XASSAN BIIXI DHAFDHAFOOW! MADAXDA IYO DADKA WANAAGSANI MA DEEGAAN GAARAY KA BAXAAN SIDA DHIRTA!

XASSAN BIIXI DHAFDHAFOOW! MADAXDA IYO DADKA WANAAGSANI MA DEEGAAN GAARAY KA BAXAAN SIDA DHIRTA!

XASSAN BIIXI DHAFDHAFOOW! MADAXDA IYO DADKA WANAAGSANI MA DEEGAAN GAARAY KA BAXAAN SIDA DHIRTA!

Waxaan salaamayaa dhamaan mareegaha afka somaliga e bulshada warka ukala tabiya waad mahadsantiin dhamaantin!

Waxaan isku deyayaa in aan si caafimaad iyo ixtiraam ku dheehantay aan u tusaaleeyo walaalkeen xassan biixi (dhaf dhaf)hassan.dhagafdhagaf@yahoo.com! oo markay taariikhdu ahayd may,2,2009 qoraal ciwaankiisu yahay “Guumeysiga Dhaqaale ee riyaale Ku Hayo Beelaha Dhexe,iyo Isku muuqashadooda Beeliba Beesha Kale”Kaas oo qorahu soo sudhay mareegta BAKIPRESS.COM.oo qorahu sida uu tilmaamayo uun aan u fahmay in uu ujeedo calaacal uun xanbaarsan hadana dhankale uga eeg digasho uu ku diganayo cid gaara isagoo aan ka fikirin in dhibtu ay saamayn guud tahay inkaartuna mid dadkoo dhan ku habsatay tahay maamulkan riyaalana aanu cidna.

Hadaba qoraalkaa walaalkeen xassan biixi (dhafdhaf) waxa uu kaga hadlayaa in Riyaale uu shacbiga uu madaxda u yahay qaar ka mida gaar ahaan beelaha dhexe uu si ka baxsan ibnaaadanimada ula dhaqmo isagoo qorahu sheegay in Riyaale bartay beelahaa dhexe in ay aad u caqli iyo dadnimaba xunyiin oo aanay lahayn damiir ina waxuun mar u diida oo ay kaga hor yimaadaan bal qiyaasa dad aan mayada aqoon,Riyaalena uu dhankuu doono u adeegsanayo.Waxa walaalkeen xassan inoo sheegay in uu ku xukumo laalush iyo kaba qaadisnimo dhamaantood waa beelaha dhexe e meesha uu doonana u diro iyagoon isticmaalaynin caqligooda hada waa beelaha dhexoodhan e la soco.Qoraha maqaalku waxa uu maamulka ku koobayaa Riyaale oo qudha

Qorahu waxa uu si aad u fool xun u wacyigelinayaa beelaha dhexe isagaa og halka ay ka bilaabmaan iyo halkay ku dhamaadaane Beelahaas oo dhan ama daacad ha ahaado ama munaafaq isaku xudhaynaya oo digasho wada ha ahaade waxaanu marnaba ka fikirin in maamulka inta haysaa aanay deegaamaday u dhasheen habeen gaadhin wax u qabad daayoo geerina ha noqotee. Waa dhaqan caado u ah hororada is daba joogey ee umadan ayaan daran hor kacaayey ee qayrkood ka reebay ilaa 60-kii!!

“Haddii Alle! kugu afacaayo waxaan isku deyeyaa waano iyo tilmaamo isku dhafan oo aan inaba deel qaaf ku lahay lug ee gacaliye dhegaha iyo indhahaba u fur haday ku afacaan ha jaxaasane dadka sii ehelkana u badi si caafimaadku u baaho oo bal waxaynu wadaagnaa badane u xejino nabada.

Hadaba Xassan Biixi dhafdhafoow ku soo durug xaqiiqada aad u oomantay oo runtii miisaan u jeeli doonta rayiga danbeed cabir is tidhaa ama koley waano caruur aad kula baydho noqoto anaa huba ina ku anfacayso.Ma jiraan wax la yidhaa beelaha dhex,beelaha baalah,iyo beelaha sareba, ama gudbani toona, waaxaynu ognay in aanay jirin wax la yidhaa beesha dhexe oo saamayn ku leh maamulkan axmaqa ah ee Riyaale horkacayo sida aynu la wada socono waxa uu ka kooban yay in danaysato ah oo aan cidnaba metelin haday deegaan tay iyo haday qaran tay ba.Gacaliye Xassanow ma jirto cid lagu eedeeyaa maamulkan karahu barakada ka qaaday ee aan lahay wax loogu xasoosto oo uu u qabtay niyad iyo wadaninimo toona. Waxa kale oo aan jeclay in aad ku soo yara siqdo dhankan iftiinku kaa xigo aan kuu saro meel kaloo sartu ka qudhuntaye.

Deegaankaad doonta ahow waxaan hubaa in cidaad eedaynaysaa iyo adiguba aad daawaha wada saarantiin hada waa kuwaad tuhmayse inay kaa daran yiinbaa laga yaabaa oo dulmigu saamayn hore iyo danbeba ku sameeyey ama ay jeelkaba ugu jiraa xaqdaro.Waxaba xassan biixow jir ku waa ina wada hayaaye buulka kugu xiga daadka waxba ha ku duwin hana eeday aagoon baroor dhamaysatay.Umadan aad bay u dhiban tay waayo maamulkii ay doorteen baa bahal cuna ku noqday kaasina maaha Riyaale oo qudhe waa inta kala shaqaysa xumaanta,cadaalad darida iyo munaafaqada doqoniimada salka ku haysa een garanayn umadbaa idin dooratay oo suurto galisay lacagtan aad uruursateen ee ay ka qatanyiin kuiwii xaqa ulahaa in wax loogu qabto Markaad waanadaa guntiga gashato waxaan kuu hayaa weli tilmaan yaroo kaa dhiman kuna afici doonta hadii Alle kugu calfo.

Waxa ay umadaa dhexe iyo ta guude aynu ka koobanay kaaga baahantay caqli salka ku haya xeerinta guud iyo qaranimada umada reer somaliland iyo rabitaanka danyarta dayacan ee dulinku hiigayo,Gurmad taageero ayay kaa rabaan oo haday tahay cadaalad iyo haday tahay dhaqaale haday tay hororda oo laga rido waxa ay kaaga baahanyiin gurmad degdega waa hadii inuun damiir dubaaxiyaa kugu lamaanyey waayo maanta ma jirto cid aynu leenay maamulka Riyaale ayaa wax u qabtay ama dhaxal u reebay,Waynu la wada soconaa in halkay ka gaadheen boobka iyo qeyril masuulnimada in ay maanta iibinayaan hantidii qaranka school baa maanta hadalku taaganyey berina Musjidbaynu arki hadaan loo gurman dalkii guud ahaan.

Adigu bal Xassanow(dhafdhafow) bal gaar u faqoo madaxda wanaagsani iyo dadka wanaagsan ee aan caqliga gaabnaynin ma deegaan gaaray ka baxaan si da dhirata,oo aad ogtay waayo se cida maanta ka fayow fadhatada iyo boobka maamulkan Riyaale ee umadii is weydiinayso inaba in maamul noocan ah dunida soo maray.

Runtiina maanta xaalada dalku marayaa waaynu wada aragnaa waxa halkaa geeyayna waa kooxo aan mar naba xeerinayni wixii loo doortay jecela isa seega iyo isku jabka danyarta si ay u kororsadaan cimrigooda xaaraan uruursiga ah.Waxaan ka waaninayaa dhamaan dadka danta ka leh dalka iyo dadkaba in ay ka feejignaadaan mu’amaradaha shilinku horkacayo ee aan inaba shaqada ku lahayn ibna aadanimo,Dadkeenu waxay maanta u baahanyiin maamul cadliya oo ka sima dhegeysiga baahiyahooda,dayactirka danyarta kuna dhaqa rabitaankooda mudada dheer laga hoos qaadi waayey.

Xassan Biixi Dhafdhafow. Gacaliy waxaa aan kaaga tagayaa adiga iyo inta hadafkaa tuhunka iyo hubsiimo la’aanta salka ku haya aaminsani ee hadana jecel dadkooda iyo dalkoodaba in Alle ina garansiiyo xaqa iyo cadaalada. Waxaan kugu dhaafayaa saafaf murtiya oo uu inoo dhigay Abwaan hadraawi ee itaalkaa feeno.Runtii waxa uu inaga mudan yey qadarin iyo maamuus Abwaan Hadraawi.Sawirka uu tilmamayaa waxa u si cad u taabanayaa eedaymaha walaalkeen xassan saaray beelaha dhexe.

“ANBA TIB CULUSIYO TUKUBAAN SITAA OO KUMA TAAGNI LUGAHEE HAYGU TIIRSAN LAANGADHE”

Amiin D. Caynaashe
Columbus,Ohio USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: