYSKII MUJAHID LIXLE OO KUDAYACAN HARGEYSA

CARUURTA RIYAALE SANADKII KUBARTA JAAMACAD 25000£ QOYSKII MUJAHID LIXLE OO KUDAYACAN HARGEYSA

Caruurta Madaxweyne Riyaale Oo Sanadkii Kubarta Jamacad Kutaala Manchester {25000£- Pound} Iyo Qoskii Mujaahid Lixle oo Kudayacan Hargaysa.

Aduunyadu waa Hadhkaa labadiisa galin wayuhuna way guclay nayaan yaabkuna wuu isdaba socdaa, Hadaad ahayd qaan gaadh ama ay sheeko kuugu timi Maxamed Xaashi Diiriye Lixle, Wuxuu ahaa halgamaa ugod galay xoreynta Shacabkiisa iyo waddankiisa Jamhuuriyada Somaliland isaga iyo qaar badan oo kamidii dhigoodi iyo naftoodii u-hibeeyay sidey kuwa kadanbeeya u helaan nolol dhaanta tay wakhtigaa kusugnayeen, Lixle Alla hownaxariisto geeriduna waa xaq oo cidi madiideyso xabiibkeni Maxamed CSW ayaa ladeynlahaa lakiin waxaa xanuuna oo tiiranya oo qalbijaba marka wuxuu u dhintay ee ugod galay laqiimayn waayo, qofkasta oo joogay wakhtigaa ismuu lahayn Lixle qoyskiisa ayaa Gaajo kuhayn doonta Somaliland oo xora kuwii kasoo horjeedeyna ay maali doonan malka ummadda.

Runtii maha Mujahid Lixle oo qudha Mujahidiinta qoysaskodii kudayacan yahiin Waddankii lakiin waxaa maqaalkan igu kalifay sheeko aan xogbadan uhayo waxay tahay ama aan iswey diiyay Hooyo Ardo diiriye Madar oo dhashay Mujahid Lixle waxaa dhawaan booqdey Warbahinta waddanka ee maxaliga hooyo Ardo Waxay kasheekaysay waxbadan oo naxdin leh waxay sheegtay iney qaadan jirtay guno yar Xiligii Maxamed Xaji Ibrahin Cigaal iyo Mujahid C/raxmaan Aw Cali Farax lakiin xukuummada Riyaale ay kajartay hadana ay tacabsan tahay, Haddaba waxaan isweydiiyay Madaxweynaha Waddanka hada xukuma wuxuu dhalay caruur badan Mansha allah waa deeq alle caruurta Madaxweynahu waxay kunoolayeen Waddanka gudahiisa kahor kursiga uu maanta kufadhiyo sikastaba hakutimadee yadoo loo adeeg sanaayo hantida ummadda masakiinta ayaa lakeenay Qurbaha waxay hada jogaan magaalo ijirta Sacad oo layiraahdo Manchester waxay wax kubartaan Jamacad { private university } lacag dhan 25000£ oo Giniga Engiriiska ah waxaa intaa dheer lacagta losoo Xawilo ee ay kusameystaan { Shopping } ama dukameysiga oo Snadkii dhan 10,000 oo Giniga lacagta Uk ah sidaan kuhelay ilo xogeedyo Xawaladeed waxaa intaa dheer waxaa looyaqaan { Holidays } ama dalxiis lacagta kubaxda oo yaduna dheer.

Haddaba dadka qaar ayaa is oranaya maxaa tolow losheegayaa waxay kharash gareeyaan qoyska Madaxweynaha jawabtu waa waxaa loo sheegayaa marka ummadda wexeedi sidaa loogalaayo Madaxweynuhu wuxuu dalka kamudan yahay sharaf lakiin waa markuu isu yeelo ee xoolaha ummadda iska daayo ee mushahar xalaala qaato ee masakiinta ogaado ee agoomaha ogaado ee kuwa jilicsan ogaado markaa cidina sheegi mayso cidna madabagalayso lakiin waxaa maanta isweydiin leh marka uu ubadkiisina sidaa uga dherginaayo maalka masakiinta Mujahidiinta Waddanka dhiigoodii iyo naftiiba u hibeeyayna ay ku ag bakhtiyayaan allonba og halka loogu caddalad sameyn doono.

Waxaa guntii aan kugebo gebayn doonaa Mudane MadaxWeyne cidina kama hanta iyo boob badnayn Maxamed Siyaad Bare wuxuuse kudanbeeyay in kafantiisa ay bixiso Dawlada Nigeria maal kaa kaga quuso ubadkana kuwii xalaal lagu koriyaa anfac yeesha akhiro iyo aduunba hadaba waxaan ku oran lahaa qoodhey iyo xeradey xaq maha oo xeer maha oo meelna kuma fiicna iney Lixle iyo Mujahid Haybe goodhaadh iyo kunka Mujahid ee kale kugu ag dayacmaan adiguna aad kala doorato aduunka hadba halka uguwacan oo aad ubad kaaga geyso, Hooyo Ardana Waxaan leeyahay hooyo Lixle waa Curadkaagii wana halyeyga halgankii Somaliland oo dhanbaa og oo anagoo ubadkii laxoreeyaa og cisibaad kuwarin isna Alle godku unuurin adi murugo kuguma ahee anagay nagutahay Insha allah waxaa iman Dawlad daryeesha agoomaha Dawlad kawarhaysa Masakiinta Dawlad dadkeeda aan kudul cunin ee waxay yagu cuni lahayeen uradisa Shacabka Somaliland isna waxaan leeyahay Shacabow aduunyada waddankasta wuxuu leeyahay tariikh dadkuna hadanay tariikh lahayn waxba maha mana aha ummadd jirta xasuusnada tariikhdiina oo ogaada dadkii sameeyay tariikhdan ee kenay alle sokadii nabadan maanta iyo qarrankan jira ee dhiigoda u hurey ogadaa kuwa qurbaha kunoolow iyo kuwa guddaha kunoolow iney u dhinteen kun gadhmadoobe iney u hoydeen kun shabaab siduu qarrankani unoqon lahaa mid xora oo jira nasiibkuse waa halkii oo cidii imanaysa ama xukumaysa looma diidayo hadey dariiqa saxdaa marto oo watii shacabka Somaliland isa samaxeen lakiin marka uu dariiqa kabaydho kii lasamaxay ee uu eegi waayo kii midhaha ukenay markas bay talo qaribmaysa.

Muniir Axmed Cigaal

Uk/ Birmingham

E-mail muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: