DOORASHOOYINKU DHIB IYO DHEEFBA WAA U LEEYIHIIN SHACBKA SOMALILAND QAYBTII 8AAD

DOORASHOOYINKU DHIB IYO DHEEFBA WAA U LEEYIHIIN SHACBKA SOMALILAND QAYBTII 8AAD
Doorshooyinku dhib iyo dheefba waa u leeyihiin Shacabka Somaliland
Qaybtii 8aad

Xanuunka loo yaqaan Xumada Doorashooyinka:-

Mar kasta waxaad ogaataan in howlaha Doorashooyinku ay yihiin howlo aad iyo aad u dhib badan,marka laga hadlayo qarashka ku baxaya iyo howsha la qabanayo lafteeda,waxaad markasta maskaxda ku haysaa Doorashooyin ka dhacay wadan yar oo aan AQOONSANSI dhaqaale iyo mid siyaasadeedba weli aan helin ,kuna yaala Qaarada Afrika sida ay ugu dhib badan tahay howshaasi.Waxaa iyana muhiim ah in aad ogaato in Doorashooyinkii Somaliland hore u soo maray, in aan wax dhibaato ahi ka dhicin,kuwa soo socdana sidaas oo kale ayaan u rajaynayaa reer Somaliland.

Xumada Doorashadu waa xunuun bilwada markasta oo ay soo dhowaadaan Doorashooyinka kala duwan ee ka qabsooma Somaliland. Waa Xumad mar marka qaarkood gaadha in ay shaqsiyaad miyir doorsoomaan,ma jirto Daawo aan ka ahayn in Doorashooyinku qabsoomaan oo ay leedahay xanuunka Xumada doorashooyinka.

Doorashooyinku way kala Xumad badan yihiin,tan ugu Xumada kululina waa Doorashada Madaxtooyada oo maanta calaamadaheeda si fiican cid kastaaba u arki karto. Waa tan ugu kulul,waa tan ugu howsha badan tahay Daaweynteedu.

Marar badan oo aan isku degay in aan ogaado cida wax qaban karta xanuunka xumada doorashooyinka ,ayaan waxaan ku ogaaday in ay yihiin G.Doorashooyinka iyo shacabka oo keliya,Dawada keliyana ee ay u hayaan-na waa iyadoo la cayimo maalinta Doorashada iyo shacabka oo codkoodda bixiya.

Xanuun kasta oo jira wuxuu leeyahay calaamado lagu garto marka uu ku soo hayo,haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qaar ka mid ah calaamadaha lagu garto Xumada doorashooyinku marka ay ku soo hayso,waxaana ugu muhiimsan:-

1. Waa in aad Urur samaysataa,si aad ugu gorgortan,amase aad Xil iyo xoolo mid uun ugu hesho.Ururada ilaa hadda aynu maqalay magacoodana waxaa ka mid ah Qaran,UDHIS iyo UDHIG oo dhamaantood ay iska leeyihiin shaqsiyaad aan filayo in ay iska dhego iyo indho tirayaan Shuruucda uu dalku leeyahay.

2. Waa in magaca Ururka aad samaysatay lagu arkaa Saxaafada Xorta ah,waa in aad maran badan shir Jaraaid qabataa ,dhaliilo badana ka sheegta Xukuumada iyo shaqsiyaad ka ka tirsan Madaxda sare ee Xukuumada,ugu dambeyntana waa in aad ku dhawaaqdaa in aad cid uun heshiis kala saxeexateen kuna biirteen.

3. Waa in aad isu sharaxdaa Xilal sare,oo laga yaqaabi in ay kugu dhib badan tahay qabashadoodu ,lagana yaabo in ay kugu yartahay aqoontoota iyo waayo aragnimada aad u leedahay Xilka aad isu sharaxayso.

4. Waxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto Xumada Doorashooyinka qaylada Xisbiyada Mucaaridka ah oo circa isku shareerta,inta badana waa qaylo aan waxba ka jirin laakiin la doonayo in lagu helo taageerayaal cusub.

5. Shirar Jaraaid oo aad u fara badan,Tv-da,Radiyaha-Wargeysyada iyo Webside-da dhamaantood, mid kasta oo aad Isha mariso waxaad ku arkaysaa shir Jaraaid oo maanta lagu qabtay mid ka mid ah Hotel-da Hargeysa.

6. Dhexdhexaadin aad u badan oo aad had iyo jeer maqasho,sababtoo ah kooxda dhexdhexaadinta wadaa iyaga laftoodu waxay doonayaa in ay meel uun ka soo galaan howsha socota amase ay ka dhexmuuqdaan muranka Siyaasadeed ee markaa taagan magacooduna waa “kooxda dhexdhexaadinta.”

7. Xisbi ka bixid iyo ku biirid Xisbi,waa dhaqhdaqaaq Siyaasadeed oo bilowda markasta oo Doorashooyinku soo dhowaadaan,inta badana ujeedada ugu muhiimsani waa xil iyo xoolo mid uun in lagu helo.

8. Waxaa la arkaa xilliga ay soo dhowaato Doorashadu shaqsiyaad tiro badan oo had iyo goor aflegaado ku baahinaya qalabka warbaahinta,waxay u badan yihiin shaqsiyaad Xilkii ummadda hore looga xayuubiyey,hadaladoodana waxaa ugu muhiimsan “anigu waan fiicanahay laakiin hebel baa xun”,dhaliilshooduna waa mid ku salaysan “xadho ka kacday xil ka qaadis”.

9. Saxaafada ayaa ka mid calaamadaha lagu garto Xumada Doorashooyinka oo waxaa abuurma tiro tii hore ka badan oo Saxaafad ah, sida Tv-yada,Radiyaha,Joormalada iyo Webside-da.

10. Waxaa la arkaa xilliga ay Doorashooyinku soo dhow yihiin BEEN abuur fara badan oo laga samaynayo Xukuumada ,waxaana tusalle fiican u “ISKUULADII AYAA LA IIBIYEY”,ujeedada laga leeyahayna waa uun isku dhufasho shacabka iyo Xukuumada.

Hadal iyo dhamaan Xumada Doorashooyinka waxaa daawo u ah codbixiyayaasha ,waxay dhamaataa maalinta ay Doorashooyinku qabsoomaan inkastoo daalka ka dhasha Xumada Doorashooyinka mudo loo sii jiifi karto.

—–Lasoco qaybta 9aad iyo ololaha Doorashooyinka—–

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: