SOMALILAND AQOONSIGEEDA IYADAA ISKAGA FADHIDA !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

SOMALILAND AQOONSIGEEDA IYADAA ISKAGA FADHIDA !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waxaan salaamayaa dhamaan hawl-wadeenada warbaahinta iyo shacbiweynaha reer S/land gudo iyo dibadba.
Akhristoow tan iyo intii S/land gooni isaga taagtay dalweynihii la odhan jirey Jamhuuriyadda Somaaliya 1991-kii ilaa maanta waxay soo martay marxalado kala geddisan. Waxay la soo kufaa kacday xiliyo adag oo ugu dambeyntii dhaxalsiiyey inay samaysato haykal dawladeed ama ha xumaado ama ha wanaagsanaadoe,iyadoon wax gacan ah (Politically and economically) ka helin bulshada caalamka.

Dhaqaalaha:
Mudadaas 18-ka sano ah indhaha bulshada caalamku waxay hayeen koonfurta soomaaliya oo aanay haba yaraatee wax sharci iyo kala dambeyn ahi ka jirin. Waxa loo qabtay ku dhowaad 20 shir oo dibu-heshiisiineed, iyo isku dayo badan sidii dowlad dhexe oo shaqaysa maruun loogu dhisi lahaa.Waxa ku baxay dhaqaale laxaad leh oo bilyanno gaadhaya.
Dhaqaalahaas oo loo maamulay si musuqmaasuq ku jiro, ma wada gaadhin meelihii loo qoondeeyey in wax lagaga qabto, marka laga reebo intii ku baxday hudheeladii ay deganaayeen garabyada shirarku khuseeyeen, balse inta kale waxay jeebabkooda gashay shaqsiyaad ajaanib iyo soomaaliba leh oo si gaar ah u isticmaalay.
Lacagahaas oo dhamaan lagu bixiyey magaca Soomaali oo shuruucda caalamiga ah aynu ka mid nahay, wax S/land kasoo gaadhay ma jirin haba yaraatee. Lacagahaas oo dhamaantood deyn ku ah ilaa jiilasha dambe ee dhalan doona dhowrka boqol ee sano ee soo socda ee soomaalida ah waa hadday siiba jirte,e.
Dhaqaalahaasi wuxuu inagu dhaafay yaan meel soomaaliyi ku shirayso laynagu sawirin, qorshe la,aan aan cidina ka doodin sidii lagu kasban lahaa dhaqaalahaas qayb kamid ah iwm. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “nimaan hadlin hooyadii qadisay”. Dadka lacagtan maamulaa waa koox maafiyo ah oo UN-ka ka socda, lacagta inteeda badanna iyagu lunsada oo haddaan lala gorgortamin oo laga daba qaylin aan wax iskood kuugu garanayn.
Waqtigan xaadirka ah waxa taagan arrinta cirka isku shareertay ee caalamka ka qaylisiisay ee budhcad-badeedda.
Gorayadu(S/land) ilmaheeda, aroori bay dhigtaayoo aboodigu ku laayaa,
aboorkuna(Puntland) aqal buu u aslaa, oo ubadkiisa ku hooyaa.
Bulshada caalamku markay arkeen khatarta budhcad-badeeddu ku hayso naf iyo maalba,iyo inay curyaamiyeen isu socodkii ganacsiga adduunka,waxay u dacwoodeen eelka kii dhigay waa Faroole. Waa tab iyo xeele madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole markiiba wuxuu ka degay Nayroobi, wuxuuna dalbaday $20 milyan oo kamid ah $80 milyan oo dowladda shariifka loo qoondeeyey sannad kasta si ay ugu dhisato ciidan amaankeeda suga. Faroole wuxuu ballan qaaday inuu ka takhalusi doono budhcad-badeeda oo ka tirtiri doono deegaamada Puntland haddii sannad walba $20milyan la siiyo oo uu ku dhiso ciidan awood leh. (NB:ciidankaasi mustaqbalka waxa loo adeegsan karaa wiiqidda awoodda meleteri ee S/land).
Maxaa S/land u diiday inay dhaqaalahaas magaceeda lagu qaato maalin walba qaybteeda hesho? Su,aashaas jawaabteeda dhamaadka maqaalkan ka daalaco.

Siyaasadda:
Mucaarid iyo muxaafidba waxa shacabka lagu maaweeliyaa maanta maalin ay ka fiican tahay siyaasadda dibadda ee S/land ma jirto, ictiraafkiina goor dhow buu albaabka inagu soo garaaci doonaa isagoo keligii iska socda. “fadhi iyo fuud yicibeed laysla waa”, 18 sano ayaa socday weli hal dal oo si cad siyaasad ahaan u taageeray S/land ma jiro.
S/land wax lagu faano way haysataa oo waa nabadda, laakiin ogow nabad iyo gaajo in badan guri kuma wada noolaan karaan oo mid ka mid ah ayaa guriga laga saaraa. Shacabkeennu maanta 60% waxay ku noolyihiin nolol ka hooseysa heerka faqiirnimada,38% waxa laga quudiyaa dibadaha, oo dad iyaguba qaxooti dhul kale ku ah ayay bariiska ka sugaan,2% hadhay waxay ku nool yihiin cashuurta dowladda. Taasina waa tan sababtay in wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ahmed wallad Abdalla oo hal mar booqasho ku yimid caasimadda S/land ee Hargeysa uu nabadgelyada ka jirta S/land ku sheegay wax si fudud ku burburi karta (fragile). Bal sawiro akhristoow xawaaladaha oo hal sano la mamnuuco inay lacago xawilaan. saameyn intee le,eg ayay ku yeelan kartaa shacabka?.
S/land waxa qudha ee maanta ay ku badbaadi kartaa waa iyadoo ka hesha ictiraaf bulshada caalamka,helitaanka ictiraafkuna wax sahlan maaha,haddii daacad laga noqdo raadintiisa,oo waqti badan,tamar badan iyo dhaqaale badan loo huro waa dhici kartaa in lasoo dhiciyo. Ictiraaf raadintu maaha waajib saaran xukuumadda jirta oo qudha, balse waa waajib saaran dhamaan shacabka S/land mucaarad iyo muxaafadba meel kastoo ay joogaan. Ictiraafkan noqday dabkii diinku soo siday waxaan qabaa albaabadii la rabay in la garaaco weli lama garaacin.
S/land waxay ictiraafkeeda u daba fadhiisatay:
Ingiriiska- oo taariikhda matxafyadooda inoo taalaa madawdahay,iyagoo inaga aaminsan inaynu nahay dad madax adag oo waxna aan faaiideysan,waxna laga faaidin.

Jabuuti-oo nolosheeda aan hal ilbidhiqsi aqoonsan aqoonsanna doonin S/land, maadaama oo ay dhaqaaleheeda oo ku xidhan dekeda uu khalkhal geli karo, hadday S/land noqoto dal madaxbanaan. Taas baana keentay inay Jabuuti labada koonfurta soomaaliya is yara qabsataba ay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba taageerto, isla markiibana isku dayda inay xaaladda dejiso. Jabuuti waxa qudha ooy S/land ku afgobaadsataa waa jaarwanaagnimo iyo iwm oo aan wax macno weyna samayneyn, mar hadaan laga midho dhalineyn heshiis dhab ah oo dhex mara labada dhinac. Jabuuti oo u aragta in Soomaaliya iyo S/land isu cadow yihiin ayaa qaadaysa heesta “Cadaaweheennu waa cadaawohooda” iyo cadowgaaga ,cadowgiisu waa saaxiibkaa.

Itoobiya- waxay taagan tahay hadaan S/land aqoonsado waxa igu soo badanaya wadamada isku afka iyo isku diinta ah ee igu xeeran,S/landna waxay noqonaysaa cod ku soo biiray urur-goboleedka IGAD,AU and UN, mararka xaaladuhu isweydaartaan,arimuhuna cakirmaan waxay la codeyn doonaan walaalahooda ay isku afka iyo diinta yihiin waa Jabuuti iyo Soomaliyae, markaa maadaama Soomaaliya gebi ahaanba gacantayda ku jirto baahi igu khasbaysa inaan S/land gaar ugu aqoonsadaa ma jirto. Waxa qudha ee ay Itoobiya S/land uga faaiideysan kartaa inay mustaqbalka isku dhufato Soomaliya iyo S/land, xabashiduna cududa meleteri ka caawiso labada dhinacba ,si soomaalidu isugu baaba,do dhexdeeda.

Fursaddii ugu qaalisaneyd ee S/land seegtay ee ay ku heli lahaayeen aqoonsi caalamiya waxay ahayd iyagoo ka faaiideysan waayey baarlamaankii dowladdii gacan-ku-rimiska ahayd ee Cabdilaahi Yuusuf,ee fadhigeedu ahaa Baydhabo. Xildhibaanadaas oo intooda badani ahaayeen shaqsiyaad shilimo soo raadsaday ama soo shaqo tegey balse aan wax dan ah ka lahayn dadkooda iyo dalkooda colaaduhu aafeeyeen. Cabdilaahi yusuf wuxuu ka saxeexday isagoo lacag adeegsanaya inuu xabashi dalka soo geliyo, iyagoo eegaya dantooda gaarka iyo shilimaadka la siiyey balse aan ka fekerin cawaaqib xumada ka dhalan karta saxeexyadooda ayay qalinka ku duugeen, iyagoo xataa qaar ka mid ahi aanay akhrin kareyn magacyadooda,fartana loogu fiiqay meesha ay suulka saarayaan.
S/land aqoonsi raadinteeda haddii cid xil weyn iska saartay jirto, ayaamahaas ayaa sirdoonka S/land ama shaqsiyaad kale oo la adeegsaday soo fulin kari lahaayeen inay $2000 xildhibaan kasta kaga iibsadaan saxeexiisa. bulshada caalamka cid diidi lahaydna ma jirteen oo tii soo gelitaanka ciidamada Itoobiyaba waxa lagu ogolaaday saxeexyadaas oo Oday Yusuf watay.

Su,aasha maanta taagan ayaa waxay tahay “wax tegey tiigsimaad ma leh” ee xagaan wax ka bilownaa??
Maanta waxa loo bahan yahay koox aqoonyahano ah ( An elite group of intellectual) oo daacada howshanna xil gaar ah iska saara, iayagana loo igmado oo loo daayo meelay kala dhacdaba,laguna taageero.
Maanta Soomaaliya waxa ka jira dowlad la aqoonsan yahay awoodeedu haba iska yaraatee,talaabo kasta ooy qaadayaan waa inaan la socono.Shir kasta oo caalami ah oo ay ka qayb galaan hal mitir (1 meter) ayuu qadiyadda S/land sii aasayaa.

Maalintii jimcaha ee 18-04-09 waxaa caasimadda Tripoli ee dalka Libiya ka dhacay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibedda ee AU,shirkaas oo ajandihiisu ahaa usii gogol xaadhida hindisaha madaxweynaha Liibiya ku doonayo in la mideeyo Afrika, magacii gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka AU-na lagu bedelo madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka AU-authority. Shirkaas waxa Soomaaliya uga qayb galay wasiirka qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame, masuulkaas oo madaxdii meesha timid kala hadlay arrimaha Soomaaliland. weliba wuxuu si gaar ah arrintan ugala hadlay wasiirka arrimaha dibedda ee Koonfur afrika Dr.Zuma,oo uu ogaa inay S/land xidhiidh sokeeye la leedahay, balse wasiirkaasi waxay u sheegtay in sida ku cad axdi-qarameedka AU-authority aan waddana arimihiisa gudaha la faro gashan,axdigaas oo uu samayntiisa iska leeyahay Mucamaral Qadaafiga Liibiya.
Boqolaal shir oo noocaas oo kale ah baa ka kala dhaca dunida dacaladeeda, markaa hadaynaan codkeena meel walba geyn, cidi inama ogaanayso.(Sometimes words are stronger than actions). Qurbajoogu had iyo jeer waxay jecel yihiin inay maqlaan wax dhegehoodu jeclaystaan, laakiin si taasi u dhacdo uma hawlgalaan. markaa fadhiga ha laga kaco ha la huro waqti iyo dhaqqlaba, ha la abaabulo mudaharaadyo.
Taageerayaasha xisbiyada qarankuna ha ogaadeen marka dibadda la joogo in mid la yahay, isku mawqifna laga wada taagnaado oo mid laga wada noqdo raadinta ictiraafka.
Xukuumadda S/landna waxaan usoo jeedinayaa inay maanta fursadda qaaliga ah ee jirta ka faaiideysato xag dhaqaale iyo siyaasadba oo arrintan indhaha caalamka soo jiidatay ee budhcad-badeeda ay qaybtooda libaax ka qaadato, si xataa muwaadiniin bilaa shaqo ah shaqo loogu abuuro. Maanta aduunku waa ka daacad wax kaqabashada arrintan oo saameysay dhaqaalihii iyo isu socodkii ganacsiga aduunka ee bilihii ugu dambeeyey. Markaa ninka Nayroobi jooga ama Washington, Hargeysa intuu iska yimaado qorshe kuuma soo bandhigayo ee adigu albaab kasta u garaac inaad tahay dhakhtarka daweyn kara xanuunka ku dhacay badweynta Hindiya. si aad u fushato danahaaga gaarka ah.
S/land maanta dariiqa ay qaaday waa kay ku galban lahayd, kana tuuri lahaa jar dheer oo aanay dib dambe uga soo bixin. Guurtidii xal helayaasha ahayd ayaa iyadii is haysata iyagoo qaab qabiileysan u kala qaybsan ( haddii dawo bukooto maxaa lagu daweeyaa??), Golihii wakiilada ee xal raadiyayaasha ahaa ayaa ku gacan saydhay go,aan ka soo baxay garsoorka oo xusayey in xildhibaan gacan geystay xilka laga xayuubiyo.( diidmadaasi waxay dhiiri gelinaysaa ix berri xildhibaan kale mindi mid kale geliyo ama baastoolad ku dhufto), Xisbiyadii qaranka ee maamulka loo igmaday ayaa mindi mindi ku mud xaalkoodii noqday.Saaxiibayaal dalkan yar ma dadkii dhintay baa u soo noolaanaya oo lala sugayaa?? wax ha lawada qabsado,danta guudna mudnaanta ha la siiyo, haddii kale halkaa aan aqalka sii asalno inta laynoogu imanayo.
Dalxiiska yurub aan weligeed aqoonsi laga helayn ku bedel in gidaarada Nayroobi iyo Addis ababa loo jiifsado.

Wabilaahi tawfiiq.
guul S/land
farhan gacaliye fagahfagah
farhangacaliye@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: