MA JIRAA WAX QABADKA UU SHEEGTEY GUDOOMIYAHA GUDOOMIYAHA JAALIYADA SOMALILAND EE DALKA NORWAY

MA JIRAA WAX QABADKA UU SHEEGTEY GUDOOMIYAHA GUDOOMIYAHA JAALIYADA SOMALILAND EE DALKA NORWAY

MA JIRAA WAX QABADKA UU SHEEGTEY GUDOOMIYAHA GUDOOMIYAHA JAALIYADA SOMALILAND EE DALKA NORWAY

Bismilaahi raxmaani rixiim.

Waxaan salaamaya dhamaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan inta akhrista maqaalkan aan kaga hadlayo weraysiga ay shabkada Ramaasnews ka qaadey ama ay la yeelatey Gudoomiya Jaaliyada Somaliland ee Norway Husein Aadan Cabib. Wareysigaas oo uu gudoomiyaha ka qaadey tafatiraha sare ee shebakada Ramaasnews mudane Abdirisak Fadal.

Sababta aan wareysiga uga hadlayo ayaa waxa ay tahey isaga oo Gudoomiyahe Cadib sheegtey inuu wax badan ka qabtey ama ku soo kordhiyey intii uu hayey xilkaa Jaaliyada Sland ee Norway-Oslo.

Horta inta aan laga hadal wax qabad iyo waxqabad la`aan waxaa ka horeysa xaq ma tahey in laga hadlo ama wax laga qoro guul iyo guul daro wixii uu keenay ninkaa odeyga ahi?. Jawaabta su`aasheedu waa haa, mar hadii uu xil umadeed hayo waxaa qabanaya xeerka odhanaya qof xil loo dhiibey wuxuu xaq u leeyay in la sheego guul iyo duul daro wixii uu soo kordhiyey. Nin durbaan qaatey ilaaq dalbey!!!!.

Waxaa hadaba is weydiintu tahey ma jirtaa wax uu qabtey Gudoomiye Cadib intii uu xilkaa hayey?. Hadiise aanu waxba qaban ma jirtaa in jaaliyadu mareyso ugu yaraan heerkii ay mareysay markii uu xilka kala wareegey Sicid Mohamed Amin mudo hada laga joogo sanad iyo dheeraad.

Jawaabaha suaalaha oo is barkani waa kuwan ee ka bogo qofkii u bukow. Ma jirto wax uu qabtey Ina Aadan Cadib, iska daa wax uu qabto`e Albaabada ayuu isugu dhuftey Jaaliyada reer Sland ay ku leeyihiin dalka Norway, oo la aasaasey muda hada laga joogo 30 sano, imikana mareysa heer ay ku dhawdahey in la yidhaa beri bey jaaliyadi jirtey.

Fashilaadaasi Husein ma aha mid ku timid mucaaradad ka hor timid iyo cid xilka kula loolantey oo taako u dhigtey toona, balse waa mid ku timid shaqsiyadiisa oo aan u bislayn iney wax maamusho iyo isaga oo markiisa horeba xilka u qabtey inuu hanti ka helo, basle aan u qaban inuu kor u qaado sucmada Jaaliyada reer Somaliland ee dalkan Norway.

Wareysiga Husien uu siiyey shebakada wararka ee Ramaasnews oo aad halkan ka dhegaysan karto http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=704 waxaa uu ku sheegay inuu waxbadan qabtey, isaga oo wax qabadkiisa sheegayana waxa uu yidhi. Waxaan Dawlada Norway gaadhsiiyey Qadiyada Somaliland. Arintaasi waxaa ka muuqata in Husein aanu aheyn wax kale oo uu jeebka kala soo bixi karo, waayo ma jirto cid u diratey inuu Qadiyada Somaliland dawlada Norway u sheego, waxaana jirta in Norway ay taqaaney hortii Somaliland. Dhan kale waxaa jirta inuu jiro Xafiis sharicya oo Dawlada Somaliland u qaabilsan dalka Norway kaas oo shaqadiisu tahey inuu dawlada Norway kala xaajoodo wixii ku saabsan Somaliland.

Isaga oo Husein mar kale sheegaya guulaha uu gaadhey waxa uu ku sheegey iney malcaamadi ka furan tahey Jaaliyada. Ma wax weyn in Malcaamad Norway laga furtaa xaafad kasta oo Oslo ku taalana waxey leeday maalcaamad yar oo caruuraha la isugu geeyo.

Husein waxa wareysigiisa ka maquuta is difaacid iyo inuu la wareegay jaaliyad xidhmaysay, wey jirtey in jaaliyada ay dhaqaalo daro hasytey markii uu Husein la wareegey balse waxaan berigaa jirin oo imika jira niyad jab badan oo dadka u hayaan jaaliyada kaas oo aan markii hore jirin.

Hadii aan soo qaato laba qodob oo arintaa cadeyna kuwaas oo aanu waliba Gudoomiye Husein ifka iyo aakhiro midna ku dafiri karin ayaa waxaan akhristaha ugu sheegi lahaa labadaa qodob.

1.Husein waa gudoomiyii u horeeyay ee jaaliyada Somaliland, madbakheeda ama meeshada cuntada lagu iibiyo yeesha, isaga hortiina mey dhicin dabadiina ma dhici doonto sida aan filayo.

2.Dhamaan xubnihii Husein xilkaa jaaliyada la wadaagayey waxey si cad u sheegeen iney faraha ka qaadeen xilkii loo dhaariyey ka dib markii ay la shaqeyn kari waayeen Gudoomiyaha oo diidey in xubnahaasi ay gudtaan .

Waxaan qoraalkeyga ku soo gababeynaya talo aan u soo jeedinayo inaadeerkey Husein Adan Adib, taladaas oo ah inuu mudada yar ee xilka ugu hadhey ka faa`iideysto isuguna yeedho odayaasha iyo dadka aqoonta leh ee dagen Norway gaar ahaan Oslo, si loo qaato qaaciido ama dariiq lagu badbaadinayo in aaney Jaaliyadu meesha ka bixin marka Mudane Husein ay mudada ka dhamaato, waxaa laga yaabaa hadii uu sidaa yeelo Gudoomiyuhu in mustaqablka ku faani karo inuu ka tagey Jaaliyadii oo shaqeynaysa, hadiise Jaaliyadu xidhanto waxaa raaci doona magac aan weligii ka hadhin.

Allow eex ma tiraabani aqoon haygu cadaabin.

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: