UCID WAA INNA SHACBI EE MAAHA INA UDUB KALATUUROW

UCID WAA INNA SHACBI EE MAAHA INA UDUB KALATUUROW
Alla Mahadle Mar Hadii UCID, KULMIYE tusay hilinkii toosnaa tababarna ugu furay sidii LEXEJECLADA shacbiga iyo dalkaba loo dhaqan gelinlaa

Aflagaadiyo Quudhiwaa noqoy caydii iyo fadeexadayntii kulmiya iyo taageerayaashiisu la daba socdeen UCID iyo madaxdiisa qiimaha iyo ixtiraamaka mudan.Shalay ahayd qoraaladii ay website-yada iyo jara’iidada lagu xardhayey ee lagu eedaynayey daacadnimada iyo nabad jacaylka uu umadiisa heeganka ula yey.Waxa arin lala yaabo ah guulaha iyo wanaaga uu UCID iyo Guddoomiyaha Eng- Faisal Cali Waraabe ay mushtamacooda u qabtaan oo laga dhigo qaar aan wax kasoo qaad ahayn ama aan la sheegi karin. Waxa kale oo iyana wax lala yaabo ah in wax qabadkiisii lagu tilmaamo qolyo kale oo aan sharciyan aan waafaqsanay Dastuurka iyo nidaamka dawladnimo ee aynu leenay waa UDHIS oo aan u arko wada lugeed ka baydhay wadadii weyneyd taasina waxay ku geysaa REER meel yaal umana baahnin taa maanta oo waynu ka soo gudubnay.

UCID,Maaha in wanaaga iyo dadaalka uu leeyey xusbigu lagala baydho mahad celinteeda iyo dhiiri gelinteedaba waxa kale oo ah in aan meel lagaga dhicin islaamnimada iyo ibna aadanimadeena sababtoo ah marka aynu ruux ku taageero waxaanu mutaysan beenbaynu sheegaynaa oo waxa aynu meel kaga dhacaynaa xuriyadii aynu waxa wanaagsan ku taageeri layn ee shakhsigu lahaa kagana baydhi lahayn boholaha shaydaanku qodo iyo qabyaalada.Guulaha UCID waxa hada aynu aragnaa in KULMIYE oo dholka geeska galiyey fadqalalo weyna ka waday dalka in ay Madaxda UCID ay talo iyo waano ay ku soo xero geliyeen kuna waafajiyeen xaqii uu iska indho tirayey lana taabsiiyey sida ay nabadu ku jirto. Habalyo iyo Bogaadinbay ku mudanyiin wax qabadkooda iyo dadaalka ay umada ugu jiraan UCID waa arin mihiima in ay suurto galiso is af garad.

UCID waa ina shacbi maaha ina UDUB waa sida uu KULMIYE isleeyey cayda ucid baad ku heli kursi iyo madax nimo, Waxa hadaba ayaan daro ah in maanta KULMIYE sidii ruux duday lasoo ladqabeeyo loona sheego in shalay xilkii la gudboonaa uu seegay SIILAANYO balse ay haboontay in cidii cadho dhaqaaqda la tuso sida caqliga saliimka ahi yahay loona bayaamiyo in kursiga ay ka horayso nabada iyo xasiloonida umadu. UCID waxay mudo dheer ka shaqaynaysay hawl weyna ka haysey in ay maamulka dalka ka jira iyo KULMIYABA aay talo nabadeed iyo tusaalaynba ku lahayd iminkana waxa ay 3 casho shil kula jirtay sidii ay xasiloonida uga shaqayn lahayd KULMIYANA ay u fahansiin leyd in aan la joogin marxal la dagaalamo iyo mid la qayliyo toona, Waxa ay ku guulaysteen in ay nasteexada umada lala arko lagana wada shaqeeyo

Hadaynu dib u yara qooraansano markii shacbiga is huran dabka laysugu dhiibay ee gacmaha loo geliyey khasaaraha dhimasho iyo dib u dhaca horumarka umada waxa aynu ogeyn in ragan doobta ridayaa aanay weed odhan shacbiga lagu baraarujiyo lagagana baajiyo aafada maamulku hor kacaayey ee weli sii huraya.UCID waxa uu buuxiyey kaalintii Shalay SIILANYO ka doortay shilinka iyo colaada sokeeye balse waa karaamo dari iyo shaanbaad aan hadhin oo abidkii dushiisa ka muuqata, Waana arin u baahan ninka xilka umada damac kaga jiraa in uu ka fiirsado mar hadaanu ka maarmaynin taageero dooda cod iyo gargaar aduunba.

Umadi waxay dux yeelataa markay dhacdooyinkii hore sida fiican ee waayo aragnimada leh u isticmaasho kagana baydho khasaaraha kasoo maray wakhtigaa, Balse maaha in colaad oogid iyo xuma raadin loo isticmaalo waana wax aynu dhamaanteen ka murugoonaa wakhtigaa madow ee ina soo maray cidii sababtayna aynu kaga ilaashano maskabka umada laga hagayo ee u baahan imaan kaamila,garasho dheeli tiran,iyo cadaalad waasaca.Waxa kale oo loo baahanyey in laysla fahmo in dantu ku jirin cid saloolanaysa maskabka ka dhexeeya umada oo leh anigaa qabanaya

UCID waxa uu shacbigiisa tusay kalsooni buuxda iyo dhaqankii uu lahaa masuul waadixa, saliima, daacadi waxa hadaba aan ku dhiiri gelinayaa taageerayaashiisa in ay ka qayb qaataan sidii uu ugu adeegi lahaa umada u baahan looguna sugui lahaa xafiiska ka dhexeeya umada.Shacbi weynaha mudada dheer sugayey dhibta maamul xumo haysayna waxaan u rajaynayaa in Alle tuso cida dantoodu ku jirto ee ka saari lahayd dhibta taariikhda deer barbar socotay ee u baahan cid ka taakulaysa oo daacada ama dan ka leh umada iyo dalkaba.

Taariikhdu maaha mid cidi ay cid la jeclaato ama ay had yad u siiso, Taariikhdu maaha mid ay cidi abtirsiin dadka kale kaga xigto, Taariikhdu waa dadaalka shakhsi ama umadi la timaado ee ay jiilka ka danbeeya meel u dhigto waxana u horeeya nabada,horumarka iyo taakulada wax ku oolka ah ee cidi cid u geeysato.Waxaan bulshada ku baraarujinayaa in ay taageeradooda ku sugaan halka ku haboon kana ilaaliyaan meesha aan ku haboonayn.Waxa iyana xaaraan ah in vote-kaaga lagaa siisto cashuurta gurigaaga iyo ganacsigaaga laga qaado waa in laga digtoonaadaa sidii foosha xumayd ee kala qaybisay guurtida tashuushkana dhex dhigtay ee laaluushka ahay.Sharafta muwaadinku waxay ku jirtaa in aad cadaalad iyo xoriyad ku foodo.

Amiin Dahir
Columbus,Ohio

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: