MUNIIROW SHEEKADA JAALIYADA OSLO MA AHA SIDA KULMIYE IYO UDUB

MUNIIROW SHEEKADA JAALIYADA OSLO MA AHA SIDA KULMIYE IYO UDUB

MUNIIROW SHEEKADA JAALIYADA OSLO MA AHA SIDA KULMIYE IYO UDUB

Munirow sheekada Jaaliyada Oslo ma aha Sida Kulmiye iyo Udub.

Salaan ayaan salaamaya dadka akhyaarta ah ee akhrista maqaalkana iyo mareegaha sii daaya ee ogaalada in la akhristaba.

Waxaa jirta in maanta dadka Somaliyed ay ku dhacdey asqo aan la qiyaasi karin, asqaadaas ama ambashaadaas waxaa u sabab ah isaga oo qokastaaba faraha la galey wax aanu garanynin ama aanu aqoonba u laheyn. Ma dhib badana maanta iney qofka u suuro gasho in innta uu sawir iska soo qaado in ku feegaro ama uu wax ku soo qoro meelaha ama mareegaha ay Somalidu akhrirsato balse waxaa dhib badan in qofku uu soo jeediyo ama rayal caamka u soo gudbiyo wax cuntami kara. Xaajaduna waxey noqotey geel ba`ow horta yaa ku leh.

Waxaa jirta Jaaliyad ku taala dalka Norway gaar ahaan magaalada Oslo jaaliyadaas oo iska leeyihiin dadka degan Dalka Norway ee u dhashey dalka aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Jaaliyadaas oo sida dadka reer Somaliland lagu yaqaano ama u caadada ah uu xilkeedu meerto yahey, ayaa waxaa xiligan aynu ku jiro xilkeeda gacanta ku haya, ninka la yidhaa Husein Adan Adib oo ah nin mawaadin ah oo u dhashey Somaliland. Xilkaa uu Husein hayo waxa dhaliisa iyo waxqabadkiisaba ka war haya dadka degan Dalka Norway gaar ahaan Oslo. Waxaa hadaba jirtey in dhawaan uu Gudoomiye Cadib wareysi siiyey shebakada wararka Ee Raamasnews.com wareysigaas oo Husein ku sheegay ama ku faaney iney jiraan wax uu qabtey intii uu xilka Jaaliyada hayey.

Hadaba aniga oo ka mida dadka Degan Magaalada Oslo kana mida dadka xubinta ka ah Jaaliyada Somaliland ayaa waxaan qoraal aan u direy warbaahinta ku beeniyey guushaa uu Husein sheegtay, anigoo taa badelkeeda sheegey in magacii jaaliyada iyo jiritaankeediba ay jar dheer ka lushaan.

Sida dhaqanka Somalida ee yooyootanka iyo dafiraada ka sameysani uu dhigayo, waan filayey in qoraalkeyga cabasho ka timaado ama ay dad arintaa diidani ka soo jawaaban oo xag jir ahi ay isa soo maqiiqaan, jawaabtaas oo aan ka filayey dad xogogaal ah oo degan Dalkan Norway. Waxaa hadaba layaab noqotey markii aan arkey nin magaciisa ku sheegey Muniir oo degan dalka UK gaar ahaan magaalada Birmigham oo isagu hadal Golaa ka fuula oo aan hubsasho laheyn ku soo maguuujiyey meelaha la akhristo.

Marka hore sida uu sheegay wiilka Muniir isma naqaano, lakiin hadii dhan kale ka soo akhriyo anigu waan aqaana waxaanan ku aqaana inuu yahey nin inta badan si indha la`aan iyo cadiifad qabiilnimo ku jirto u tageera Xisbiga wadaniga ah ee Kulmiye, muniir oo inta badan arimahaa ku caana ayaa waxaan la yaabey waxa soo dhex galiyey ka hadalka Jaaliyada Norway. Waxaan is idhi talow wiilku miyuu sahwiyey, Mise kud iyo candhoba dishey hadii sumadaba lagu arko, gar iyo gardaraba waa lagu raacaya oo waa loo dhiimanaya.

Malaha Muniir oo cadho iyo hiil ka muuqdo ayaa waxa uu soo qaadey iney i hayso cadho ka kacdey Mukhyaada Jaaliyada Oslo oo in mudo aan haystey. Taas waxa aan kaga jawaabi karaa jawaab kooban oo ah. Muniir anigu nin Ganacsade ayaan ahaa waaney jirtey in Mukhyaada Jaaliyada aan haystey, intii aan haysteyna waa 3da bilood ee kaliya ee Mukhayaada Jaaliyada Oslo ay noqotey meel camiran, sababtii aan uga tahey iyo sidii ay wax ahaayeen ama markii danbe noqdeena waxaa ku haboon inuu ka qisoodo af aan keyga aheyn balse ku yaala dadkii xogogaalka ahaa, gaar ahaan waxaa mudan iney ka hadlaan dadkii sheekada wax ka ogaa ama sameysay sida ninkii Mukhyaada laga qaadey ee Ina Xaaji Oktoober oo imika jooga welina aan cidi ka xaal marin gabood falkii lagu sameyey.

Dhan kale waaan ku noqon lahaa Muniir oo ku doodey in shaqada Gudoomiyaha Jaaliyada Oslo ay tahey inuu qadiyada Somaliland gaadhsiyo dawlada Norway. Taasi hadii aan la is yeelyelayn wax jira ma aha waxaana ka muuqata badownimo weyn. Jaaliyad group ama dad isku wadan ka yimid ay ku leeyin dal qalaad macnaeedu ama hawlaha ay u taagan tahey waxaa ka mida.

1. Iney ka shaqeyso isku xidhka dadka dalkaa degan
2. Iney sameyso aabaabusho hawl maalmeedyo ay dhalinyadarada ama dayarta soo kaceysa ee dagen wadanmada qalaadi kaga mashquul mashaakilka uu leeyay qurbuhu, siiba xilayada ay firaaqada ama fasaxyada haystaan.
3. In Jaaliyadu isha ku hayso wax u qabadka dadka dhibaatooyinku kala kulma nidaamka ka jirta dalka ay ku nool yihiin, sida kuwa sharciyada loo diido, kuwa caruurahooda lagu qabsado, kuwa bilaa guryaha ku dhaca iyo dhamaan inta iskood isu dabeir kari weyda.

Waxaa wax lala yaabo in la yidhaa qof urur yar oo dawlada Norway laga sharicgareeyey inuu caawiyo dadka ku dhibaatooda dalka Gudihiisa ayaa Dawlada Norway kala xaajooyanaya Citiraafka Somaliland. Sida lawada og yahey waxaa ka jira Dalka Norway Xafiis Sharicya oo uu joogo Safiir ama wakiil Hoosed Dalwada Somaliland u magaacaabtey Dalka Norway xafiiskaaas waxaa maamula Mr Mohamed Liilan oo lawada yaqaano.

Damicga iyo dhaqanka Somalida ayaa ah in hiil indha la`aana la hiiliyo balse waxaa jirta in hiilka laftiisa birmageydo loo yeelo oo loo meel dayo, hadii aan loo meel dayina waxaa dhici karta oo imikaba dhacda in Karis xun iyana ay wax ku weydo.

Waxaan hadlkii ku soo xidhayaa Muniirow mala waad Asqowdee ama waad gole ka fashuu Mukhayaada iyo Jaaliyada Somaliland ee Oslo ma aha qadiyad la mida ta dhex taala Xisbiga Kulmiyo iyo Xisbiga haya talada dalka Somaliland ee UDUB. Waxaana fiican inaad iska jirto inaad ka jawaabto ama ku dhex milanto sheeko kasta oo dhex marta nin Sumada leh iyo qof kale oo isaga laftiisu aan meel dheer ka iman.

Alla mahad leh

Qalinkii

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: