DOOLOW WAXAAD KU DAFIRAYSO GUDOOMIYAHA JAALIYADA NORWAY WAA CADHO MAQAAXI KA KACDAY

DOOLOW WAXAAD KU DAFIRAYSO GUDOOMIYAHA JAALIYADA NORWAY WAA CADHO MAQAAXI KA KACDAY

DOOLOW WAXAAD KU DAFIRAYSO GUDOOMIYAHA JAALIYADA NORWAY WAA CADHO MAQAAXI KA KACDAY

Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway Waa Cadho Maqaaxi Ka-Kacdey.

Majecli Jawaabta dhaqan kaygana maha lakiin waxaan qalinka uqaatay salugaan maqaal saluugay oo uu qoray odeyga magaciisa kusheegay Osmaan Omar Dool oo uu kaga hadlaayo Jaliyada Norway, Waxaan Fasax kutagay Waddanka Norway muddo hada lagajoogo dhowr bilood anoo boqdey Casimada Oslo.

Runtii Shacabka Somaliland ee kudhaqan Waddankaa Norway waxaan oran karaa waa Shacab isoo galiyay jacayl Wadanimo way isku duuban yahiin waxaan kusifeyn kara jaliyadaha isugu warhaynta badan Qurbaha.

Hadaan usoo noqdo Maqaalkii Mr Dool Wuxuu weraray Gudoomiyaha Jaliyada Mr Huseen Adan Cabdib anigu madegeni waddanka Norway aqoon shakhsina umalihi Huseen Cadib lakiin Waxaan qiri karaa-uun Markaan boqdey waxaan lakulmay, Jaliyada Norway sidaan kor kusoo shegay way shaqeysa jaliyada Norway waxay leedahay dhamaan Guddiyadii kala hoseyay ee hab maamul laha waxaa runtii hogaamiya rag markaa igu muuqdey iney fahmeen dhaqanka iyo xadaarada kajirta waddankay kunool yahiin, Waxay leedahay jaliyadu meelo lagu kulmo badana waxaa lagu xantaa bulsha kuhadasha afka Somaaliga bulsho aan isku warhayn oo waddamada ay dageen kujooga qaab kala daadsani badani kujirto hadaba Waddanka Norway Jaliyadiisa waxaa iga muuqdey Shacab badi isku warhaya majirto miisaniyad lagu caawiyo jaliyada lakiin siduu iisheegay Aqoon yahan Mustafe Adan Garas oo kamida wax garadka degen Waddanka Norway waxay wax kufuliyaan hadba wixii hawlaa ee kuyimada qaab dhamaan ay kaqayb qataan jaliyadu.

Mudane Dool wuxuu shegay in anay Huseen Cadib shaqadiisa ahayn inuu qadiyada Qarrankeena kadhaa dhiciyo Dawlada Norway wayabe waxaanu fahmin Mr Dool inuu yahay Qarranka Somaliland Waddan aan aqoonsi haysan taas badalkeedu uu yahay iney waajib kutahay qof kasta oo rer Somaliland ah inuu u tabliiqeyo qadiyada Waddankiisa, Huseena uu kamid yahay Shacabka Somaliland waliba haya xilka Jaliyada, Waxaa kaloo uu Mudane Dool kahadlay arrin sidaan warka kuhayo isaga gocanaysa oo ah Meheradey leedahay Jaliyada Somaliland oo marka shir ama isu imatin kaleba jiro lagu dabshito lakiiin uu wakhti wakhtiyada kamida Mudane Dool shaqo ahaan ama qaab { Business } ah uu isagu isyiri kadhig lakiin ay socon waydey anigu ogaalkay mahayo meelu Gudoomiyaha Jaliyadu kumin qaxweeyay kumana arag intaan joogay hadaba Waxaan uqaatay uun arrinta Dool midey keentay Cadho ka-kacdey maqaaxida Jaliyda, Waxaanse kacodsan laha Dool horta Dolow mid ogow anigu xitaa waxkale iskadaayo isma naqaano Guddomiyaha jaliyada lakiin dhaliishu waxay fiican tahay markay tahay mid aan meel gocanayn ama meel xoqanayn.

Waxaad noqotaa kawax dhisa hanoqon mid marka uu meesha dantiisa shakhsiga kawaayo dhaliisha ladul fuula anigu waxaan degenay Waddanka Engiriiska runta hadaan sheego waan majiirtay jaliyadaaan kusoo arkay Norway iyo sidey u’shaqeynay say Waxayna ila muuqdeen Odayasha iyo wax garadkaan arkay kolay rag aan Guddomiyaha kudooran karti daro waayo yaga xul ahaa

Dhamaan Shacabka Somaliland meelu joogaba haguuleysto

Muniir Axmed Cigaal

Uk/ Birmingham

E-mail muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: