BEENIN MAQAALKII KU SOO BAXAY HADHWANAAG EE UU QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY XAAMUD

BEENIN MAQAALKII KU SOO BAXAY HADHWANAAG EE UU QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY XAAMUD

BEENIN MAQAALKII KU SOO BAXAY HADHWANAAG EE UU QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY XAAMUD

ASALAMU ALAYKUM.

UJEEDO; BEENIN MAQAALKII KU SOO BAXAY SHABAKADA HADHWANAAGNEWS, EE UU QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY XAAMUD, SOONA BAXAY 19/04/2009.

WAXAAN SALAMAYAA SHABAKADAHA WARARKA EE SIDA TOOSKA AH WARQADANI UGU SOCOTO, ANIGOO U OG KAALINTA AY KAGA JIRAAN HORUMARINTA BULSHADA SOMALILAND, WAXAAN U MAHAD CELINAYAA SIDA SHARAFTA LEH EE AAD WARARKA IYO FAALOOYINKABA UGU SOO GUDBISAAN BAHWEYNTA REER SOOMALILAND, IYADOO AAD HAYSAAN HAWL QARAN OO MIISAANKEEDA LEH WAANA KU AMAANANTIHIIN, WAXAAN LEEYEY MARARKA QARKOOD, WAXA SHABAKADUHU MARARKA QAARKOOD SOO GELIYAAN WARAR AANAY SHAANDHAYN OO AANAY KA FIIRSAN CAWAAQIB XUMADA KA DHALAN KARTA, WAXAA KAMIDA CAYDA SHAQSIGA AH, BEEN ABUURKA MEEL KA DHACA AH EE SHARAF IYO NAFBA LEH, SIDA KAN UGU DABEEYEY EE MUJAAHID AHMED MIRE MAXAMED EE UU LEEYEY HANTI BUU SIISTAY INUU XIL QABTO, WAXAAN XASUUSINAYAA WALAALKAYGA HADHWANAAGNEWS WAXAN KU SOO QORAY MIYAAD GARAN WEYDAY INAAD KA SHAANDHAYSO OO AAD HUFTO IN TA AANAD SOO GELIN.

(1) WAXAAN XASUUSINAYAA NINKA MAQAALKAN SOO QORAY EE ISKU MAGACABAY XAAMUD, IN MUJAAHID AHMED MIRE UU BARI KA YAHAY WAXAAD KU SIFAYSAY.

(2) WAXAAN HALKAN KU TILMAAMAYAA MUJAAHID AXMED MIRE OO AHAA HALYAYGII MAALINTII QADHAADHAYD EE AY MURUGTAY MUSTAQBALKII UMADA SOMALILAND KU DHAQAN IYO URURKII DHAQDHAQAAQA EE SNM INUU AHAA NINKII QATAY GO’AANKII QADHAADHAA EE MACAANAADEY EE AHAA GUUL AMA GEERI, KAAS OO LAGU SOO GALAY GOBOLADA WADANKA OO UU HOGAAMINAAYEY QAYBTII AAGA BARIGA EE SNM EE 1988, TAS OO DHIRBAXO NINKASTA OO GARAAD LIHIBA UU U OGYAHAY LAGUNA MAHADINAAYEY AHAYD, DHID BAHA SOMALILAND AY MAANTA KU TAGAN TAHAYNA AH.

HADAAN U SOO NOQDO DULUCDA QORAALKAYGA, WAXAAN AKHRISTAY OO AAN AAD ULA YAABAY MAQAALKA UU QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY MUJ. XAAMUD, UGU HORAYNA WAXAAN WALAALKAY LEEYEY WAAD KU MAHADSANTAHAY INAAD SOO BANDHIGTO ARAGTIDAADA IYO MAANKAAGA, BALSE WAXAA KAA DADNEYD IN WAXA AAD SHABAKADA HADHWANAAGNEWS KU QORTAY AY HOR IMANAYSO BULSHADA RER SOMALI LAND EE KA NADIIFTA AH KICINTA IYO ISKU DIRIRIDA DADKA WALAALAHA AH, TAASOO CIDKASTAA U ARKAYSO INEY MUUQATO DAD CAGTA LA MARINAAYO, WAXAAN AAD ULA YAABAY WARKA UU WALAALKAY SOO QAATAY EE UU KU SHEGAY IN MUJAHIDA AHMED MIRE LAGU WADO INUU NOQDO TALIYAHA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND, WAXAAN LEEYEY WAA FIKIR ADIGA KUGU KOOBAN TUSAYSANA DADWEYNAHA REER SOMALILAND MAANGAABNIMADAADA IYO WARKA AAN RAADKA IYO SALKA TOONA LAHAYN EE AAD SHARAFTA IYO KARAAMADA SHAQSIYAADKA DAHABKA AH MEEL KA DHAC KU AH, SABABTOO AH, IN MAANTA MUJAHID AHMED MIRE YAHAY MUTACALIN QAATAY ACCEDEMIC FOR POLICY BERITOOLANA AAN AAMIN SANAHAY HADII ILAAHAY LA QABTO INUU NOQONAAYO MADAXWEYANAHA DALKII IYO DADKII UU U SOO HALGAMAY, BALSE AANUU AHAYN NIN MAANTA DIB UGU NOQONAAYA QORIGII UU DALKIISA KU DIFAACAY EE UU KA GUDBAY KUNA GAADHAY HAMIYIGIISII IYO HAMIGII DADWEYNAHAN WALAALAHA AH EE DALKAN LAGU XOREEYEY OO AY CADAHAY BAAL DAHAB AHNA KU LEH TAARIIKHDA DADKAN, WAXAANA AAN LEEYEY WAXAAD TAHAY QOF AAN WAXBA KALA SOCON TAARIIKHDA DALKAN AAD KU ABTIRSANAYSID, EE BAL INTA AANAD WAXBA QORIN DIB U RAAC, OO YARA JALEEC RAGII U SOO HALGAMAY IYO TAARIIKHDII UU QOF WALBA KU SOO YEESHAY XORAYNTA DALKAN.

WAXAAN LEEYEY OO AAN CADDEYNAYAA IN QOFKA AAN OGAYN XAQIIQADA DHABTA AH AY KA TURJUMAYSO QORAALKA UU QORAY, WAAYO WALAALKAY WAXAA UU JOOGAA DALKA UK, OO MAANTA XAALADA DHABTA AH EE TAALA KAMA WAR HAYO, SIDAAS DARTEED WAXAN LEEYEY WALAALKAYGA MAANKA GAABIN INAAD XAAL KA BIXISID HADALKAAGA IYO MAQAALKAAGA ADIGOO QAADANAAYA MASUULIYADA WAXAAD QORTAY EE AH BEEN ABUURKA IYO ISKU DIRKA BAHWEYNA REER SOMALILAND.

WAXAAN LEEYEY SHABAKADAHA DHAMAAN HA LA ISKA ILAALIYO OO SAXAAFADEENU HA NOQOTO MID KA CAAGAN DADKA ISKU KICINAAYA DADWEYNAHEENA EE MAAN GAABKA AH SIDA WALAALKAY.

ABOKOR HASAN HAJI.
FROM. LONDON UK.
EMAIL. ABUBAKER301@HOTMAIL.CO.UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: