WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND MA WAXA AY ARDAYADA BARTAA IN DADKU DAAYEER KA YIMI???????

WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND MA WAXA AY ARDAYADA BARTAA IN DADKU DAAYEER KA YIMI???????

WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND MA WAXA AY ARDAYADA BARTAA IN DADKU DAAYEER KA YIMI???????

Maan jeclayn in an qalinka u qaato dhaliilista wasaarada waxbarashada oo dawlada masuul uga ah arrimaha waxbarashada, laakiin maadaama oo aanan xidhiidh toos ah lahayn masuuliyiinta wasaarada waxbarashada ee mawduucani khuseeyo waxa an jeclaystay in aan saxaafada u sii mariyo.

Sideedaba marka manhaj la samaynayo waxa la sameeyaa manhaj ku habboon diinta, dhaqanka, iyo caqiidada ummada manhajka loo samaynayo. Tusaale ahaan manhajka loogu talogalay dal Kiristan ahi kuma habboona dalalka Islaamka ah, waayo waxa ku jira waxyaabo ka hor imanaya diinta Islaamka.

Haddaba dalka Somaliland waa dal ay ummadiisu 100-kiiba 100 ummad Islaam ah tahay, waxaana manhajka u sameeya wasaarada waxbarashada Somaliland oo waxqadkeedu dhaliil iyo ammaanba leeyahay.

Gafafka ku jira buugaagta ay daabacaday Wasaarada waxbarashadu waxa ka mid ahaa sawirkii muujinayay Nabi Maxamed oo adhi la jooga, kuna yaallay buuga maadada tarbiyada Islaamiga eel fasalka koowaad eel dugsiga hoosem sawirkani waxa uu sababay in gabi ahaanba la mamnuuco faafinta nuqulada buugaas.

Qaladyo kale ayaan iyagana arkay, waxaana ka mid ah qalad aad u fool xun oo ku jira manhajka Somaliland, gaar ahaana maadada Biology-ga eel loogu talogalay fasalka labaad eel dugsiga sare (From two).

Cutubka uu qaladkani ku jiro, waxa loogu talogalay in laga dhigo buugga uu magaciisu ayah ‘Bilogy First’ eel ay qoreen Goerge Bethel iyo David Coppock oo ay daabacday Oxford.

Cutubkan oo uu magaciisu ayah ‘Patterns of inheritance’, kuna yaalla xaashiyaha 76-88 ee buugaas ka mid ah aragtida loo yaqaano ‘Evolution’ oo sheegaysa in dadku asal ahaan ka yimaadeen daanyeer, waxaana ku dhex sawiran saynisyahankii aragtidaas keenay ee Charles Darwin.

Xaashiyaha cutubkani waxa ay qoraal ahaan iyo sawir ahaanba ku muujinayaan nooleeyalaal daanyeero ahaa oo dad isu badalaya, oo markii hore lahaa dhogor, waji daanyeer, kuna socon jiray afar lugood, aakhirkiina la leeyahay waxa ay isu badaleen daanyeeradaasi, dadkan hadda nool.

Sideedaba waa xaaraan maqdac ah in mawduuca evolution-ka lagu daro manhajka Somaliland, waayo waa aragtisa si toos ah u burinaysa in Ilaahay ka abuuray bani Aadamka dhoobo. Aqoon yahan badan oo ah Reer galbeedka qudhooduna fikirkan waa ay ka biyo diideen.

Inkasta oo manhajka wasaarada waxbarashada Somaliland eel maadada Biology-ga ay sameeyeen aqoon-yahano reer Somaliland, nin ay habari dhashay hal ma seegi waydo e, mamduucani waa mid ilduuf ama badheedh toos ah ku yimi manhajka dhexdiisa, waajibna ay tahay in looga saaro manhajka sida ugu dhakhsaha badan.

La soco qormooyin kale oo aan ugu talogalay in lagu toosiyo qaladaadka ku jira manhajka wasaarada waxbarashada Somaliland.

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”.

002522 2 4428604

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: