SHACBIGA S/LAND IYO SIYAASIYIINTOODA FARQIGA U DHAXEEYA

SHACBIGA S/LAND IYO SIYAASIYIINTOODA FARQIGA U DHAXEEYA

SHACBIGA S/LAND IYO SIYAASIYIINTOODA FARQIGA U DHAXEEYA

shacbiga somaliland markaad xoog u indhadhayso qaabka wadaniyada ee ay somaliland u jecel yihiin
runtii waxaa kuu soo baxaaya sawir aad u fiican.
dadka reer somaliland waa dad jecel dalkooda ayaguna is jecel ..
waxaad arkaysaa sanadkasta xaflado sanadguuro oo daafaha aduunka laga dhigo,
waxaad arkaysaa dhalinyaro badan iyo dad waayeela oo calanka somaliland wada sita oo aad u qiiraysan .
xataa waxaad arkaysaa caruur yar yar oo xafladaha la keenayo waliba ilaa waqti danbe halkaa ka qayb qaadanaya dabaaldaga iyo sanadguurada loo qabto somaliland sanadkasta bisha 18 may.

dalka gudihiisa markaad eegto
dadku aad bay u shaqaysataan , dhismayaasha dalka laga hirgaliyay way badan yihiin
waxa la gada dhisay huteelo iyo resturent waawayn oo dalxiiska loogu talo galay.
waxa dadku samaystay warshado kuwaas oo sameeya waxyaabo kala duwan
dhinaca beeraha iyo waxsoosaarka kale ayaa aad dadku u samaystay.
dhinaca NABADGALYADA IYO AMAANKA IYO WADA NOOLAANSHAHA ayaa shacabku aad u jecel yahay.
runtii shacabka somaliland waa shacab aad u dadaal badan

balse markaad usoo daadagto dhinaca siyaasada waxaad is odhanaysaa tolow yaa kuwan meeshaba uga carara.
xiqdi iyo cuqdad iyo xaasidnimo iyo naxli huursan ayaa dhex jiifa raga siyaasiyiinta calooshooda.
tan iyo maalinti shacbiga somaliland la taagay waxaa markasta dhankooda ka liita waa dhinaca siyaasada.
nabadgalya iyo degenaanshaha raga siyaasiyiinta ayaga qiimo uguma fadhido waxaanad moodaa inay jecel yihiin QASKA IYO QALALAASAHA

lama odhan karo maamuladii kala duwanaa ee soo maray somaliland waxba may qaban , taa ma odhan karno
maamulka hada joogana ma odhan karno sidoo kale waxba may qaban.
waa xaqiiq inay jiraan hawlo badan iyo horumar badan oo ay qabteen.
balse waxaa jira hagrasho badan oo ay arkayaan waxna aanay jeclayn inay ka qabtaan.
waxa jira danbiyo badan iyo dulmi ka jira dalka gudihiisa oo aan si habsamiya
wax looga qaban.
adigoon wax waynba soo qaadan kaliya hadaad hal qodob oo kuwa ugu hooseeya ah , aad soo qaadato sida tusaale ahaan

hadaad maanta nin isku qabsataan guri ama jago ama shay kale
akhristoow waxa ninkastaba dhinaciisa uu bixinayaa laaluush iyo kharash la odhanayo anagaa kiiska kuu hagaajinayna.
adna waaa lagaa qaadayaa , ka kalana waa laga qaadayaa.
waa qaacido dhan oo rag ku shaqaysto kuna taajiray ilaa imikana socota
kiiskaasina wuxuu soconaayo mudo , kadibna kiinii ku adkaada ama laaluush bata ayaa gurigii la siinayaa ama jagadii la siinayaa.
arinkani waa kuwa xaqiiqda ah ee ka jira gudaha dalka

hadaba tamar yaraanta raga siyaasiyiinta waaad aragtaa maantoo kale oo dalku ku jiro xaalad murugsan , in aan hadana wax talo iyo arina aanay isla hayn.
maxaa yeelay waa rag CUQDAD IYO NAXLI dhex jiifo.
waxaan markaa aaminsanahay in shacbiga somalilamnd iyo siyaasiyiintood aanay ahayn laba isu qalma .
BY: Siciid Cabdi Dheen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: