CAJIIB MA DAWLADA QAXOONTIGII DIBADA KA JOOGAY HAYSATAA AAGOON AG LAABAN EEGI OO DANAYN!!

CAJIIB MA DAWLADA QAXOONTIGII DIBADA KA JOOGAY HAYSATAA AAGOON AG LAABAN EEGI OO DANAYN!!

CAJIIB MA DAWLADA QAXOONTIGII DIBADA KA JOOGAY HAYSATAA AAGOON AG LAABAN EEGI OO DANAYN!!

Dawladnimadu Maynaga Wadnaa Mise Waxaan La sheegeynbaa Jira..
Mudaba waxa wergeysyada qulqulayey waraaqo aan xanbaarsanay xigmad iyo ujeedo toona oo aad ka dareemi karto uun adaa igu yidhi iyo mayee hebelbuu ahaa ku biyo shubanaya ficil xuna ah oo yimaada umada dhexdeeda, Oo aad moodo in ay dhex marayso rag xil dawladed in ay hayaan sheeganaya iyo xubno shacbiga ka mida oo Qaxoonti ku ah dalal aanay u dhalan gaar ahaan USA oo runtii ay marti uga yihiin Nin Ceelkuu u qoday dadkiisa ka waraabinaya daba fadhiya,Oo ka martiyayaan Aqoon,Aduun iyo Nabadgelyo. Hadaba Dawladii in ay maanta dhibaatadaa dadkeeda ka saarto la sugayey ma waxay u soo dhigatay in ay colaad iyo kala qaybin ay kula kacdo dadkeedii hiilka uga baahnaa ee ulanayey in ay maruun ka baxaan gacan hoorsiga. Ay ka martiyayaan wiill qayrkooda taasna ay sababeen ragan maanta sheeganay Rugcadadiga cashuurtuun leegi.

Hadaba umadyey Xusbigan xalaashaday hantidii garanka ee Udub oo markuu si walba u hiigay cashuurtii hooyada milicda la fadhida caanaha iyo illaha dhaqaale ee kale, Ee waliba si badheedha ugu tuntay nidaamkii dawladnimo ee aynu wadda kulaalaynay dhamaanteen ayaa maanta waxa si badheedha u soo faro galiyeen bulshadii ku dhaqnayd qurbaha ee iyaga ka sugaysayu in ay u sameeyaan xasilooni iyo horu mar ay kaga maarmaan martida ubadkoodii ku qaan gaadheen kuna soo noqdaan dalkooda hooyo.

Waxa ay mudo dhaweyd oo ahayd markii uu Dr.Gaboose yimi USA, Ayaa Dawlda Riyaale ay ollole aan caqliyan iyo cilmiyanba salka aan ku haynin ay ku soo qaaday dhalin yaradii reerahooda liita biilinayey ee eryanayay shaqada.Halkaas oo ay barasho horle iyo jujuub,Qoor qabasho ah ay ku magacaabeen xubno aanay horeba isu aqoon iyagoo dareenkooda fooraraa tusayo in ay cidii mucaaridka ah ee timaada USA ay daba gal, Xagxagasho iyo basaasid la dabo fadhiistaan ayna waraabsheen sida casharka. Runtiina dhalinyaradaasi waxay hore u ahayeen asxaabta mucaaradka ee joogtaysa tilmaanta iyo maamul sixida. Balse way taxliil qaboojeen waxay u sheegeenba oo waxay si aan caadi ahayn u jideeyaan waxay shalay caaridayeen.Waana arin illaa masuuliyiin waaweyni ku dhaqanto sida Cali Guray oo ahaa mucaarid xag jira balse dhawaan si asluub iyo degenaansho ku dheehantay hoos ugu dhawaaqay muxaafid isagoon sheegin in waxa uu mucaaridka ku ahaa in laga daayey iyo in uu dulimiga dib u caashaqay toona.

Maanta waxa xaalad xumi ay ka dhex oogantay dhalin yaradii ay mashquuliyeen ama shaqooyinkoodii ku seegay u ololaynta maamulka liita ee sii ciiraya ee uu hor kacayo Riyaale iyo inta u adeegta ee cashuurtuun ku foogane.Waxa hadaba cad in sidii nidaam dawladed ahaan jiray aanu ahayn sifaha aynu aragnaa,Waxaad moodaa in maxkamad i ay laba dilaal u gar qaadayso markaad aragto eedaymaha iys dabo joogaa ee laysku celcelinayaa.Dawlada oo uu dilaal ka yahay Gudoomiyaha Xusbiga UDUB Jamac Yasin ayaa la soo hadlay waa sida riwaayadu u socote Mr Budle waa inan danyar u xamaasha oo degen minesote halkaas oo ay weydiinayaan sidii shariifka oo ah Wassiirka maliyada Somaliya ay ugu kulmi lahayeen minesote kuna falaqayn lahayeen sidii Dawladaa muruqya goosatay loogu dari lahaa koonfur waa sida ridamku u dhacayo.

Waxa hadaba is weydiin leh meeye maamulkii dawlada ee xukun maroorsiga iyo xeeladaha soo jireenka ah lahaa..?Meeye se dublumaasiyiintii caanka ahaa ee hawlahan in ay suurto galiyaan looga baqayey…? Wassiirada iyo NNS tii garaada goysey ma BUDLE ayay u marayaa Midaynta..?.Filimaayo in xaalad caynkaasi ay marnaba dhacayso.Waa arin dangaara uun ka aloosantay dabadeed sidii caadada ahay sawaxankii iyo salalkii ku oloosmay.Maaha in wasiiradu xilka umada loo doortay ay wax walba siyaasad moodaan cidii ay la kulmaana ay u arkaan in maamulka ay la wadaagto.

Waa arin aan caqli fayow aan soo marin marka aynu taa ku fikiro, Waana arin tuhunkii inaga qaadaysa laynaga qabay waa wax aan haboonayn in ay itaal kasta ha lahaato dawladu iyo mucaaridka qaadaa dhigayaan arintan dhiciska ah. Waa arin aan fiicnayn hadal haynteeda iyo sii wadwadkeedu.Waxaan kula talinayaa cidii ku foogan qoraalada aan muujinayni wax wanaagasan in ay joojiyaan una bedelaan mucaaradadooda sidii kale ee umada dan u ah, Maamulkan Riyaale ee cashuur salooladka ahna halooga taliyo umada bal si loo xadido dhibaatada joogtada ah ee umada haysa. Waxa ka weyn is eedayn iyo been caadaysiga in xal loo helo dhalin yarada ku jabaysa tahriibta ee waalidkii dhalay cashuurta loo xidhayo loona hatigayo.

Waxa haboon in xilka laga joogo ama lagu joogoo sidiisa loo fuliyo,Lagana feejignaado in marka wax si noqdaan afka gacanta la gashadoo illaa fidhiciladii laga waramo.. Ma fiicna in ay caado u noqoto cidii xil hayasa ama laga qaadaa ee loo garan waayaa maaha in ay xabaalaha caroog la fuulaan.llahay haynaga daweeyo xil doonka iyo cashuur ku selelka.

Amiin Dahir
Columbus,Ohio

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: