ANIGOO AH MUWAADIN U DHASHAY JSL WAXAAN DOONAYAA IN AAN WAX KA CADEEYO ARIMAHA JAALIYADA NORWAY

ANIGOO AH MUWAADIN U DHASHAY JSL WAXAAN DOONAYAA IN AAN WAX KA CADEEYO ARIMAHA JAALIYADA NORWAY

ANIGOO AH MUWAADIN U DHASHAY JSL WAXAAN DOONAYAA IN AAN WAX KA CADEEYO ARIMAHA JAALIYADA NORWAY

Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland,waxa aan doonayaa in aan halkan ku cadeeyo sida ay wax uga jiraan arimaha jaaliyada Norway.Inta aanan taas dhex gelin waxa aan marka hore salaan qiimo iyo qaayo badan oo aan lasoo koobi karin u dirayaa tafatiraha dada yar ee daadihiya websateka ramaasnews Mudane Fadal, intaas kadib waxa aan doonayaa in aan dib ugu noqdo arimaha Jaaliyada Norway. Waxa aan doonayaa in aan runta ka sheego, waxa laga warwareegayona taabto, Jaaliyada waxa hore u hayn jiray xubno dhexdhexaad ah in kasta oo lagu kala tirin jiray xisbiyada UDUB iyo UCID.
Waa Mudane Kuriya oo meel fiicana gaadhsiiyey Jaaliyada waxana aad loogu xaman jiray in uu gacan saar la leeyahay xisbiga talada haya ee UDUB, halka mudane Said oo ka danbeeayayna aad loogu xaman jiray in uu gacan saar la leeyahay xisbiga UCID in kasta oo raga u dhuun daloola siyaasada Norway ay xaqiijinayaan in ay labadaaas xisbi kala taageersanaayen labada guddoomiye ee hore. Arintu kolkii ay halkaas marayso ayaa xisbiga Kulmiye oo taageerayaashiisu yihiin beel weynta Habarjeclo oo aad ugu badan dalka Norway ay geed dheer iyo mid gaabanba u galeen sidii ay xukunkaas Jaaliyada u qabsan lahaayeen, waxa ay geliyeen waqti badan iyo maal badan.
Waana ta u suurta gelisay in ay ku guulaystaan in ay qabtaan hogaanka Jaaliyada Somaliland ee Norway. Dad badan oo aan ku jiraa waxa ay aad u taageersanaayeen in loo dhiibo xukunka, ileyn waa kuwan intaas oo dhan wiida hayee, La hubsayoo goroyo haad bay noqotay, waxa aad aragtaan sida ay ka dhigeen jaaliyadii Somaliland ee Norway waana ta aan ka baqayo in ay ka dhigaan Kulmiye Somaliland.
Ninka doonaya in uu u codeeyo Kulmiyow eeg sida geesna loogu saari kari layay Norway.
Waxa dhamaan dadka reer Norway isku raacsan yihiin kolkii ay talada hayeen labada guddoomiye ee hore ayay Jaaliyada Somaliland ee Norway jirtay haddase waa magac, waana xarunta Kumiye ee Norway.

Mohamed Saleebaan Mahamed
mahamedsalaabaanmahamed@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: