WAA MAANSO SARBEEB AH OO LA MAGACBAXADAY GUULAWADE

WAA MAANSO SARBEEB AH OO LA MAGACBAXADAY GUULAWADE
waa maanso sarbeeba oo la magacbaxday guulwade
by abwaan axmed cabdilaahi maxmud axmed fartaag

waa siyaasi garashada

ka gadaaman aragoo

waa siyaasi laba galin

hadba dhinac u guuroo

marka geedka loo baxo

halka gobodu taaliyo

gees mara ujeedada

waa nin aan gunimo iyo

gobonimo midna aan galin

waa nin gaatamayoo

gaaf wareega suuqyada

allahayaw gardaranaa

nin kaan geela raacsaday

gacalkiyo shisheeyaa

ii gar gaara wada yidhi

waanin aan gumaysiga

waligii kagubanoo

gaani iyo dirkiisii

guulwade ahaan jirey

gabagabluu ku caanbaxay

guurtiduu marcaayaa

ama gabadh caruura leh

waa nin gaabinaayoo

kaligii go aan sadey

inkastoo gayaan yahay

hadana guursan kariwaa

cidi kama gudoomine

gabaa tuu sidaa wali

alaw yaa u gargaara

gudimaayo abaale

waa midaan gacan siiyey

isna teydaba gooya

geeraar sooma habeynin

gabey dheer tirinmaayo

waxaan maanta u goohay

gocashaa ihortaala

sidii geed hadhwnaagsan

gudin loogu afaystay

xusbiyada gocleeyuu

isna daba gurguurtaa

awr gulaana weeyoo

guuxiisu waa been

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: