HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA, LIXLOOW GU’GA MAANTA, LA SOO HADHIN GUUSHA!!!……..

HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA, LIXLOOW GU’GA MAANTA, LA SOO HADHIN GUUSHA!!!……..

HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA, LIXLOOW GU’GA MAANTA, LA SOO HADHIN GUUSHA!!!……..

Tan iyo markii dalkan dib loogu soo laabtay 1991, waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid waliba waayaheeda wadatay, hase ahaatee xusuus iyo ma hadho reebtay haday ahaan lahayd farxad iyo murugo.

Marka intaasi laga soo tago waxaynu maalin walba aragnaa wax ina murugo galiya, oo ka soo yeedhaya baahida balaadhan ama mugga weyn ee haysata shacbi weynihii dalkan lahaa, gaar ahaan ehelada intii mudnayd in la xuso oo taariikhdooda baal dahab ah lagu qoro.

Walaalayaal haddaan u soo gudo dhaco waxyaabaha igu kalifay in aan qoro eraydan kooban waxa aan akhriyay waraysi tiiraanyo badan oo I xasuusiyay maalmihii 1988 iyo wakhtiyadii kale ee la midka ahaa,.

Waraysiga waxa laga soo qaaday HOOYO ARDO DIIRIYE MADAR!.

Hadaba waa Tuma HOOYO ARDO?

Hooyo Ardo waa hooyo u goblantay ama u wayday wiilkeedii qiimiga badnaa difaaciddii iyo u halgamiddii dalkan Somali land, waa Hooyo ay haboonayd manta in ay ku jirto Qasriga madaxtooyada oo ay ka taliso, waa Hooyo garanaysa qiimaha ay leedahay Somali land iyo in rag dhiigoodii u soo daadsheen.

Hooyo Ardo waa hooyo macaantii dhashay Mujaahidkii, Xaqq u dirirka ahaa, Difaacihii dalkan, geesigii naftiisa u waayay Somaliland Mujaahid Lixle ilaahay ha u naxariisto oo iilka neecaw qabow iyo haku siiyo naruuro.

Waa wax laga yalaalugoodu diifta ka muuqata hooyo Ardo, ummad dhan oo aan ogeyn halka masiirkeedu yahay waa wax iyana laga yalaalugoodo, Hooyo ardo dhibkan in uu haystana waa wax Alllah qoray isagaana ka saari kara, waayo markuu Allah wiilkeeda ka qaaday wuu ogaa in ay leedahay rabbi kaalmaynaya oo og xaalad kastay oo ay ku sugan tahay.

Laakiin xukuumada maanta dalka ka jirta way ogaan doonaan adduun iyo aakhiraba beehoofka haysta dadka danyarta ah ee dalka ku nool…..Allah waa jiraa, ragna waa joogaa.

Hooyo ardo ii samir!!!!….. haddii 1984 ay tagtay waxa iman doona kuwo kale oo ah 2084, waayo taariikhdu way soo noqotaa, iyada ayaana Isa soo celi.

Dulmiguna ma waaro oo waa wixii maalintaas wiilkaagu uu ka dhiidhiyay.

Hooyo Ardo ii samir!!! Waayo Dalka waxa uu gacanta u galay intii aan xaqqa u lahayn in ay maamusho, Cabdiraxmaan Tolwaa iyo inta kale ee garanaysa qiimaha uu lahaa wiilkaagii xaqq u dirirka ahaa way joogaan, Somali land Rabbi way leedahay Ragna waa u joogaa.

Hooyo Ardo ii samir, ma dhiman wiilkaagii, quluubteena ayuu ku nool yahay isaga iyo intii la hal maashayba! Laakiin hooyo dunidu way is badashay illaa xad ayay is bedeshay oo raggi gobbanimada dhaliyay ee abaal kaaga garan lahaa geed hoostii ayaa dhaxantu ku dishay oo guryo ay galaan ma haystaa, iyaga ayaa u baahan in la taageero oo la xasuusto!!!

Hooyo Ardo ii samir!! Wali weedhahan ma iloobin” HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA, LIXLOOW GUGA MAANTA, LA SOO HADHIN GUUSHA!!!……..

Hooyo ardo ii samir dhalintii dalkan lahayd ee garanaysay xaqqiisu way soo socdaan, waana wakhtigii inta caqliga lihi ay u tashan lahayd dalkan iyo aayihiisa.

Hooyo Ardo ii samir!!! Kuwa maanta talada hayaa way gabeen doorkii ay lahaayeen. Ummadeenana ceel na uma qodna cidina uma maqna haddaan is bedel iman….laakiin Rabbi waa jiraa ragna waa joogaa!!

Bedweynta dulmiga ah ee uu dalkeenu dhex dabaalanayana waa ay dhamaanaysaa, xaqqa iyo inta u diriraysa ayaa isu soo hadhi, halgankii maalintii 1984 uu wiilkaagu ku geeriyooday wuu socdaa isaga oo waji kale leh maanta, dalkuna wuxuu u baahan yahay in la xoreeyo oo lagu xoreeyo qalin caaradii maaha xabbad.

Hooyo Ardo ii samir Gaariye ma dhiman, wali waa u banaantahay fursadii uu ku tiring lahaa Deelay uu kaga hadlayo xaqqa dadan iyo dulmiga baahsan, iyo ixtiraam la’aanta haysata inta tabaalaysan, gaar ahaan inta marka ay aragto dulmiga, cadaawada, doqonimada iyo ayaan darrada ka jirta geyigeena oo dhan xasuusanaysa wixii ay u naf waayeen ubadkoodii ay jeclaayeen.

Hooyo Ardo ii samir!!! Waxaan rajaynayaa inta maanta akhriday warbixintaada iyo intii hore xaalkaaga u ogeydba in ay xasuusan doonaan, qiimeyn na doonaan wanaagii iyo halgan kii dheeraa ee Lixle ilaahay ha u naxariisto isaga iyo kuwii kale ee dalka u nafwaayay.

Talo waxaan u jeedinayaa qoladii SNM gaar ahaan inta maanta wax tari karta ama eegi karta dadkii qiimiga badnaa ee dalkan u halgamay in ay xasuustaan oo niyada ku hayaan saaxiibadoodii kale ee maanta ciidda ku hoos jira.

Haddii berigii dulmi laga dagaalamayna, maanta isaga oo si kale ah ayuu u jiraa. May ahayn Lixle hooyadii in ay maanta ku ashkatooto in beertii laga qaadiyo ama dhulkeedii dad kale duulaan ku yihiin, Allah waa jiraa, ragna waa joogaan, se bal aragnee halka ay ku danbayn.

Xassan Cismaan Muxumed

Rustenburg

South Africa

Xasan02@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: