CIDII AAN ISYEELYEELAYNINI WAA OGYIHIIN SABABAHA KEENAY IN AY DOORASHOOYINKU DIB U DHACEEN

CIDII AAN ISYEELYEELAYNINI WAA OGYIHIIN SABABAHA KEENAY IN AY DOORASHOOYINKU DIB U DHACEEN
WARSAXAAFEED

Xafiiska Abdi M. Saleiman(Mingiste)

Manchester

abdi_saleiman@hotmail.com

(Cidii aan isyeelyeelaynini waa ogyihiin sababaha keenay in ay Doorashooyinka Madaxtooyadu dib ugu dheceen).

Ka dib markaan arkay muranka ku saabsan howlaha Doorashooyinka Madaxtooyada ee beryahan ka jira Somaliland, oo runtii aan si fiican uga dheregsanahay sababaha keenay,ayaan wxaan gartay in aan soo saaro Warsaxaafadeenka:-

Waxaa haboon in marka hore Cilmi baadhis dhab ah lagu sameeyo xaalada guud ee Xilliga ay ku beegan tahay Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland,waxaa fiican in si gaar ah loo eego amase la tixgeliya Bisha RABADAANTA iyo Xaaladaha guud reer guuraaga iyo Cimilada ku beegan bisha ay qabsoomayaan Doorashooyinka Madaxtooyada.

Waxaa haboon in dhexdhexaadintu noqoto mid dhexdhexaad ah,loo siman yahay oo aan cidna dhinaca saarin,balse si dhab ah u eegta howsha balaadhan ee Doorashooyinka.

Waxaa haboon in aan maalin kasta laga hadal dhexdhexaadin balse meel lagu tiiriyo arimaha Doorashooyinka,loona daayo cidii loo igmaday,mana haboona in maalinba koox cusubi tidhaahdo anaga ayaa idin dhexdhexaadinayna.

Waxaa haboon in cid kastaaba aqoonsato in Doorashooyinka ay dib u dhigeen duruufo adag oo dalka ka dhacay,sida Qaraxyadii,Diiwaangelintii,Deeq bixiyayaasha iyo dhamaan arimaha kale ee aynu ka wada dheragsanahay,haddii aan layska Indho tirayn.

Waxaa haboon in aan laga hadal oo keliya Doorashooyinka Madaxtooyada ee laga hadlo Doorashooyinkii Deegaanka ee xilligoodii dhamaaday iyo kuwa Baarlamaanka ee xilligoodii soo dhow yahay.

Waxaa haboon in laga hadlo meelna lagu hubsado, lana cadeeyo shuurcda dalka u taala iyo cida xaq u leh in ay Go,aamiso xilliga ay Dalka Doorashooyinka Madaxtooyadu ka qabsoomayaan.

Waxaa haboon in Mucaaridku ay aqoonsadaan in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka ay bedeli karaan oo keliya lamaane kale oo la soo doortay,xataa haddii ay Doorashooyinka Madaxtooyadu ay ka dib dhaco Xilligeeda.

Waxay aaminsanahay:-

1. In meesha laga saaro gebi ahaanba kooxaha Ururada sheeganaya sida Qaran iyo UDHIS oo aan qabo in ay yihiin kooxo xil doon ah,wax talo iyo ka hadalna kuma laha arimaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo mid kale toona.

2. Waa in gabi ahaanba la joojiyaa ,talaabo sharciyana laga qaadaa shaqsiyaadka ku faafinayaan qalabka war baahinta iyo Ururada ajanebiga ah dacaayadaha raqiiska ah ee lagu waxyeelaynayo Qaranimada iyo sumcada shacabka Somaliland.

3. Waxaa qabaa in dhexdhexaadinta , dhegaysiga muranka aan sharciga ahayn ay keeni karto dhibaato soo noqnota,balse waxaa haboon in shuruucda dalka lagu dhaqmo,cidii ka hortimaadana lagu qaado talaabo sharci ah.

Ugu dambeyn waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan Qaranimadooda,Nabadooda iyo Shuruucdooda ,cid kasta oo ka hortimaadana ay talaabo sharci ah ka qaadaan.

ALLAA MAHAD LEH.

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: