Gaboose: Halyey sharaf lahaa shalay iyo maantaba

Gaboose: Halyey sharaf lahaa shalay iyo maantaba

Gaboose: Halyey sharaf lahaa shalay iyo maantaba

Marka ugu horeysa inta wax kale aanan bilaabin, waxaan jecelahay inaan is yara xasuusino horta waa kuma mudane mujaahid Gaboose?.

Dr. Gaboose waa aqoon yahan taariikh dheer leh laguna xasuusto halgankii qadhaadhaa ee dalkan maanta aynu ku naaloonayno lagu xoreeyay. Gaboose waxaan wada ogsoon nahay markii uu ku biiray ururkii u istaagay xoraynta iyo in umada laga tuuro heeryadii kali taliyihii la jabiyay ee Maxamed Siyaad Barre.

Gaboose, waxaa uu waagaas ahaa nin darajo sare iyo meeqaam shariif ah ku lahaa kacaankii waagaas oo ilaa heer wasiirnimo uu ka gaadhay, hasa yeeshee Muj. Dr. Gaboose umayna cuntamin in uu daawado umadiisa oo la xasuuqayo iskana raaxeeysto, waxaana taa badalkeeda uu doortay in uu keynta ugalooo haraad, gaajo iyo halis badana u adkeysto, isla markaana naf maal iyo maskaxbana uu u huro dadkiisa iyo dalkiisaba.

Inataa marka aan kaga nimaadno wakhtigii halganka iyo Muj. Gabose. Markii Somaliland lagu dhawaaqay gooni isu taiga iyo dib ula soo noqoshada xornimadii Somaliland ee lixdankii luntay Muj. Gaboose waxaa uu ka mid ahaa halyeyadii u babac dhigay wakhtigoodii qaaliga ahaana u huray sidii ay umada isugu keeni lahaayeen loona yagleeli lahaa qaran kan curdinka ah ee soomaliland. Waxaan xasuusan nahay dedaalkii Gaboose ee shirkii 1997kii ee lagu doortay Maxamed X/ Ibraahim Cigaal, yagleelkii dastuurka jsl ee maanta aynu ku dhisan nahay iyo masuuliyadihii kala duwanaa ee uu soo qabtay.

Haddaba shacbiga SL ee sidaas u og shaqsiyada Muj: Gaboose iyo meesha uu ka taagan qarankan ayaa aad waxay ula yaaban yihiin habdhaqanka iyo odhaahda aan qaban halyey sidaasi oo kala ah oo lagu arko saxaafadaha kala duwan sidaasi darteed waxaan kula talin lahaa kooxda ku mashquulsan talaabooyinkaas wax u dhimaya sharafta iyo sumcada wadanka iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee umadani leedahayba ay ka waantoobaan falalka caynkaas ah. Markastana ay ku xaliyaan mushkiladaha hanaan sharciga waafaqsan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: