MAXAAD KA OGTAHAY SABABTA LOOGU BIXIYEY IMAAMKA WEYN EE ABUU XANIIFA MAGACA ABU XANIIFA???

MAXAAD KA OGTAHAY SABABTA LOOGU BIXIYEY IMAAMKA WEYN EE ABUU XANIIFA MAGACA ABU XANIIFA???

MAXAAD KA OGTAHAY SABABTA LOOGU BIXIYEY IMAAMKA WEYN EE ABUU XANIIFA MAGACA ABU XANIIFA???

Imaamka magiciisa rasmiga ah wuxuu ahaa Nucman Ibn Thabit Ibn Zuta Ibn Marzuban, hase ahaatee wuxuu caan ku yahay Abu Xaniifa, oo ah Aabihii Xaniifa. Hadaba xaguu ka yimid magacaas ama kunyadaas caanka ah?

Sheekha ayaa maalin waxay waydiiyeen ardaydiisa waxa keenay in loo diido haweenka inay guursadaan afar nin sida ragaba logu baneeyay inay guursadaan afar haween ah. Sheekha ayaa ka jawaabay balse jawaabtii ayaa qancin waysay ardaydiisii. Kadib ayay gabartiisa oo la dhihi jiray Xaniifa ku tiri aabaheed, “Aabo, aniga ayaa ka jawaabi su’aashaasi ee taariikhdaada meel ada ma ka heli karaa? ” Haa ayuu ku jawaabay. Kadib ayay tiri afar haween ah haloo yeero oo dhamaantood wada nuujinaya caruur. Baaldi wayn ayaana la keenay, kadib afartii haween ayay u kala dhiibtay koobab, kuna amartay inay caanahooda naaska ka socdo ku shubaan. Haweenkii ayaa naaskooda ka keenay caano, kuna shubay koobabkii. Kadib ayay caanihii kuwada shubtay baaldigii waynaa. Markaas ayay dadkii meesha joogay ku tiri: “iminka, caanaha kala saaro oo naag walbo inti ay shubtay haloo celiyo.” Dadkii ayaa sheegay inaysan macquul ahayn, caanihii afarta haweenka ahna ay isku darsameen. Kadib ayay tiri:

“Marka hadii haweenka loo ogalaado inay afar nin guursadaan, waxaa dhici inuu nin walbo biyo ku shubto minkeeda, (sida baaldigan oo kale), kadib la kala garan waayo cidii canuga iska lahayd.” Aabaheed ayaa jawaabtii la dhacay, kadib la baxay “Abu Xaniifa”. Maalintaas kadib Imam Nucman Ibn Thabit waxaa loo yaqaanay Al-Imam Abu Xaniifa.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: