MAGAC MAAL IYO MANSAB HA KU RAADIN QAAB BEELEED EE MASKAXDAADA MAAL…

MAGAC MAAL IYO MANSAB HA KU RAADIN QAAB BEELEED EE MASKAXDAADA MAAL…

MAGAC MAAL IYO MANSAB HA KU RAADIN QAAB BEELEED EE MASKAXDAADA MAAL…

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta Soomaaliland iyo akhristayaashooda.
Waxa dhowaan shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa gudoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga mucaaradka Kulmiye Mr. Cabdi Cabdi Faarax.
Masuulkani wuxuu ku talaxtegay oo dhulka jiiday karaamadii iyo sharaftii beel dhan oo ka mid ah beelaha waaweyn ee Soomaaliland, beeshaas oo Cabdi Cabdi sheegtay inuu kasoo jeedo,(Beeshaas oo ah Beesha habar-yoonis waa sida uu hadalka u dhigaye) inkastoo uu yahay shaqsigii ugu horeeyey ee ay aabihii isku magac yihiin ee sheegta inuu beeshan kasoo jeedo.
Beryahan dambe waxa wax lala yaabo noqotay in shaqsiyaad mansab,magac,maal iyo dano kale oo u gaar ah raadinayaa ay ku hadlaan magac beeleed. Shaqsiyaadkaas waxaan uga digayaa inay ku hadlaan magac beel dhan oo aanay metelin, masuulna ka ahayn.Saaxiibayaal magaciina ku hadla. Magaca beesha waxa ku hadli kara oo keliya salaadiinta loo igmaday.

Mudane Cabdi Cabdi wuxuu hadalkiisa ku sheegay in xukuumadda Soomaaliland beesha Habar-yoonis kala qaybinayso,hadalkaas oo ah hadal aan loo meel dayin oo layska yidhi. Beeshani wax shaki ah oo ku kala dhex jira iyaga iyo beelaha kale ee Soomaaliland ma jiro.Cidday doonto way la shiri kartaa beeshu,iyadoon cida uga soo fasax qaadaneyn.Qofka fartu ku godan tahay ee laga shakisan yahay waa adiga.Waayo? waxa gudoomiye ku-xigeenka 20-aad oo mansab jira aan ahayn laguugu magacaabay waa inaad Habar-yoonis xuduudo kala dhexdhigto, taasina ma dhacayso,beeshuna mar walba meesha danteeda iyo tan Soomaaliland ku jirto ayay taageeraysaa.
Markaa waxaan ku leeyahay Cabdi Cabdiyoow maandhe waxaad tahay nin daad qaaday xumbo xuskay ee adiga iyo saaxiibkaa Gaboose beesha magaceeda kuma hadli kartaan mana meteshaan ee danahiina kale raacda.
Gaboosena waxaan leeyahay mabaad dhalane dhowrteeysan ogidaa maandhe. Shalay baad kusoo biirtay Kulmiye laba wiig gudohoodna waxaad abaabushay inqilaab inaad ku samaysaan adiga iyo saaxiibkaa Muuse Biixi, saaxiibka idin soo dhoweeyey waa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyoe.
Ishiisa laga arkaa ushiisa lala dhacaaye mar hore ayay ahayd inuu odaygu iska kiin arko,markaad kolba shir qarsoodi ah guri ku abaabuleyseen.
Baadida ninbaa kula daydaya,daalna kaabadine
oo inaad heshana aan doonahayn daayin abidkaaye.
Haddii Gudoomiye siilaanyo weydiiyey su,aal ahayd inay shaqsiyaadkani abaabulayeen howlo ka dhan ah isaga oo xilka gudoomiyenimo lagaga xayuubinayo, waxay ahayd inay ama sida Muuse Biixi aamuska ku jawaabaan ama aanay magacyo beelo iyo xukuumad cay la shir iman.
Mar labaad waxaan uga digayaa inaan shaqsiyaad dano gaar ah wataa ku hadli karin magac beeleed, beeshay doontaba ha ahaatee.
Mucaarad iyo muxaafidna waxaan kula talinayaa in laga waantoobo qaab-beeleysiga la siyaasadeeyey oo lala yimaado qorshe wax qabad oo lagu kasban karo taageerayaal.
Qarniyaal badan oo tegey ayaynu kusoo jirney reer qudhac iyo reer qansax haddii meel lagu gaadhayo,waxaan dibudhac iyo burbur ahayan kamaynaan faa,idin, marka waa inaynu u bislaanaa waqtiga isbedelaya ee aynu kaga guurnay qabiil uguna hayaamayno dariiqa dheer ee aynu ku hiigsanayno inaynu reerka ku furno meel barwaaqo ah, oo muwaadin kastaa ku faano magaca Somaliland nation, taasna waxaynu ku gaadhi karnaa inagoo nidaamka aan qaadanay ee habka xisbiyada badan kaga dhabayna, oo xisbiyada u taageerna mabdi’iyan iyo balanqaadyada tuuladaadu ama degmadaadu ama gobolkaad degan tahay ka helo xisbiyada, balse aan ku taageerin qabiil.

Guul Soomaaliland.
Qalinki:saed salahi
saedsalah09@hotmail.com

Leave a comment