JIRRIDA MURANKA AWOODEED EE SOMALILAND

JIRRIDA MURANKA AWOODEED EE SOMALILAND
Jirrida Muranka Awoodeed Ee Somaliland

Suldaanka anaa siyaasigiisa ah. Siyaasiga anaa keenay, oo Suldaan kiisa ah. Mujaahid baan ahay kaadidaydaan u soo cabay dalkan. Hadaladaasi waxa ay ka tarjumayaan awoodaha ama xoogaga ku tartamaya maamulka iyo talada. Waxa aan dhibqarsoon ahayn ama ka mida dhibaatooyinka inagu soo kordhay in uu is ku dhex yaacay hanaankii iyo kala qaybsanaantii awoodee ee ay kala lahayd ummadu. Tasi oo sababtay in qofwaliba uu ku dhaqaaqo shaqo aan ahayn shaqadiisii kana maroorsado dadkii hawshaas lahaa. Bal waxaad u kuurgashaa dhibaatada kala haysata saldanadaha, siyaasiyiinta, aqoonyahaka, ganacsatada, jabhada. Midba midka kale ayuu cunaha kaga maranyahay. Hadaan mid mid u soo qaato waxa aad dareemidoontaa marka aad dib u raacdo waayo aragnimadaada kuu gaarka ah in ay sababaha dhaliyay muraka siyaasadeed ay ka mid tahay lumida wixii loo yaqaanay “Job description”- ama shaqo kala xadaysan.

Waxa jiray dhulka somalidu degto in ay xili aan fogayn ay saldanaduhu ahaayeen meelaha laga hago bulshada ama talada laga qaato. Awoodii badnayd ee ay lahayd saldanaduhu waxa ka fara maroojiyay inteedii badnayd maamuladii dalka soo maraayay, laga bilaabo maamuladii gumaystayaashii reer galbeedka ahaa. Inkasta oo ay dhulka Somaliland ay ka sii shaqanayeen halka koonfurta si qoto dheer loogu wiiqay awoodii saldanadaha. Kadib markii ay dumay dawladii somaliya, suldaankii waxa uu baadi goob u gulay sidii uu ula soo noqonlahaa awoodii laga fara maroorsaday. Baadi goob dheer waxa u soo baxday in siyaasigu yahay ninka dhacay ee dhaxal wareejay suldaanka. Sidaa awgeed waxa uu suldaan kii u arkaa cidii siyaasiya in ay weerarkii iyo budhcadii maamulkiisa dhacday ay tahay, waajibna ku tay in uu ka hirto.

Maamulkii waxa uu isla bedelay isbedelka ka dhacaya aduunka. Beeshii suldaanku maamulayay qaran ayay isu bedeshay. qarankii waxa uu yeeshay jaar dawlado ah. Maamulkii yaraa ee ninkeliyi ka talinkarayay hawshii way ka baaxad waynaatay.Waxa markaa loo baahday dadyaw aqoon u leh maamulkii dhinac gudo iyo dhinac dibadba. Halkaa waxa ku yaraaday jaaniskii uu suldaan maamul ku qaban lahaa. Waxase isagu halkaas jaanis ka helay qolada la baxday siyaasi oo ilbaxnimo iyo aqoon sare is bidaya. Okey, fahanoo ninkan siyaasi waxa uu bedeley suldaankii, suldaankiina waa lasocdaa cida hawshiisii haysata. Markaa waxa lama huraana in halkaas ay ka jirto xurguf ka dhex aloosan suldaan iyo siyaasi oo midba midka kale isha ku hayo. Markaa xaalkoodu waa“Laba dibi dinaahayn ka siman, jeeray dirireene. Daafaha intay kala jiraan, wax isma doorshaane. Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye.” Ta ugu cajabta badani waxa weeye siyaasigii ayaa magacaabaya (caleemo saarayaa) suldaan! Magaranaysaa waxa uu maroorsaday siyaasigii? Shaqadii dhaqanka ayuu la wareegay. Waa siyaasi waa dhaqanyaqaan, geedka karta ayuu tegaya, waa wax walba!

Iyadoo labadaasi isla liitaan, ayaa waxa iyana meeshii soo kordhay oo sii kordhiyay muran, niman qurbaha wax ku soo bartay oo isha kala socday labada dhinac ee awooda isku haysta. Waxay istuseen “waar maadaama aa dalal hore u maray ku noolaydeen, aqoon casriyana soo hesheen maamul wanaagna soo aragteen, walaahi,idinkaaba booskan ku haboonaaye waa ka hurudaan, waar bi’i waayee meesha ka kaca.” halkaas ayaa aqoonyahankii qurba jooga ahaana tuunbada u soo ritay maamulkii. Qoladan waxa isku yara sansaanyihiin,qolo kale oo iyagu sii baro dhaafshay, dhakhaatiirtii, wadaadadii, hudheelayaashii, oo hunguri galay iyana markay arkeen in faraha lawada geshay xeedhadii iyagoo ku luuqaynaya “ dalkaaga dhinac ka raac”.

Hawshuu halkaas kuma joogsane, waxa kaalin isu furtay oo iyana meeshii ka baadhbaadhay boos, niman iska ganacsato ahaa oo xoolo lahaa lagu qadariyo kuna samaystay xoolohooda xulafo iyo taageerayaal badan, isna tusay inay iyaguba kaga haboonyihiin qolyahan kale. Waar bal amuurtan eega. Ganacsade halkaas waxa uu ku gabay howshii uu qaranka u hayay ee ahayd in uu dhaqaala kobcinta ka qaybqaato, cashuur wanaagsan iyo shaqaalaysiinba uu dalka u soo kordhiyo. Markaa wuu saaqiday ganacsade e lasoco. Shaqadiisii ayuu gabay markaa laguma aamini karo hawl, waayo sida uu uga baxsaday tiisii iyuu haduu wax kale helona uga baxsanayaa talada dalka! Intaaba waxa ka sii daran ganacsade wuxuu raba in uu noqdo suldaankii beesha, caaqilkii jilibka, siyaasigii qaranka, taajirkii dalka, aqoonyahankii, waxaas oo dhan ayuu doonayaa!

Waxa isagu shiishkaba uga rogay Mrs.jabhad/mujaahid, oo dagaal soo galay, isuna arka in dhiigiisa u soo huray maamulkan iyo taladan rag kale oon howliba ka gelini hortiisa hashiisii ku maalayaan. Mrs.Jabhad wayrax oo gadood. Waa in uu doonaataa markaa xadhigii u ka garaaci jiray- dagaal iyo xabbad. La soco oo ninkani Mrs.jabhad waa askari ama ciidan asqoobay oo garanla shaqadiisii. Halkaas waxa ka cad in Mrs. Jabhad uu saaqiday una baahan yahay dhaqan celin iyo tilmaan. “Duni wada hallawsan, hallawsan…”

Xoogaga isjiidhay halkaas kuma eeka e waa isasoo horayaan. Akhriste markaa herdenka ka dhacaya dalkeena waa herden dadyaw asqoobay ay isku haystaa. Waxa se mudan in loo damqado masaakiinta, maatada, hooyooyinka, qoonta aan waxba ogayn ee lagu dul herdismahayo. Wax kale garanmaynee “ Bardaneey biyo.”

Cali Cawaale Cismaan

Toronto, Canada

ccawaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: