MARAKIIBTA CAWIL IYO RIYAALE KU SEXEEXANYIHIIN EE LAGU HAYSTO LAASQORAY.

MARAKIIBTA CAWIL IYO RIYAALE KU SEXEEXANYIHIIN EE LAGU HAYSTO LAASQORAY.

MARAAKIIBTA CAWIL & RIYAALE KU SEXEEXAN YIHIIN EE LAGU HAYSTO LAASQORAY.

Shacabka Somaliland ma ka raali baa in riyaale iyo cawil u sexeexaan marakiibta dawlada maser in ay ka kaluumaysato xeebaha Somaliland?

Waxa wax laga naxo ah oo wax laga damqado ah in ay soo baxayaan cadaymo sheegaya in dawlada riyaale heshiisyo la gashay markiib shisheeye si ay uga iibiyaan ilihii dhaqaale ee dihinaa oo kolkaa hantidu ku dhacdo jeebka cawil iyo riyaale.

Sadex markab ayaa lagu haystaa xeebta Somaliland ee laasqoray. Laba markab waxa laga leeyahay dalka maser, waxa leh marakiibtan company kaluumaysi oo masaari ah. Haddaba maraakiibtan masaarida ah waxa la cadaynayaa oo ay cadaynayaan dad reer laas qoray ah oo xog ogaal u ah arimaha marakiibtaasi iyo xaaladoodu. Waxay sheegeen in warqado ay haystaan marakiibta masaaridu. Waxay marakiibtu ku sugnaayeen xeebaha Somaliland muddo 6 bilood ah.Muddadan waxay ku hawlanayeen kaluumaysi. Waxa ku sexeexan warqadaha ay sitaan marakiibtu Wasiirka maaliyada Cawil.

Waxa la sheegayaa in marakiibtan ay Cawil iyo Riyaale heshiis ku yihiin oo ay ka iibsadeen in ay ka kaluumaystaan xeebaha Somaliland. Waxa warar kale oo aan ka soo xigtay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in ay dhawr markab oo emaraat ku leeyahay ay ku jiraan biyaha Somaliland kuwaasi oo la sheegayo in sidoo kale ay sexeex iyo heshiis kaluumaysi ka wataan Daahir Riyaale Kaahin iyo Cawil.

Waxa wararkan laga soo ogaan karaa oo xogta dhabta ah haya dadka ree laasqoray ee waliba siyaasada aadka ugu dhuunta daloola isla markaana xog ogaalka u ah burcad badeeda xeebaha Somaliland ku haysata marakiibta masaarida ah.

Qalinkii Fu’aad Ismaciil Cumar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: