Laga-barayba Laga-badi….Dilalka Qorshaysan iyo Ugaadhsiga Lagu Hayo Shabaab-ka ..

Laga-barayba Laga-badi….Dilalka Qorshaysan iyo Ugaadhsiga Lagu Hayo Shabaab-ka ..
Laga-barayba Laga-badi….Dilalka Qorshaysan iyo Ugaadhsiga Lagu Hayo Shabaab-ka Oo Si Xawli Ah Uga Socda Muqdisho.

27-kii April ayaa Dhegta dhiiga loo daray Dhagar-qabe la odhan jiray Hassan Tabliiq oo Shabaabka u Qaabilasanaa bixinta lacagaha la-duldhigo dadka markaa la doonaayo in Qudha-laga-jaro ama la laynaayo.Shalay oo ay ahayd 30-kii April ayaa iyana waxa Madaxa Rasaas lagala dhacay oo loo dilay sidii ay shabaabku waxa u dili-jireen ee Gaadmada ahayd laba xubnood oo tirsanaa Shabaabka Muqdisho Joogay.

Warka ka imanaaya Muqdisho ee sheegaaya sida Shabaabka loo laayey ayaa u qoraa sidan….Waxa Maanta Suuqa Bakaaraha qaybta Timirta lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaabka qaybta uu hogaaminaayo Mukhtaar Roobow oo ku been abuurta Magaca ah Sheikh Abu-Mansuur, Dilkan oo ay gaysteen 3 nin oo ku hubayasnaa Bistoolado ayaa la sheegya in ay baxsadeen kadib markii ay dilkaas Fuliyeen,waxa kale oo isla maanta duhurkii isna lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan Shababka.

Warar hordhac ah ayaa tibaaxaaya in labada nin ee la dilay mid magaciisa lagu soo gaabiyey Mukhtaar Gadhweyne, waxa aanu ka soo jeeda Beelaha Raxanweyn wuxuuna ka tirsanaa Horjoogayaasha Shababka ee Suuqa Bakaaraha, Meherad ganacsi ayuu ku lahaa gudaha suuqaas. Argagixisada Shabaabka oo banaystay dhiiga dadka Somaliyeed ee Islaamka ah ayaa iminka iyaga Dhegta Dhiiga loo darayaa meel kasta oo laga helo.

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: